Home Blog Page 626

Daah furka buuga nabadda oo Gaalkacyo lagu qabtay

0

Waxaa maanta oo Jimcaa magaada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabada daahfurka bandhiga buuga nabadda Gaalkacyo.

Munaasabada ayaa Waxaa Ka soo qeybgalay xubno katirsan golaha wasiirada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, siyaasiyiin wax garag iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka wada Sh/Dhexe

0

Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed (Tareedisho) oo kormeer shaqo ku marayay fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Dhexe ayaa tagay deegaanka Xaaji-Cali iyo degmada Warsheekh, waxuuna intii kormeerka uu ku jiray uu sarakiisha ciidanka xoogga dalka kula dardaarmay inay xoojiyaan howl-galada lagu baacsanayo argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinka rabaa idinkoo uturaya shacabka inaad sii labo jibaartaan howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Jeneraal Maxamed Axmed Tadeerisho Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo sidoo kale kormeer ku tagay xeraha ciidamada AMISOM ee deegaanka Qolidhoow ayaa saraakiisha AMISOM la qaatay kulan gaar ah oo diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa howl-galada ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isla markaana loogu xoreyn lahaa deegaannada fara ku turiska oo ay ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.

“Waxaan la qaatay kulan gaar ahaan ciidamada AMISOM, si aan usii labo jibaarno howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, waana isla qaadanay go’aankii ugu haboonaa,” ayuu yiri.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in dhamaan howl-galadii ka socday gobolka Shabeellada Dhexe lagu guuleystay oo cadawga laga xoreeyey inta badan deegaanada muhiimka ah ee gobolkaas.

Wasiirka Maaliyadda oo aaladda fogaan aragga uga qeybgalay shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee Afrika, kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ay ugu horeyso kobcinta dhaqaalaha iyo ka soo kabashada saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19.

“Waxa aan galabta ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass., waxa aan ka doodnay Qaarad ahaan iyo Dal ahaan sidii looga soo kaban lahaa saameynta Maaliyadeed ee COVID-19 iyo Caqabadaha Maaliyadeed”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sharaxay habka Soomaaliya uu uga socdo hanaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sida ay uga go’an tahay hufnaanta Maaliyadda.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo gaadiid ku wareejisay Jubbaland “SAWIRRO”

0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa waxaa garoonka Diyaadaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Kismaayo ku soo dhaweeyay Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Cabdulaahi Dubat Shiil.

Wasiir Maryan ayaa waxaa socdaalkeeda Kismaayo ku wehlinayay  wafdi ka kaboon hawl wadeennada Wasaaradda iyo xubno ka tirsan maamulka Dakadda Muqdisho.

Wafdiga Wasiirka Dekadaha Soomaaliya ayaa si toos ah u gudo galay hawlihii ahaa ujeedka safarkooda oo ay u horraysay kormeer ay ku soo indho indhaynayeen xaaladda iyo shaqooyinka ka socda dakadda magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno sar sare oo ka tirsan maamulka dakadda.

Kor meerka kadib Wasiir Maryam Aways Jaamac oo ka mahadcelisay soo dhaweynta loo sameeyay ayaa waxay Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka ee Jubbaland mudane Cabdulaahi Dubat Shiil iyo Wasiirka gaadiidka badda iyo dakadaha Jubbaland mudane Cabdiraafic Maxamad Cali ku wareejisay gaadiid ay Dawladda Hindiya ugu deeqday Xukuumadda Soomaaliya oo qayb ka mid ahna loo asteeyay dawlad gobleedka Jubbaland.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Jubbaland Mudane Cabdulaahi Dubat Shiil ayaa dhinaciisa ka mahadnaqay gaadiidkan lagu wareejiyay, isaga oo sheegay in si buuxda looga faa’iidaysan doono.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u jooga Soomalia Mss Tiina Intelmann, isagoo ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo magacaabay.

Duqa magaalada Muqdisho iyo safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay arima dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka la filayo iney Caasimadda ka dhacaan, arrimaha Amniga gobolka, shaqa abuurka dhallinyarada, xal u helidda maareenta Barakacyaasha iyo dib-u-dhiska magaalada.

Mudane Cumar Filisha ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka uu hirgelin doono shaqo abuurka dhallinyarada, ayna diyaar u yihiin xoojinta Nabadgelyada caasimadda iyo bilic soo celinteeda.

Kulan looga hadlayay Daryeelka Caafimaadka carruurta oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybteeda Caafimaadka Carruurta, ee dhallaanka yar yar iyo qeybta Tallaalada ayaa soo gabagabaysay kulan Caalami ah oo diiradda lagu saaray sare u qaadista la tacaalidda iyo ka hortagga xanuunka oof wareenka, kaas oo ah xanuunka koowaad ay inta badan u dhintaan Caruurta Soomaaliyeed.

Qabsoomidda kulanka ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay Hey’adda Badbaaddada Carruurta ( Save the Children), waxaana ka soo qeyb galay dhamaan Maamulada kala duwan ee dalka iyo hay’ado Caalami ah sidoo kale waxaa qayb ka ahaa deeqbixiyaal kala duwan.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Khudbad ka jeediyey Shir Caalami ah oo ka dhacay Serbia

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti uu hoggaaminaayey oo uu ka mid ahaa Madaxa Safaaradda Soomaaliya ee Serbia Ambassador Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa caasimada dalkaasi Beldgrade kaga qeyb-galay shirka iyo xuska sanad guurada 60-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska dhaq-dhaqaaqa dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada kale ee ka jira caalamka.

Dhaq-dhaqaaqan oo la yiraahdo Non Alingned Movement, ayaa ay dawladda Soomaaliya ka mid ahayd aas-aaseyaashii ururkan kaasi oo inta badan loogga hadlo iskaashiga dawladaha ku bahoobay gaar ahaan dhinacyada nabad-galyada, dhaqaalaha iyo jiritaanka dawladaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa shirkan oo socday muddo laba cisho ah, waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlaayey muhiimada iskaashiga dawladaha ku bahoobay Ururkan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay ayidsan tahay mabaadiida ururkan isla-mar-ahaantaana ay mar walba danaynayso inay nabad kula noolaato caalamka intiisa kale isaga oo wufuuda shirkan ka soo qeyb-galay u sheegay in waayo-aragnimada ay ka soo dhaxleen burburkii iyo dagaaladdii sokeeye ba ay tahay in wixii khilaafaad ah lagu dhammeeyo wada-hadal iyo hab nabdoon kuwaas oo ka mid ah mabaadiida uu ku dhisan yahay ururkani.

Wasiirka oo intii shirku socday kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka socotay caalamka, ayaa wuxu sidoo kale uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Serbia Mudane Nikola Selaković oo ay ka wada-hadleen iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo dhiiri-gelinta Maal-gashiga.

Dawladaha Soomaaliya iyo Serbia, ayaa wada leh xariir dheer oo soo jireen ah oo soo bilaabmay horraantii 1950-kii, waxaana xiriidhkan cusub uu dib u furayaa siddii loo soo celin lahaa iskaashigii ka dhaxayn jiray labada dhinac gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga.

Washington oo Pyongyang  ugu baaqday inay ka fogaato ficil kasta oo keeni karo Xiisad

0

Dowladda Mareykan ayaa ugu baaqday Kuuriyada Waqooyi inay ka waantowdo ficillada sii kordhaya ee meesha ka saari karo wadahadalada iyo iskaashiga u dhexeeya labada Kuuriya iyo Mareykanka.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan, bayaan uu soo saaray kadib kulan uu kula qaatay Washington dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Suh Hoon ayuu sheegay in ay wanagsantahay in Pyongyang ay joojiso waxyaabaha sababi karo carqaladeeynta iskaashi ee ay la leedahay Caalamka intiisa kale.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in horumarinta hubka ay lama huraan u tahay si looga hortago siyaasadaha cadaawadda leh ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Khudbad uu ka jeediyay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, bandhiggii horumarinta difaaca  Pyongyang ayaa kordhineysay xiisadda soo cusbonaatay ee keentay in Washington ay ka falceliso.

Sawirro ay baahisay warbaahinta, ayaa muujinaya Kim Jong Un oo ag taagnaa hub kala duwan, oo ay ku jiraan Gantaalaha qaaradaha isaga goosha, sida Hwasong-16.

 

Afar Nin oo Walaalo ah oo ku geeriyooday Ceel biyood ay ku dhaceen

0

Afar Nin oo walaalo ahaa ayaa isku mar ku geeriyooday ceel biyood ay ku dhaceen, kaas oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhaw magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Allaha u naxariistee Raggan ayaa ku geeriyooday Ceel kuyaal Togga Faafan kaasi ahaa mid ay iyaga qodeen si ay Biyo uga cabaan, balse halkaas ayay si wada jir ah ugu geeriyodeen xilli ay doonayeen inay ku waraabiyaan beer ugu taalla gudaha Toga Faafan.

Ehellada Afartan nin ee dhintay ayaa sheegay in saacado kadib markii ay ceelka ku dhaceen la ogaaday, kadib markii uu kusoo wargeliyay mid kamid ah Shaqaalaha Beerta.

Bulshada degaanka Faafan ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay Ceelka kasoo saaraan Meydadka Afarta Nin oo ku jiray in ka badan lix saacadood, waxaana islamaanta lagu Aasay Tuulada Hora-hawd.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho soo gaaray

0

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cade Airport kusoo dhoweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, qaar kamid ah Senatorada cusub ee dhowaan lagu doortay Magaalada Jowhar, Xildhibaano Golaha Shacabka,  Xubno isugu jira labada gole ee Dowlada Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Bahda fanka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweeyntii diiraneyd ee loo sameeyay isagoo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay.