Ku dhawaad 500 oo arday oo jaamacadda ACCORD ee Muqdisho ka diyaarisay shahaadda heerka 2aad ee jaamacadda

Date:

Xafladaan oo aheyd mid si her sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ku qalin-jabinayay dufcadii 2aad ee ardayda jaamacadda Accord ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir,masuuliyiin hore xilal kala duwan usoo qabtay, xilldhibaano ka tirsan golaha shacabka BJFS oo qaar kood ka mid ahaa ardayda qalin jabineysay, iyo waliba guddoomiyaha guud ee jaamacadda Accord oo safar shaqo ku timid magaaladda Muqdisho inta munaasabadda Socotay.

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta Nabadda, Sugal Cali Ayaanle iyo Saynab Xaabseey ayaa ka hadlay muhimada ay leedahay waxbarashada.

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka BJFS iyo sido kale Agaasimaha guud ee Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cisman ayaa bogaadiyay ardayda ka qalin jabineysa Jaamacadda Accord.

Prof. Florence Norris oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda ACCORD oo dalka Mareykanka ka timid ayaa kasoo qeybgashay xafladda qalin jabinta dufcada 2aad ee ardayda, waxaana ay ku bogaadisay in ay sii wadaan waxbarashada.

Inta ay socotay munaasabadda waxaa sido kale farriimo kusoo bandhigay macalimiinta ajaanibta ah ee wax ka dhiga jaamacadda maadaama ay nasiib u yeelan waayeen in ay yimaadaan goobta xaflada lagu qabanayay.

Barbaarta gaashaaman, fanaaniinta iyo afmaalo kale ayaa inta ay xafladda socotay kusoo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay leedahay waxbarashada jaamacadda Accordka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...