Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga
DAAWO:Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Qoys iska xirtay Wiil ay sheegeen in uu lacag ka qaatay
Wasaaradda arimaha gudaha galmudug oo ka daahfurtay Gaalkacyo kulan ku saabsan wacyigalinta qorshaha horumarinta degmadaas shanta sano ee soo socata
Muqdisho,3,7,2022:-Kulan kaan wacyigalinta qorshaha horumarinta Degmada Gaalkacyo ee Shanta sano ee soo socata oo ay taaba galintiisa iska kaashanayaan wasaarada arimaha gudaha galmudug iyo hay’adda unicef ayaa maanta Magaalada gaalkacyo uga furmay xubnaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee Galmudug.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY DALKA TURKIGA.
Muqdisho, Luulyo 03, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland oo maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga.
Ra’iisulwaasare Hamse oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa.
Muqdisho-3-7-2022Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Mudane Maxamed Ibraahim Nuur howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo maanta la kulantay xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka
Muqdisho,3,7,2022:Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Abdinasir Mukhtar Ibrahim iyo qaar kamida Agaasimayaasha waaxaha ayaa kulan la qaatay xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) iyo Xoghayaha Guudiga NHPC.
[DHAGEYSO] Waxaa maanta Aas- Qaran Hargaysa loogu sameeyey marxuumad Khadra Daahir Cige
MUQDISHO,3-7-2022:Waxaa maanta Aas Qaran loogu Sameeyay qabuuro ku yaal duleedka Magaalada Hargaysa Fanaanadii Caanka ahayd Khadra Daahir Cige Alle Naxariistii Jano ha ugu Deeqee.
Waxa Aaskeeda Ka Qayb-Galay Masuuliyiinta ugu Saraysa Xukuumada maamulka Somaliland ,Masuuliyiin kale,bahda fanka iyo Weliba Dadweyne aad u Tiro Badan..
Allaha hauna hariisato Fanaanada waxa ay ku dhalatay sida ay shegaan dadka yaqaana Hargeysa sanadkii 1959 , isla Hargeysa ayey fanka kaga biirtay sanadkii 1974 oo ay ahayd 15 jir sida ay ku sheegtay wareysiyo bixisay.
Waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta loogu jecelyey Hobolada Soomaaliyeed , iyada oo lagu xusuusan doono heesaha jacaylka oo ay caan ku ahayd
1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA”
Heestii ugu horeysay ee ay qaaddo waxa ay ahayd, hees Jaceyl ah, “AFKA LAGAMA SHEEGTOO ADIGOON JACEYL ARAG”

Ciidamada Ruushka oo isku hareereeyay magaalo ku taalla Ukraine
Muqdisho,3-7-2022-:Ciidamada Ruushka ayaa isku hareereeyay magaalada Lysychansk ee dalka Ukraine, magaaladan ayaa kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee ka tirsan gobolka Luhansk ay Ukraine gacanta ku heysay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee TASS oo soo xiganeyso wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.
Militeriga weli kama aysan hadlin arrintani.
Ruushka waxaa ka go’an in ciidamada Ukraine uu ka saaro gobollada Luhansk iyo Donetsk, halkaas oo ay ka dagaallamayeen kooxaha gooni u goosadka ee uu taageero Ruushka tan iyo faragelintii militeri ee Ruushka sanadkii 2014-kii.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUMAD KHADRA DAAHIR CIGE
Muqdisho, Luulyo 3, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday hoboladdii caanka ahayd ee marxuumad Khadra Daahir Cige.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumadda ay kaalin weyn uga jirtay fanka Soomaaliyeed, iyada oo doorweyn ka qaadatay sare u qaadida fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo ay ka aheyd tiirarkiisa.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday marxuumad Khadra Daahir Cige oo magac iyo miisaan ku dhex laheyd bahda fanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Firdowsa.
