Home Blog Page 620

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dhismooyin lagu kordhinayo

0

Mas’uulyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi oo shaly shir ku yeeshay xarunta dhismaha safaaradda ee magaalada Nairobi ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhismayaal cusub oo loogu soo kordhiyo xarunta dhismaha safaaradda.

Dhismayaashaan lagu soo kordhinayo Safaaradda ayaa Waxaa kamid ah Misaajid lagu cibaadeesto iyo guriga safiirka safaaradda oo laga dhisayo gudaha safaaradda, waxaana  fikirkaas jaariyadda u soo jeediyay  safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxa uuna kawaramay dhibaatada ay leedahay in Safiirku uu daganaado Hotel.

“Safiirkgu in uu deganaado hotel ee marba alaabtiisa meel loo raro markii calaaqaadka lakala gooslay waxaan alaabtii keedka Ku heenay Kuntendhar Kira ah 3bilood ayaanu Ku heenay hada waxaan deganahay Hotel wax walba ayaana lagu qarinkaraa ,waxaana la rabaa in ay dhoorsantahay alaabta iyo wax walba oo safaaradu dadka ugu adeegeeso”. ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee u fanidha Dalka Kenya.

Dhamaan ganacsatadii Ka soo qeebgashay ayaa balan qaaday in ay dhisidoonaan dhismayaashaan.

Culima Awdiinka Ahlu sunna oo war ka soo saaray dagaalkii Guri Ceel  ka dhacay todobaadkii hore ”SAWIRRO”

0

Shirkan oo ay Guri Ceel ku yeesheen Culima Awdiinka Ahlu-sunna Waljameeca ayay kaga hadleen dhibaatadii ka dhalatey dagaalkii Guri Ceel  ka dhacay todobaadkii hore, iyadoo culumadu ay xoogga saareen sida dadka leh aqoonta diineed ay waajibka ugu tahay badbaadinta bulshada iyo in ay hor istaagaan wax kasta oo keenaya in dowladnimada lagu carqaladeeyo magacyo diimeed.

Shiikh  Siciid Shiikh Maxamed, Shiikh macalin Cabdi Diiriye, Shiikh Cabdikariin Maxamed Warsame, Macalin Cabdullaahi Maxamuud Xaaji iyo Macalin Ciise Cumar Shiikh Nuur  ayaa sheegay in Dagaalkii ka dhacay Guri Ceel uusan aheyn dagaal Caqiido balse uu ahaa duulaan Siyaasadeed, oo aan Diinta  wax anfac u lahayen.

Culumada kulankan ka qayb gashey ayaa ugu baaqay cid kasta oo ku howlan abaabulka rabshado hubeysan in ay Alle kaga cabsato oo ay u hoggaansanto madaxda deegaanka iyo dowladnimada dhisan iyadoo loo cuskanayo amarka Alle iyo kan suubaneheena Muxamed NKH.

Culumada kulankan isugu timid ayaa qayb ka ahaa dhamaantood xubnihii sarsare ee halgankii Ahlusunna ee Alshabaab looga xoreeyay gobolada dhexe kaasi oo bilaawday sanadii 2008, isla markaana aas aaska u noqday dhismaha maamul ka hana-qaada deegaanada nabdoon ee Galmudug.

 

Fursad Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Buslahada

0

 

Wasaaradda:                   Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Buslahada

Waaxda:                          Maamulka & Maaliyadda

Jagada:                                        Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda

Goobta Shaqada:            Mogadishu, Soomaaliya

 

  1. DULUCDA:

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Buslahada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay  xoojineysa hababka maareynta hay’adaha, maaliyadda iyo kheyraadka, qaab-dhismeedka maaliyadeed ee dowladda iyo nidaamyada bixinta adeegyada ee qaybaha caafimaadka.

Wasaaraddu waxay raadineysaa u tartamayaal/musharraxiin u qalma booska Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda. Ujeeddada loo xayeysiinayo booskan ayaa ah bixinta hoggaan, jihayn iyo maareynta Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda iyo sidoo kale, hubinta adeegyada dhammaan howlaha maamulka oo ay ku jiraan maareynta shaqaalaha, miisaaniyadda, iyo tasiilaadka adeegyada kale ee maaliyaddeed. Booskan ayaa la filayaa inuu si firfircoon uga qaybqaato maamulka guud ee Wasaaradda, siinayana hagitaan iyo jiheyn ku aaddan horumarinta iyo hirgelinta hababka lagu horumarinayo hadafyada iyo istiraatiijiyadda Wasaaradda.

  1. Baaxadda Shaqada & Waajibaadka:

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ayaa mas’uul ka ah jihaynta iyo maareynta maaliyadda & Adeegyada Maamulka ee Wasaaradda, isla markaana hubinaya bixinta adeegyada dhammaan howlaha maamulka oo ay ku jiraan maareynta shaqaalaha, miisaaniyadda, tasiilaadka iyo farsamada macluumaadka. Agaasimahu wuxuu qabanayaa shaqooyinka uu faro Agaasimaha Guud, wuxuuna mas’uul ka yahay dhammaan go’aannada waaweyn ee saameeya Agaasinka. Agaasimuhu wuxuu si firfircoon uga qayb qaadanayaa maamulka guud ee Wasaaradda isagoo bixinaya hagitaan iyo jiheyn ku aaddan hababka loo horumarin karo hirgelinta waajibaadka Wasaaradda iyo ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed. La socoshada u hoggaansanaanta shuruudaha maareynta maaliyadeed ee Dowladda iyo Wasaaradda Caafimaadka. Waa in uu noqon karaa mid la jaanqaadi kara u hoggaansanaanta shuruudaha maareynta maaliyadeed ee dowladda iyo Wasaaradda Caafimaadka.

  • Waa inuu siiyo hoggaan wanaagsan oo xirfad leh shaqaalaha Maamulka & Maaliyadda, iyadoo la hubinayo in agaasinka uu taageero wax-ku-ool ah siiyo Wasaaradda;
  • Ka xubin ahaan kooxda sare maamulka iyo maareynta, waa inuu wax ku-biiriyaa maamulka Wasaaradda, isaga oo la imaanaya abuurista fikrado cusub iyo habab cusub oo ku saabsan sida Wasaaradda u maareyso hawladeeda;
  • Wuxuu u xilsaaranyaha mas’uuliyadda bixinta adeegyada maaliyadeed iyadoo la ilaalinayo isla xisaabtanka guud ee bixinta adeegyadaas;
  • Bixinta taageero farsamo ee maaliyadeed si Xisaabiyaha Barnaamijka Mashruuca Caafimaadka ee Wasaraadda Caafimaadku u yeesho awood uu ku fuliyo hawlaha mashruuca.
  • Siinta talo iyo taageero waaxyaha wasaaradda iyo sidoo kale barnaamijyada ka socda Wasaaradda ee la xiriira hormarinta maamulka & maaliyadda;
  • Taageeridda hirgelinta siyaasadda Caafimaad ee la xiriirta sinnaanta fursaddaha;
  • Waa inuu qabtaa shaqooqyinka kale ee uu u igmado Agaasimaha Guud;
  • Kormeeridda hawlaha maaliyadeed, xaqiijinta maamul wanaagga ee arrimaha maaliyadeed ee Wasaaradda; caawinta Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha kale ee hababka miisaaniyadda iyo qorsheynta maaliyadeed; dabagalka iyo dib-u-eegista miisaaniyadda si waafaqsan codsiyada is-beddelaya iyo kuwa la sii saadaalinayo; iyo diyaarinta warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha ah;
  • Si wax ku ool ah u xaqiijin maareynta ku saabsan dakhliga iyo kharashka Machadka
  • Waa inuu siiyaa Agaasime Guud macluumaad sax ah, waqtiyaysan, lehna waxqabad cabbiraad ku saleysan
  • Maareynta dhammaan hawlaha bixinta iyo wax soo-iibsiga si waafaqsan tilmaamaha iyo sharciyada khuseeya.
  • Kormeeridda dhaqdhaqaaqa shaqaalaha, siinta Agaasimaha Guud talo ku saabsan arrimaha maamulka shaqaalaha, oo ay ku jirto horumarinta iyo dib-u-eegista siyaasadaha iyo habraacyada khuseeya maamulidda shaqaalaha;
  • Bixinta adeegyada kala duwan oo ay ku jiraan siinta shaqaalaha tababbarro iyo horumarinta maareynta waxqabadka; hababka isla-xisaabtanka, cabashooyinka; mushaaraadka iyo hawlgabka;
  • Hubinta in dhammaan siyaasadaha iyo habraacyada maamulka shaqalaaha ay buuxiyaan shuruudaha Wasaaradda;
  • Kormeeridda waaxda IT, ayadoo la hubinayo hawlaha socda iyo hirgelinta adeegyada Wasaaradda ee qeybta IT;
  • Maamulidda bilicda Xarumaha ay ku shaqeyso Wasaaradda;
  • Maamulidda wax-soo-iibsiga, adeegyada maareynta tasiilaadka oo ay ka mid yihiin cunto -karinta, nadiifinta, amniga, iyo ilaalinta dabka.
  • Fulinta hawlaha dheeraadka ah oo laga yaabo inuu u xilsaaro Agaasimaha Guudu ee Wasaaradda Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka, DFS.

 

 

  1. Shuruudaha Xulashada:

 

  • Xulashadu waxay ku salaysantahay aqoonta iyo Qibradda u tartamaha/musharraxa u leeyahay booskan, ayadoo laga qaadayo imtixaan, wareysi fool-ka-fool ah. Ugu yaraan waa inuu leeyahay aqoon, waayo-aragnimo iyo xirfadahaan:
  • Shahaadada sare ee Masterka ee Maaliyadda, Xisaabaadka ama aqoon la xiriirta; (ii) Ugu yaraan waa inuu leeyahay 7 sano oo waayo-aragnimo shaqo xirfadeed taas oo 5 sano ka mid ah uu ka soo shaqeeyay shaqooyin dowladeed, (iii) waa inuu yahay shaqaale dawladeed oo yaqaan nidaamka xisaabaadka dawladda; (iv) Khibrad u leh maalgelinta iyo nidaamyada maareynta maaliyadda guud; (v) Leh xirfadaha abla-ableynta, ku wanaagsan wax-qorista, sidoo kalena leh si heer sare ah ugu hadli kara luuqadaha Ingiriiska iyo Soomaaliga; (vi) Ku wanaagsan xiriirka iyo is-dhexgalka, la macaamili kara dad badan, lehna xirfadaha wax-soo badhagista.(vii) leh qibrad la shaqeyn koox, sidoo kalena u gudan karo shaqadiisa si madax-bannaan asagoo ka maarmi kara kor joogtayn shaqo.
  • Waa faaido dheere ah qofkii heesto shahaadada CIPFA, UK. (chartered institute of public finance and accountancy.

 

  1. Waqtiga & Goobta Shaqada:

 

  • Booskan waa mid joogto ah. Saacadaha shaqadu waa mid waafaqsan saacadaha dowladda ee shaqaalaha dowladdu ay ku shaqeeyaan.

 

  • Wasaaradda Caafimaadku waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta daneeynaaya fursaddan inay soo dalbadaan booskan ayagoo soo gudbisanaya araajidooda, sidoo kalena kusoo lifaaqaya codsiyada dalabka, isla markaasna ku caddeenayana inay u qalmaan codsashada fursaddan. Araajiyada & codsiyada waxaa lagu soo diri karaa ciwaannada hoos ku xusan.

 

 

  1. Cidda loo qaadan doono booskan waxaa lagu xulan doonaa si waafaqsan Xeerarka Iibka ee dalka (procumbent).

 

  1. Kartida:
  • Qofka loo qaadanayo booskan waa inuu bixin karaa talooyin wanaagsan oo ku salaysan falanqayn suuban
  • Leh hab-fikir sareeya/dheer
  • Ka qeyb qaadan kara go’aan-qaadashada
  • Leh xirfad Xiriir shaqo oo wanaagsan
  • Si heer sare ah ula shaqeyn kara dadka ay shaqo wadaag yihiin
  • Ku wanaagsan warbixin-qoraaleedka
  • Si wanaagsan qoraal & hadalba ugu fiican luuqadaha Ingiriiska iyo Soomaaliga

 

  1. Habka soo gudbinta codsiyada iyo wakhtiga kama dambaysta ah

Daneeyeyaasha fursaddan shaqo waxaa laga rabaa inuu dira “codsi/ Arji, Taariikh nololeedkaada” dalabkaada  waxaad ku diri kartaa ama ku  gudbin kartaa qaab Emailka hoos ku qoran recruitment@ncsc.gov.so ama toos  qofku u imaan karo xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka, qaab email ahaan, laga bilaabo maalinta Khamiista 30th October –ilaa-ugu dambayn 12th November, 2021.  12:00 PM (Waqtiga Mogadishu) – adigoo isla markaas muujinaya ciwaanka ah “Application for Director of Finance and Admin, Ministry of Health-FGS”.

Emails/ Ciwaanka: recruitment@ncsc.gov.so

Degmada Shibis oo u soo baxday kamadanbeesta Tartanka kubada gacanta

0

Degmada Shibis ayaa u soo baxday kama dambeysta tartanka kubbadda Gacanta ee Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir 2021.

Degmada Shibis ayaa Degmada Warta Nabadda uga adkaatay 24-23 kadib ciyaaro xiiso leh oo garoonka Wiish labada degmo ku dhex martay.

Taliyaha Ciidanka xoogga oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Guri-Cel

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 15-aad iyo Taliyaha qaybta 21-aad ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer Guri-Cel oo ay kawada hadleen howsha ciidanka qalabka sida ay kawadaan deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay howlgalladii ugu dambeeyay ee dib gacanta dowlada loogu soo celiyay degmadan, taasi oo sida waxgaradku sheegay soo af jartay hubanti la’aantii amni ee bulshadu wajahayeen.

Janeraal Odawaa Taliyaha Xoogga ayaa reer Guri-Cel ku bogaadiyay shaqada adag ee ay la qabteen ciidanka qaranka iyo kuwa Galmudug mudadii uu socday dagaalkii Guri-Cel, isagoo tilmaamey in howshaasi qayb ka aheyd waajibaadka ciidanku u xil-saaranyahay ee isugu jirta ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagida cadawga gudaha iyo kan dibada.

Waxgaradka reer guriceel ee la kulmay Taliyaha xoogga iyo saraakiisha kale ayaa goobta ku wareejiyay 10-neef oo geel ah, raashin iyo cabitaano ay ugu talagaleen dhiirigalinta ciidanka amniga.

Guddoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa balan qaaday in bulshada uu hoggaamiyo sii wadi doonto taageerida ciidanka.

Janeraal Cabdi Jaamac Maxamed (Cigaal) Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga dalka ayaa mahad celin kadib, adkeeyay in ay wali ku jiraan Ciidamadu heegan ay kaga jawaabi doonaan in la hubiyo kala dirida kooxda hubeysan ee laga saarey Guri-Cel.

 

Qoorqoor oo digniin u diray maleeshiyaadka Ahlusunna

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa fariin adag u diray Ururka hubeysan ee Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in kooxo hubeysan aysan ka aqbali doonin in gorgortan siyaasadeed lala galo.

Waxaa uu ugu baaqay culimada Ahlusunna ee hadda ku sugan deegaanka Bohol in ay hubka dhiggaan oo ay dhinac ka raacaan dadkooda.

“cidna kama ogolaaneyno in ay hub sharci daro ah ay ku heysato tuulo ka mid ah Galmudug, iskaba daaye in ay degmo soo weerarto.”

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale tilaabadii Military ee la qaaday ku tilmaamey mid deegaanka oo dhan looga badbaadiyay iskuday jabhado hubeysan ku doonayeen in ay xukunka ku qabsadaan.

Kalluumeysiga sharci darada ah oo ku soo badanaya badda Soomaaliya

0

Qaar ka mid ah kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ka jilaabta xeebaha bariga Mudug ayaa cabasho ka muujiyay koorka maraakiib shisheeye oo si sharci dara ah uga kalluumeysta biyaha badda ee dalka.

Aamiin saciid Aadan oo ka mid ah kalumeystada ku dhaqan  xeebaha dagmada hobyo,ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in maalmihii u danbeeyay ay soo baxeen qeylo dhaan ku aadan maraakiib shisheeye oo sida sharci darada ah uga kaluumeysanaya xeebaha bariga Gobalka Mudug.

Kalluumeysatada gobolka Mudug ayaa sheegay in kalluumeysiga sharci darada ah ee ka jira badda Soomaaliya ay ay saameeyn ku yeesheen nolasha kumanaan qoys oo ku tiirsanaa wax soo saarka badda.

Qaar ka mid ah kalluumeysatada Soomaalida ayaa fikrad ahaan qaba in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban kalluumeysiga sharci darada ah ee maraakibta shisheeye ay dhallin karaan ,shaqo la’aan ku timaada kalluumeysatada,hoos u dhac dhinaca la xiriira kheyraadka badda iyo bulshada kalluumeysatada ah ka barakacda deegaanada xeebaha ah ee dalka.

Galmudug oo Amartay in loo gurmado dadkii ka barakacay Guriceel

0

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa furay Shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee Galmudug oo maanta ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo aay soo qaban qaabisay Wasaarada arimaha gudaha Galmudug waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta adeegyada bulshada, soo bandhigidda caqabadaha iyo fursadaha shaqo ee jira iyo hirgalinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowlada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku amray wasaaradaha Galmudug in aay gargaar la gaaran Dadka ku barakacay Guriceel ayago kashanaya Gudiga heer Wasiir ah oo uu magacaabay madaxweynaha Galmudug.

Sido Kale Madaxweyne kuxigenka Galmudug waxa uu faray Dagmoyinka Galmudug in ay ka so qayb qataan Gurmadka loo fidinayo Guriceel.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha dalka oo yeeshay kulan looga hadlyay Tiirka arrimaha Bulshada ee XFS

0

Kulan ay ka soo qeyb galeen Agaasimeyaasha iyo mas’uuliyiinta Wasaraadaha iyo hay’adaha dowladda ee hoos taga Tiirka arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka oo uu soo Agaasimay hoggaanka tiirkan u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga dooday qaabeynta habsami u socodka howlaha tiirka arrimaha bulshada iyo diyaarinta qorshe howleedyo.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinta halbeegyada waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda ee hoos yimaadda tiirka arrimaha bulshada

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka XFS oo gargaar deg deg ah u dirtay Guriceel

0

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay ka wadeen howgallo ku saabsan dib u soo celinta magaaladda.

Wasiirka Gargaraka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in gargaarkan oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgalladii ka socday maalmahi lasoo dhaafay magaalada.