Kulan looga hadlayay dardar galinta shaqada iyo horumarinta oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay Weheliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa Kulan isla Xisaabtan iyo isxog waraysi isugu jiray la qaatay Gudoomiyaasha Xaafadaha , Ku Xigeenadooda , Xoghayaasha , Agaasimayaasha, lataliyaasha, madax qeybeedyada iyo shaqaalaha Maamulka Degmada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa warbixin guud oo waxqabadka iyo halka shaqadu marayso la xiriirta looga dhageystay Gudoomiyaasha shanta Xaafadood ee Wadajir , Howlwadaag, Garsoor , Horumar iyo Horseed iyo Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Dowladda Hoose si loo dardar geliyo shaqada hortaala Mamulka Degmada, Meeshana looga saaro wixii gaabis ah oo jira.

Ugu dambeyn Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaasha Xaafadaha, Agaasimayaasha iyo Dhamaan hawlwadeenada Dowladda hoose in ay dardar geliyaan shaqada hortaala sida nadaafadda, iftiiminta iyo bilic soo celinta Magaalada , Amniga , canshuur aruurinta iyo horumarinta Wadooyinka dhismahoodu socdaan, isagoo sheegay in masuul kasta lagula xisaabtamayo shaqada loo igmaday, qofkii kasoo bixi waaya hawshiisana talaabada ku haboon laga qaadi doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...