Wasiirka Gaashaandigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo boggaadiyay Howlgallada Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Gobalka Hiiraan

Date:

MUQDISHO, 20.08.2022:- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku boggaadiyay howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Hiiraan oo ka tirsan Mamulka Hir-Shabelle.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee JFS Waxa ay bogaadineysaa howlgallada Ciidanka Xooga Dalka oo kaashanayo ciidamada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle , ATMIS iyo saaxiibada kale ee Caalamka ka fulinayaan deegaannada Gobollada Hiiraan”.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka Gobalkaasi ka qaateen sidii cadowga shacabka looga sifeyn lahaa Hiiraan “Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadka deegaanka oo si mug leh ugu soo baxay in ay ka qeyb qaataan ciribtirka argagixisada si toos ahna uga garab dagaallamayo ciidamada qaranka”.

Sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Wasiirka Difaaca argagaxisada ayaa laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan “Waxaa mahad ilIlaahay ah in illaa iyo hadda laga xoreeyay cadawga deegaannada Teedaan, Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees iyo Deegaannada ku xeeran”.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn cadawga argagixisada ah”.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo argagixisada dhiigmiiradka ah ee caqabadda ku noqday horusocodka, horumarka iyo guud ahaan danaha qaranka”.

“Dhammaan geesiyaasha ciidamada kala duwan ee sida nafhurnimada leh ula dagaallamayo cadwga waxa ay baal dahab ah ka galayaan taariikhda qaran dhiska Soomaaliyeed”.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...