Home Blog Page 621

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka XFS oo gargaar deg deg ah u dirtay Guriceel

0

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay ka wadeen howgallo ku saabsan dib u soo celinta magaaladda.

Wasiirka Gargaraka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in gargaarkan oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgalladii ka socday maalmahi lasoo dhaafay magaalada.

Howl galkii ka socday Guriceel oo la soo afjaray

0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta goobihii ay maalmahan ka dagaallamayeen maleeshiyaadka Kooxda Ahlu sunna ee degmada Guriceel, kadib dagaal xooggan oo xalay halkaasi ka dhacay.

Malleeshiyaadka Ahlu sunna oo ku sugnaa halka loo yaqaan Jaamacadda ayaa la sheegayaa inay u firxadeen degaanka God-wiil oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Guriceel, iyagoo halkaasna kaga cararay laba Gaari oo nooca dagaalka ah.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug, ayaa gaafmeeraya goobihii ay ka carareen maleeshiyaadka Ahlu sunna, waxana saraakiisha halkaasi ku sugan sheegeen inay dhowaan la hadli doonaan saxaafadda si ay faafaahin ugu bixiyaan xaaladda halkaas ka jirta.

Wadahadallo u dhaxeeya midawga Yurub iyo Iiraan oo maanta ka dhacaya Brussels

0

Sida laga soo xigtay afhayeenka Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub Peter Stano, waxaa maanta magaalada Brussels, ku kulmi doonaan Cali Baaqiri, kaaliyaha Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ahna madaxa wada xaajoodka Nukliyeerka iyo xubno ka socda waddamada midawga Yurub.

Wafdi ka socda Dowladda Iiraan ayaa habeenimadii Talaadada, gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka, halkaasi oo uu ka bilaaban doono wada xaajood laba geesood ah oo u dhaxeeya Iiraan iyo waddamada reer Yurub, si ay ugu wada hadlaan arrimo ku saabsan Nukliyeerka Iiraan.

Wadahadallada ku saabsan Nukliyeerka Iiraan ayaa hakad galay kadib doorashadii madaxtinimo ee Iiraan ka dhacday bishii June, taas oo uu ku guuleystay madaxweyne Ibraahim Ra’iisi.

Maraykanka iyo Yurub, ayaa dadaal ugu jira in Dehraan ay dib ugu soo laabato miiska wada xaajoodyada, iyaga oo ka baqdin qabo in barnaamijka tayeynta Yuraaniyaamka Iiraan uu ka gudbo xadkii loo dejiyay.

 

Jubbaland oo Wafdi u dirtay degaano ay Abaar kajirto

0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha gargaarka ayaa la xiriira xaaladda abaaraha ee ka jira deegaanno hoos yimaadda magaalada Dhoobley.

Wafdiga ayaa la filayaa inay tagaan degaano dhowr ah oo hoostaga degmada Dhoobleey, si loo gaarsiiyo gurmad kala duwan.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun xabsi ah ku riday Matt Bryden

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun shan sano ah oo xabsi ah ku ridday mid ka mid ah khubarada fallanqeeya siyaasadda iyo amniga ee Geeska Afrika Matt Bryden oo ka mid ah aas-aasayaasha hay’adda cilmi-baarista Sahan Research.

Maxkamadda ayaa ku eedaysay Matt Bryden faafinta sir qaran, oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin.

Matt Bryden ayaan ku sugneyn Muqdisho, waxaana hay’addiisa inay ka howlgasho Soomaaliya laga mamuuncay bishii December ee 2018-kii.

Dhinaca kalena waxaa xukunkan ka hadlay Sahan Research oo jawaab ay usoo dirtay VOA ku sheegtay inay Sahan Research aad uga xuntahay xukunkan, islamarkaana uu shaki uga jiro kalsoonida lagu qabi karo hannaanka caddaaladda ee la maray iyo tusaalaha ay bixinayso.

Waxay sheegtay Sahan Research inay racfaan ka qaadanayso go’aankan inkastoo aysan caddayn sida racfaankaas u meelmari karo maadaama nidaamka garsoorka Soomaaliya yahay shaqo weli socota oo aan dhammaystirnayn.

Sahan Research waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay cilmi-baaristeeda iyo falanqaynta ay samayso ee ku saabsan dhismaha nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Waxay sheegtay in warbixinadooda u furan yihiin dadweynaha, qofkii danaynaya uu qiimayntiisa ku samayn karo, ayada oo intaas ku dartay inaysan u baahnayn inay sharci jebiso si ay xog u hesho, islamarkaana aysan marna sharci jebin.

Sahan Research waxay ku tilmaantay dawcadda ka dhanka ah inay ahayd mid ay saamayn xooggan ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay rajaynayso ayna filayaan in codadka madaxabannaan ee Soomaaliya oo ay ku jiraan hay’adaha cilmi-baarista, warbaahinta, iyo beesha caalamka oo shaqadooda taageera ay xukunkan u arki doonaan inuu calaamad u yahay inay dawladda Soomaaliya ku siqayso keli-telisnimo, ayna aad uga shaqayn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dimqoraadiyadda.

Waa markii ugu horeesay oo ay bulshada rayidka ah ee ku nool Puntland helaan matalaad

0

Xildhibaan Muxsin Cabdulaahi Xaaji Cabdi oo kamid ah barakacayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayaa  kamid noqday golaha degaanka cusub ee degmada Qardho ee ay bulshada qardho ku soo doorteen codkooda.

Muxsin ayaa ka tartamayay urur siyaasadeedka KAAH oo ah urur ay u badan yihiin golayaasha Dowladda iyo siyaasiyiin kala duwan guddoomiyana uu ka yahay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi Dani .

Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee ay bulshada rayidka ah ee ku nool Puntland helaan matalaad soona galaan xildhibaaanada Golaha deegaanka iyagoo qayb ka ahaa bulshadi codkooda dhiibanayay.

Nadiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka  Puntland oo soo idlaatay

0

Natiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka Ufeyn, Natiijada codbixinta degmada Eyl iyo Qardho ayaa Ku soo idlaatay waxaana Ka soo baxay natiijooyin Kala duwan halkan hoose Ka aqriso Codadka ay soo saareen Guddiga Ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Udiyaar Garowgii ugu danbeeyay ee Doorashada  GD Puntland oo heer geba gabo ah maresa

0

Waxaa soo dhamaaday Olalihii isu soo baxyada Ururada ee ay kula hadlayeen taageerayaashooda saddexdaani degmo, waxaa la diyaariyay Dhamaanba agabkii kala duwanaa ee doorashada iyo codbixiyeyaasha loogu talagalay iyadoo waqtiga codbixinta ay naga xigaan saacado kooban uun.

Guuleed Saalax Bare Guddoomiyaha Guddiga KMeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa bulshada Degmooyinkaaasi u soo jeediyay inay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah codkoodana ku soo doortaan Ururka ay rabaan ilaaliyaana habraacyada Doorasho.

Ufayn ,Qardho iyo Eylba waxaa Gaaray Ciidamo Gaar ah oo loogu tala galay sugidda amniga Doorashada lana baray lamacaamilka Bulshada iyo ilaalinta agabka Doorashada waxaana Ciidamadaasi degmada Eyl kula dardaarmay Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Mataan oo xusay in loo baahan yahay inay muujiyaan taxadar iyo u naxariisasho bulsho xilliga cod bixinta.

Doorashadan ayaa ka dhici doonta 54 xarumood oo ka tirsan Degmooyinka Eyl Qardho iyo Ufayn, waxaana Codayn doona dad tira ahaan Gaaraya 37,578 qof oo kala dooran doona 449 Musharax oo kala Matalaya urur siyaasadeedyada ku tarmaya doorashadan Hordhaca ah

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga oo la maxkamadeenayo

0

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga ahna hoggaamiyaha midigta-fog Matteo Salvini ayaa shalay maxkamad lasoo taagay sababo la xiriira tuhun ku saabsan inuu xanibaad sharci-darroo ah ku sameeyey in 147 qof oo muhaajiriin ah laga soo djeiyo markab soo bad-baadiyey, islamarkaana uu xaalad liidata ku hayey.

Salvini ayaa ka qeyb-galay dhageysiga furitaanka makxamadda ee magaalada Palermo ee gobolka Sicily.

Salvini oo hoggaamiya xisbiga midigta-fog ee League, islamarkaana caan ku ah siyaasaddiisa “Marka hore Talyaaniga” ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin afduub iyo ku xadgudub awood xafiis, isaga oo u adeegsaday xilkiisa wasiirka arrimaha gudaha inuu 147 muhaajiriin ah ku xabisay badda, bishii August 2019.

Salvini oo 48 jir ah ayaa sheegay in go’aankaas uusan aheyn mid uu kaligiisa gaaray balse ay isku raacday dowladda oo dhan, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii xilligaas Giuseppe Conte.

Dacwad-oogayaasha ayaa dalbaday marqaatiyaal ay ku jiraan Conte, wasiirka arrimaha gudaha iminka Luciana Lamorgese iyo wasiirka arrimaha dibadda Luigi Di Maio.

Salvini ayaa soo tweet gareeyey sawirkiisa isaga oo dhex jooga maxkamadda.

“Halkani waa maxkamadda xabsiga Palermo. Maxkamadeynta ay doonayaan kooxaha bidixda iyo taageerayaasha muhaajiriinta sharci-carrada ah ayaa billaabatay. Imisa lacag ayaa uga bixi doonta shacabka Talyaaniga,” ayuu yiri.

Dibadda maxkamadda, ayaa aas-aasaha iyo agaasimaga hay’adda Spanish-ka ah ee Open Arms oo maamuleysay markabka wuxuu sheegay in maxkamadda aysan dhiiri-gelin siyaasad.

“Badbaadinta dadka ma ahan dambi, balse waa waajib aan saarneyn kaliya kabtanada maraakiibta balse sidoo kale dal oo dhan,” ayuu yiri Oscar Camps.

Arday deeq waxbarasho ka heshay Jaamacaddo ku yaala dalka Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Dalkaas

0

Ardadaan deeqda waxbarashada helay ayaa waxay ka kala socdaan deegaanada Jigjiga Diridhabe iyo Hargaysa, waxayna ka koobanyihiin 30 arday oo ka faa’idaysandoona Shahaadada Masterka oo ay Ku diyaarinayaan jaamacadda Jabuuti.

Deeqdaan oo ayna wax qarasha Ku bixin ayaa waxaa Ku deeqday Jaamacadda Jabuuti, iyadoo uu qorshuhu yahay isdhexgalka iyo hormarinta waxbarashada.
Ardayda deeqda heshay ayaa gaaray wadanka aan walaalaha nahay re Jabuuti iyadoo lagu soodhaweeyay garoonka diyaaradaha Dalkaas, waxayna uga mahad celeyeed Dowladda Jabuuti deeqda waxbarasho ee ay siiyeen.