Home Blog Page 621

Wasiir Dubbe oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee caawa ka baxday Marxuumad Khadra Daahir cige

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Senator Cusmaan Abokor Dubbe, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud, bahda fanka iyo suugaanka iyo dhammaan howlwadeennada wasaaradda warfaafintu, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehellada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed oo caawa ay ka baxday Fanaanad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

Waxaa caawa Hargaysa ku geeriyootay Khadra Daahir Cige oo kamid aheyd faanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda loogu jecelyahay

0

Muqdisho, 2,7,2022:Waxaa goordhaw magaalada Hargeysa ku geeriyootay Khadra Daahir Cige oo kamid aheyd faanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda loogu jecelyahay.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ugu baaqay Wadamada Carabta inay garab-istaagaan Soomaaliya si wax looga qabto abaaraha ku dhuftay dalka

Muqdisho, July 02, 2022 – Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa hadal ka jeediyay kulanka wadatashiga ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed oo maanta oo Sabti ah ka furmay Caasimadda Lubnaan ee Beyruut , isagoo diiradda ku saarray khudbaddiisa xaaladda bani’aadannimo, siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo mowqifka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee taaggan.

Xildhibaanada Golaha shacabka BFS ayaa galay fasaxa Xajka iyo Ciidul Adxa.

Muqdisho,2,7,2022:Xildhibaanada Golaha shacabka BFS ayaa galay fasaxa Xajka iyo Ciidul Adxa.
Qoraal lagu baahiyey barta Fecebooka ee Golaha shacabka ayaa waxaa xildhibaanada lagu wargaliyey in ay xaadir ku ahaadaan Golaha shacabka maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 16 July 2022 si waajibaadkiisa dastuuriga ah Goluhu u guto.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa waxaa hortaala shaqooyin dhowr ah,taas oo ay ugu horeyso ansixinta iyo meelmarinta Golaha wasiirrada XFS oo dhawaan lagu wado in la magacabo.

Ciidanka Kumaandooska Gor-gor oo burburiyey fariisimo argagixisada Al-Shabaab ay ku lahayeen degaano hoostaga degmada Aw-dheegle

MUQDISHO,2-7-2022-:Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee XDS, ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay nabadiidka argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ku lahayeen degaano hoostaga degmada Aw-dheegle.

In ka badan 120 neef oo geel ah oo maanta ku le’day duleedka magaalada jigjiga kadib markii geed sumaysan ay daaqeen

0

MUQDISHO-2-7-2022-:In ka badan 120 neef oo geela ayaa ku le’day duleedka caasimadda Jigjiga ee dowlad degaanka gobolka soomaalida itoobiya , sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee degaankaas.

Ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan abaaraha oo maanta shirka golaha wasiirada jaamacada carabta horgeynaya warbixin ku sabsan abaraha dalka ka jira

0

Muqdisho, Luuliyo 2,2022: Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha  Cabdiraxman Cabdishakur, ayaa maanta ka qeybgalayo shirka Wasiirada Jaamacada Carabta oo looga hadlaayo Abaaraha Soomaaliya kaas oo ka dhacayo Magaalada Beyruut.

[DHAGEYSO]Shil Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Burco

0

MUQDISHO,7-2-2022,Shil Sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Burco ee Gobolka Toogdheer .

Madaxweynaha Qaranka Oo Ubax Dhigay Taalada Daljirka Daahsoon.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Madaxda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhigga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnimada iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.

“Waxaan mar kale hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim tahay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dunidana wax la qeybsanno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha caalamka sida ay u xuseen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

 

Baarlamaanka Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2022.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Miisaaniyadda dalka ee sannadkan, ka dib saddex maalmood oo doodo-adag ay Dhex martay  Wasiir Beyle Iyo Xildhibaanada Labada Gole ee baarlamaanka kuwaa oo Dib u Eegis Balaaran ku Sameeyay Qorshaynta Misaaniyadda Dalka.

Wasiir Beyle ayaa labadii maalin ee ina dhaaftay wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka.

Intii aay Doodu Socotay Xildhibaanada Ayaa si gaar ah Wasiir Su’aalo oga Weydiiyay Misaaniyadda Dowlada 3dii Sano ee lasoo Dhaafay Taasi oo Wasiirka Qaar ka mid Ah Xildhibaanadu Ku eedeeyeen Inaysan Wasaaradda Maaliyaddu Sameen Wax Xisaab Xir ah  iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale…