Home Blog Page 619

Ra’iisulwasare Hamse Abdi Barre oo maanta guddoomiyey kulan ay u dhanyihiin Golaha Wasiiradda XFS

0

Muqdisho-23-8-2022-Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho,waxaana guddoominaya Kulankaan Ra’iisulWasaare Hamse Abdi Barre.

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray deegaan hoostaga Cabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo uu weliyo madaxweyne ku xigeenka ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay deegaanka Qudus ee duleedka degmada Caabudwaaq, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka dhagax dhigay ceel biyood ay ka waraabi doonaam dadka ku nool deegaanka Qudus.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhawayn iyo marti qaad heerkiisu sarreeyo ee dadka deegaanku u sameeyeen wafdiga madaxweynuhu uu hogaaminayay, waxuuna xusay madaxweynuhu in uu deeganka ku soo laaban doono iyada oo uu deeganku sida haatan uu yahay ka ballaaran.

 

Madaxweyne Dani oo booqday xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland

0

Muqdisho: 22 August 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan xafiisyada Wasaaradda isagoo u kuurgalay sida ay shaqadu u socoto, wuxuuna warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaradda oo la wadaagay shaqada socota iyo tan qorsheysan, doorka Wasaaradda Caafimaadka ee Abaaraha, xaaladda Covid19, iyo sida ay u socdaan adeegyada caafimaad ee kale ee joogtada ah oo loo hayo Bulshada.

Wuxuu ku booriyay Madaxweynuhu masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Shaqada ay hayaan, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan. Kormeerka Madaxweynaha ayaa salka ku haya dardargelinta shaqada iyo tayeynta adeega Dowladnimo.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kukmay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Fei Shengchao

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Fei Shengchao.

Kulanka Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Shiina oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wafaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al Cadaala ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka Wadashaqeyn ee u dhexeeya Safaaradda Shiinaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys ayaa Safiirka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Safaaraddu lagarabtaagantahay Wasaaradda Warfaafinta, isagoo ka codsaday in lasii xoojiyo taageerada iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Safiirka Shiinaha Mr. Fei Shengchao ayaa isna ballanqaaday in ay xoojinayaan taageerada Safaaradda ay siiso wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta kormeeray garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo indha-indheeyay garoonka diyaaradaha ugu wayn degmada Caabudwaaq, kaas oo loo dhisayo si heer caalami ah, gacantana ay ku hayso shirkad ku taqasustay dhismaha garoomada diyuuradaha.

Masuulka dhismaha garoonka ayaa xusay dhabbaha diyuurahadaha garoonkan, uu balac ahaan lamid tahay garoomada waa wayn ee Soomaaliya, mudo sedex bilood ahna lagu soo af meerayo dhismihiisa, sidoo kalana la filayo in ay ka soo caga dhigtaan, diyaarado heel caalami ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye ayaa xusay in Galmudug markii ugu horeesay ay heli doonto garoon heer caalami ah, sidoo kalana ugu baaqay shacabka reer Galmudug in ay maal gashtaan, isku tashina ku dhistaan deegaanadooda.

Ra’iisalwasare Hamse oo balan qaad u sameyey dadkii ku wax yeeloobay Qarixii Hotel Hayaat

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku shahiiday weerarkaasi – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

 

Dowladda Pakistan oo mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan

Dowladda Pakistan ayaa mamnuucday in si toosa loo tebiyo khudbadaha ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo garoon diyaradeed ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan

0

Muqdisho 22, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar, kalana hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka

0

Muqdisho, August 21, 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay maanta oo Axad ahayd Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee aan walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim, oo booqasho sharafeed ugu yimid, iyadoo intii lagu guda-jiray kulanka lagaga wadahadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga.

Billowga kulanka, ayaa Safiirka Qatar ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo u rajeeyay guul waarta oo uu ka gaaro howlaha loo igmaday, xusayna kaalinta dalkiisa ee garab istaagga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horu u dhaqaajinta geeddi-socodka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah iyo fursadaha badan ee lagu ballaarin karo heerarka, korna loogu qaadi karo iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac weliba leh.

XFS oo shaacisay qasaaraha ka dhashay qarixii Hotel Hayaat

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Mudane Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in tirada guud ee geerida ay gaareyso Weerarkii Hotel Hayaat uu garayo 21 ruux ilaa iyo hadda oo ku saleysan xogta laga keenay xarumaha caafimaadka.