Home Blog Page 619

Dowladda Uganda oo xir xirtay 48 Ruux

0

Dowladda Yugandha, ayaa xirtey 48 ruux, oo loogga shakisan yahay qarax bambaano, kaasoo uu ku dhintey hal qof, magaalada caasimadda ee Kambala, taasoo lala xiriiriyey Kooxda Dowladda Islaamiga.

Sida laga soo xigtey barta Daily Monitor, dadka laga shakisan yahay, ayaa lagu eedeeyey falkii ay ku kaceen inuu yahay mid argagaxisnimo, iyadoo lagu xirey dadkani hawlgal ay sameysay hey’adda nabad sugidda.

Madaxweynaha Yugandha ayaa ku dhawaaqey in weerarka qaraxani yahay mid argagaxisnimo, laakiin booliiska Yugandha ayaan wax weyn kasoo qaadin sheegashada Kooxda Dowladda Islaamiga ee qaraxani.

Xiligaa kadib, ayaa dalka Yugandha, waxaa ka dhacey qarax kale oo lala beeg sadey bas, kaasoo u socdey magaalo ku taalla bartamaha dalkani ee Mbigi, taasoo uu Madaxweyne Musefeni sheegay in qaraxaasi uu ku dhintey dhagar qabihii.

Booliiska dalka Yugandha, ayaa kal hore xirey laba qof, kuwaasoo loogga shakiyey iney maal galiyaan kooxda ADF oo saldhig ku leh dalka Kongo DR, laguna eedeeyey iney ka dambeeyeen labada qaraxba.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Kenya ee Soomaaliya xoojinta iskaashiga laba dhinaclaha

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah u dhexeeya iyo qabanqaabada kulan ay yeesheen guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya.

8 bishii August, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulankoodii Muqdisho waxa ay isku-afgarteen in la dedejiyo qabsoomidda kalfadhiga seddexaad ee Guddiga Wadajirka ah si loo ambaqaado waxyaabaha dano wadaagga sida Ganacsiga, Maalgashiga, Amniga, Gaashaandhigga, Beeraha, Dalxiiska, iyo xiriirka labada dad.

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Isbadalka Cimilada Adduunka

0

Shirka cimilada adduunka oo ka socda magaalada Glasgow ee Scotland, UK ayaa lagu tilmaamay shirkii ugu muhiimsanaa ee looga hadlo isbadalka cimilada ilaa 2015 markaas oo la yagleelay madashan.

Madax badan oo Adduunka ayaa ka qeyb galaya shirkan oo diirada lagu saarayo wax ka qabashada uumiga iyo kuleylka Dunida oo kordhay, taas oo sababtay aafooyin dhanka deegaanka iyo nolosha ah.

Madaxweynaha Mareykanka Biden oo shirka ka hadlay ayaa raali galin ka bixiyay in maamulkii ka horeeyay ee Trump ay ka baxaan madasha cimilada aduunka.

Soomaaliya oo qeyb ka ah wadamada shirkaan ka qeyb galaya ayaa waxaa muhiimad ah sidii isbadalka cimilada wax looga qaban lahaa, maadaama dalkeenu u nugul yahay dabeecadaha ka dhasha karkarka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ogeysiis u dirtay Qurbajoogta Soomaaliyeed

0
Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay qabanaysaa kulan wadatashi oo ku qabsoomaya “Video conferencing” 20 bishan November oo looga hadli doono Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta Soomaaliyeed.
Sidaas awgeed waxaa laga codsanayaa dhammaan ururrada jaaliyadaha Soomaaliyeed in ay iska diiwaangeliyaan linkigan si ay uga qeybgalaan.
Is-diiwaangelintu waxa ay furantahay inta u dhexeysa 1-12 November –
Fadlan haddii xog dheeraad ah aad u baahantahay kala xiriir Waaxda Qurbajoogta iimeelkan: diaspora@mfa.gov.so

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeeray waddooyinka ku yaala Gaalkacyo “SAWIRRO”

0

Iyadoo maalmaha soo socda lagu wado in magaalada gaalkacyo laga bilaabo dhismaha waddooyin laami ah,kuwaas oo qeyb ka ah mashriicda horumarinta dagmada ee JPLG  ayaa Maamulka Gobalka Mudug iyo kan dagmada gaalkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiinta Galmudug socod ku soo mareeyn waddooyinka. Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu horreyn kala hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad guud ka bixiyay u jeedka kormeerka iyo baahida loo qabo bilowga mashaariicda horumarinta dagmada .

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa isna digniin u diray dadka dhismayaasha sharci darada ah ka sameeystay waddooyinka dhismaha laga bilaabayo .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug Warsame Faarax Cabdi ayaa sheegay in Wasaaradda ay xoogga saari doonto dhameystirka baahiyaha jira,isagoona xusay in ay la kaashan doonaan cid kasta oo ka gacan siineysa bulshada, Waxaa sidoo kale  looga baahan yahay in ay kaalintooda ka qaataan bulshada dagan Gaalkacyo.

Taliyaha Guutada 6-aad,Qaybta 60-aad CXDS oo maanta gaaray Magaalada Dhuusmareeb “SAWIRRO”

0

Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Adan Abshir Nuure ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusmareeb waxaan Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyey Saraakiisha Ciidamada Xoogga, Xildhibaano Wasiiro, Maamulka Caasidamada Galmudug, Waxgaradka iyo bulshada Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa Salaan Sharaf waxa uu ka qaatay Ciidamada Qalabka-Sida waxa uuna mid mid u salaamay dhammaan Dadkii Garoonka ku soo dhoweeyey waxa uu uga MahadCeliyey soo dhowaynta loo sameeyey.

Soo dhawayn ka dib waxaa loo soo Galbiyey Magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugnaan doono inta uu ku jiro howlaha Shaqo ee uu u yimid.Taliyaha ayaa howlo Shaqo u yimid Magaalada Dhuusamareeb ee Caasidamada Dowlad Goboleedka Galmudug waxa uuna kulamo kala duwan  la qaadan doonaa inta Dhuusamareeb uu ku sugan yahay Maamulka Galmudug Madaxdiisa iyo Bulshada.

Kulankii labaad ee Qorshaha Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la daah furay

0

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa daahfuray kulankii labaad ee looga arinsanaayo Qorshaha Waxbarashada Gobolka Banaadir ee 5ta sano ee soo socota (2022-2026).

Kulankaan oo ay soo agaasimeen Lataliyaha Qorshaha BESSP, Agaasimaha Qorsheynta iyo Siyaasadaha AWGB iyo khubaro kale ayaa waxaa wadatashigaan labaad loogu yeeray qeyb ka mid ah ardayda Gobolka Banaadir si ay talo ugu yeeshaan qorshahaan 5ta sano ee soo socota.

Agaasimka Waxbarashada Gobalka Banaadir wuxuu arrin muhiim ah u arkay in ardayda aragti ay ku yeeshaan codkooda iyo baahiyohoodana la dhagaysto, maadaama uu qorshuhu saamaynaayo ardayda.Kulanka waxaa lagu gorfeeyay arrimaha hortabinta u leh Waxbarashada Gobolka Banaadir 5ta sano ee soo socota.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada New Delhi

0

Booliska magaalada New Delhi ee dalka India ayaa gacanta ku dhigey nin Soomaali ah oo loo haysto inuu diley wiil kale oo Soomaali ah.

Wiilka ladilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Fiin Booliska New Delhi ayaa gacanka kudhigay 7 nin oo Soomaali ah oo la sheegay in ay ka danbeeyeen dilkiisa, waxaana lafilayaa in cadaalada la horkeeno.

Marxuunka la dilay ayaa Dalka Hindiya soo galay isaga oo aad u yar waxa uuna Ku qaatay waxbarashadiisii Hoose Dhexe ilaa heer Jaamacadeed, waxa uuna ka howl galayay Isbitaal Ku yaala magaalada New Delhi.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax Ku barata dalkaas ayaa ka murugeesan dilka wiilkaas iyaga oona uga digay Ardayda in ay iska ilaaliyaan

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dhismooyin lagu kordhinayo

0

Mas’uulyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi oo shaly shir ku yeeshay xarunta dhismaha safaaradda ee magaalada Nairobi ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhismayaal cusub oo loogu soo kordhiyo xarunta dhismaha safaaradda.

Dhismayaashaan lagu soo kordhinayo Safaaradda ayaa Waxaa kamid ah Misaajid lagu cibaadeesto iyo guriga safiirka safaaradda oo laga dhisayo gudaha safaaradda, waxaana  fikirkaas jaariyadda u soo jeediyay  safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxa uuna kawaramay dhibaatada ay leedahay in Safiirku uu daganaado Hotel.

“Safiirkgu in uu deganaado hotel ee marba alaabtiisa meel loo raro markii calaaqaadka lakala gooslay waxaan alaabtii keedka Ku heenay Kuntendhar Kira ah 3bilood ayaanu Ku heenay hada waxaan deganahay Hotel wax walba ayaana lagu qarinkaraa ,waxaana la rabaa in ay dhoorsantahay alaabta iyo wax walba oo safaaradu dadka ugu adeegeeso”. ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee u fanidha Dalka Kenya.

Dhamaan ganacsatadii Ka soo qeebgashay ayaa balan qaaday in ay dhisidoonaan dhismayaashaan.

Culima Awdiinka Ahlu sunna oo war ka soo saaray dagaalkii Guri Ceel  ka dhacay todobaadkii hore ”SAWIRRO”

0

Shirkan oo ay Guri Ceel ku yeesheen Culima Awdiinka Ahlu-sunna Waljameeca ayay kaga hadleen dhibaatadii ka dhalatey dagaalkii Guri Ceel  ka dhacay todobaadkii hore, iyadoo culumadu ay xoogga saareen sida dadka leh aqoonta diineed ay waajibka ugu tahay badbaadinta bulshada iyo in ay hor istaagaan wax kasta oo keenaya in dowladnimada lagu carqaladeeyo magacyo diimeed.

Shiikh  Siciid Shiikh Maxamed, Shiikh macalin Cabdi Diiriye, Shiikh Cabdikariin Maxamed Warsame, Macalin Cabdullaahi Maxamuud Xaaji iyo Macalin Ciise Cumar Shiikh Nuur  ayaa sheegay in Dagaalkii ka dhacay Guri Ceel uusan aheyn dagaal Caqiido balse uu ahaa duulaan Siyaasadeed, oo aan Diinta  wax anfac u lahayen.

Culumada kulankan ka qayb gashey ayaa ugu baaqay cid kasta oo ku howlan abaabulka rabshado hubeysan in ay Alle kaga cabsato oo ay u hoggaansanto madaxda deegaanka iyo dowladnimada dhisan iyadoo loo cuskanayo amarka Alle iyo kan suubaneheena Muxamed NKH.

Culumada kulankan isugu timid ayaa qayb ka ahaa dhamaantood xubnihii sarsare ee halgankii Ahlusunna ee Alshabaab looga xoreeyay gobolada dhexe kaasi oo bilaawday sanadii 2008, isla markaana aas aaska u noqday dhismaha maamul ka hana-qaada deegaanada nabdoon ee Galmudug.