WFP oo markale digniin ka soo saartay Abaaraha ka jira Geeska Afrika

Date:

Hay’adda Cunnada Adduunka WFP, ayaa ka digtay Abaaro daran oo ay halis ugu jiraan dad gaaraya 22 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika, marka la gaaro bisha Sebtembar ee soo socota.

khatarta ka dhalatay cunto yarida sii kordheysa ee ay dhalisay abaarta, ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Bayaan laga soo saaray Jimcihii, Barnaamijka Cunadda ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay ” in Abaar ka dhalatay Roob yari xilligii afaraad oo xiriir ah tan iyo dhammaadka 2020, ay gobalka geeska Afrika ka dhalisay macaluushii ugu xumeyd muddo 40 sano ah, taasoo keentay dhimashada malaayiin xoolo ah iyo dad farabadan.

Abaarta ayaa aad usameeysay qeybo kamid ah Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, dad ka badan hal milyan oo qof ayaana ka baxra kacay Guryahooda iyagoo raadsanaya Biyo iyo Cunto.

WFP ayaa bilowgii sanadkan ka digtay in 13 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay soo food saartay cunto yari ba’an oo ay abaaruhu sababtabeen.

Hase ahatee ka dib weerarkii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, ayaa tirade dadka macaluusha halista ugu jira kor u qaadday oo gaarsiisay 20 milyan oo qof, sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...