Home Blog Page 574

Wafti uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo gaaray Gobolka Gedo.

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022:Wafti uu hogaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa gaarey Degmada Dolow Somaliya.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya

Muqdisho, June 20, 2022 – Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa  xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.
Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.

Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamuud oo caawa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

MUQDISHO-JUUN-19-6-2022:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheikh Hassan oo booqday xarunta maktabadda Guud ee Degmada Gaalkacyo.

MUQDISHO-JUUN-2022:Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheikh Hassan Oo uu wehliyo lataliyaha waaxda arimaha bulshada Maamulka Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa galabtay booqday xarunta maktabadda Guud ee Degmada Gaalkacyo.

Guddiga KMG Maaliyadda ee Labada Gole ee BFS oo maanta kulan yeeshey xarunta Aqalka Sare.

Muqdisho-Juun-19-6-2022:Guddiga KMG Maaliyadda ee Labada Gole ee BFS ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 19/06/2022 waxay kulan Ku yeesheen xarunta Aqalka Sare.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun oo lagu Xukumay 15 -sano oo Xabsi Ciidan ah.

0

MUQDISHO-JUUN-2022:-Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ayaa lagu Xukumay 15 -sano oo Xabsi Ciidan ah.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo u Ambabaxay Dalka Imaaraadka Carabta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY ISU-TAGGA IMAARAADKA CARABTA

Muqdisho, Juun 19, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

SAWIRRO:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Tababar u socda qayb ka mida shaqaalaha Wasaaraddaas.

MUQDISHO-JUUN-19-6-2022-:Tababarka oo la xariira kor u qaadista Aqoonya Shaqaalaha Wasaarada ayaa waxaa fulinaya Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Gaadiidka, waxaana uu kusoo beegmay xili baahi wayn loo qabay.

Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Gaadiidka Md. Cali Gacal aya kula dardaarmay Shaqaalaha inay ka faa’iiidaystaan Aqoon iswaydaarsiga,

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in aqoonta ay korarsadaan Shaqalaha ay uga Faa’iideeyaan Shaqalaaha kale ayna si huffan ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed ee adeegyada usoo doonanaya Wasaaradda Gaadiidka.

Dhammad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka Dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya.

DHAGEYSO:Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo wajahaysa Xaalad halis ah.

MUQDISHO-JUUN-19-6-2022-:Isbitaalka Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa wajahaya Xaalad halis ah, Agaasimaha Isbitaalka Dr Yaxye Cabdi Garruun oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa u sheegay in isbitaalka maalintii ay ku geeriyoodaan haweenka uurka leh iyo carruurta yar yar oo nafaqo daro ay heysto.

DEG:DEG-:Madaxweynaha Hiirshabelle oo xilalkii ka qaaday Wasiiro katirsan maamulkaas.

Muqdisho 18, June, 2022: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Mudane Qadar Xasan Maxamed kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.