UNHCR Oo dib u dajin u sameeysay Boqol oo Qoys oo Barakacayaal ah.

Date:

Maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug iyo Hay’adda UNHCR ayaa maanta dib u dajin u sameeyay Boqol oo Qoys oo Barakacayaal ah kuwaas oo ka faa’iideystay Mashruuca Xalka waara ee Dib udajinta Barakacayaasha Galkacyo

Hay’adda UNHCR ayaa maanta dib u dajin u sameeyay boqal qoys oo barakacayaal kuwaas oo horay ugu noolaa meelo aan ku habooneeyn in ay ku noolaadaan isla markaana wehel u ahaa qabowga iyo qoraxda

Boqalka qoys ee barakacayaashaa oo horay ugu noolaa lix kaam ku yaala koofurta magaalada galkacyo ayaa la dajiyay guryo dhawaan laga hirgaliyay koofurta galkacyo kuwaas oo iska kaashadeen Hay-addaha UNHCR iyo NRC kuwaas oo qeyb ka ah mashruuca xalka waara ee dib udajinta barakacayaasha

Mashruuca dib u dajinta oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha fuliyay duqa dagmada Galkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale iyo masuuliyiin ka socatay maamulka gobalka mudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Fadumo xasan cabdulle oo ka socatay Mashruuca GCBD isla markaana ku hadleysay magaca Hay’adda UNCHR

Qaar ka mida Qoysaskii ka faa’iideystay mashruucaan xalka waara ee dib udajinta Barakacayaasha ayaa iyaguna ka mahad celiyay sheegayna in muddo sugayeen

Duqa Dagmada Galkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale ayaa isna ka mahad celiyay mashruucaan oo uu sheegay in uu yahay kii u horeeyay ee laga hirgaliyo guud ahaan galmudug isagoona xusay in ay jirto baahi intaan ka badan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...