Weerar khawaarijtu soo Qaaday oo la Fashiliyay.

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa fashilayay weerar gaadma ah oo ay khawaarijta Alshabaab saakay waabirigii kusoo qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Khawaarijta Alshabaab.

Gen Caanood wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Khawaarijta ee weeararka ku soo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...