Weerar khawaarijtu soo Qaaday oo la Fashiliyay.

Date:

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa fashilayay weerar gaadma ah oo ay khawaarijta Alshabaab saakay waabirigii kusoo qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Khawaarijta Alshabaab.

Gen Caanood wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari, hadana ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Khawaarijta ee weeararka ku soo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...