Mareykanka oo dib u celiyay diyaarad uu saarnaa qof laga Shakiyay

Date:

Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku socotay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay “qof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.”

 

 

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in diyaaradda ay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece.

 

 

 

Duulimaadka EK-210 ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo diyaaradda uu socday.

 

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaale ah.

 

Warbaahinta Greece ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in “qof la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...