Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo bogaadiyey howlgalada ka socda deegaano hostaga Degmada Ceelbuur

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo kuwa deegaanka, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

Qoraalka Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan.

Dowladd Goboleedka  Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida  iyo dadka deegaanka ay ku xoreeyeen deegaanka Wabxo.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maalmihii lasoo dhaaafay u fuliyeen ciidanka qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deeganka wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Argagxisada ee Alshabaab.

Wabxo waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd muddo badan Fariisin weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...