Home Blog Page 573

Kulan Looga Hadlayay Amniga Gobalka Mudug Oo Lagu Qabtay Galkacyo+SAWIRO.

Kulanka amniga gobalka mudug ayaa waxaa ka qeyb galay Kusimaha Gudoomiyaha gobolka mudug ee Putland xasan wardheere
Gudoomiye kuxigeenka gobolka mudug ee galmudug Axmed maxamed shire Qoodaar
Duqa Dagmada Galkcyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale duqa dagmada galkacyo ee Puntland injineer maxamuud cabdi nuur aadan
Taliyaha qaybta booliska Putland G/sare Muumin Cabdi Shire
Taliyaha saldhiga dagmada Galkcyo ee Galmudug dhamme cali xirsi sahal iyo saraakiil ka socatay ciidanka sirdoonka qaranka NISA Qeybtooda Galmudug

Ajandaha kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanayay amniga guud ee gobolka mudug iyo sidii labada maamul ay usii xoojin lahaayeen olalaha la dagaalanka argagixisada ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha

Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uusoo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiye ku xigeenka gobalka mudug ee puntand iyo gudoomiye ku xigeenka gobalka ee Galmudug kuwaas oo xusay in kulanka looga hadlay wixii ka qabsoomay qodabadii kasoo baxay kulankaan kii ka horeeyay sidoo kalana looga arinsaday sidii loo sii ambaqaadi lahaa olalaha ciribtirka argagixisada iyo cid kasta oo qeyb ka noqata khal khal galinta amniga…

 

Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab.

Muqdisho-21-6-2022-:Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Muqdisho-21-6-2022:-Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka cusub ee UNFPA ee Soomaaliya

Muqdisho, June 20, 2022 – Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.

Masuuliyin Katirsan Galmudug oo gaaray Deegaanka Daarusalam.

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye kuxigenka Gobalka Mudug ahna Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame ayaa gaaray deegaanka Daaru-Salaam.

Madaxweynaha Serbia oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia

0

MUQDISHO-JUUN -20-20-22-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Shirka Guddiga Warbaahinta iyo Wacyi gelinta ee gudiga qaban qabanqaabada  maalmaha xorriyada 26ka juun  iyo 1da Luulyo

Muqdisho-Juun-20-2022-:Shirka Guddiga  Warbaahinta & Wacyi gelinta ee gudiga qaban qabanqaabada  maalmaha xorriyada 26ka juun  iyo 1da Luulyo, ayaa maanta shirkoodii laabad ku yeeshay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska XFS.

DAAWO:Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalka oo daah-furay shirka Madasha Shanaad ee looga hadlaayo dhaqaalaha dalka

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa daah-furay shirka Madasha Shanaad ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Istiraatiijiyadda Kobaca iyo Isbadalka Dhaqaalaha dalka.

DAAWO:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Guddi ka shaqeyn donna Xuska Todobaadka Xorriyadda.

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay Guddi Heer Gobol  oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) kuwaasi oo ka shaqeyn donna Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli donna Guddiga Heer Qaran ee Xuska Todobaadka.

SAWIRRO:Guddoomiye Cumar Filish oo guddoomiyey kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda ee 26 june iyo 1 da Luulyo.

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta oo ay Taariikhda ku began tahay (Isniin 20 June 2022) shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.