Home Blog Page 573

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la yeeshay dhigiisa Dalka Mareykanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

 

??’????? ??????? ????? ?? ????? ?????????? ?? ???? ??? ???????? ????? ??? ???????????? ????????? ?????????? ? ??? ??????????? ???? ???????

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo u Ambabaxday Dalka Canada

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wafdi ay hoggaaminayso, ayaa maanta u ambabaxay magaalada Montreal ee Dalka Canada .

halkaa oo ay uga qeybgali doonaan shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).

Dawladda Soomaaliya, ayaa ka mid ah 193 waddan ee xubnaha buuxa ka ah ICAO , iyadoo inta uu socda shir weynaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay soo bandhigi doonto warbixin la xiriirta guulaha ay Dawladda Soomaaliya ka gaartay adeegyada duulimaadyada iyo Hawada sare , waxaa kalo ay kulamo doceedyo la qaadan doontaa wasiirrada iyo wakiillada ururrada iyo hay’adaha duulimaadyada adduunka ee shirka ka qeybgalaya.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo fariin muhiim ah u diray dhalinyarada ay qaldeen argagixisada Al-Shabaab

0

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Sharma’arke Maxamed Warsame oo fariin muhiim ah u diray dhalinyarada ay qaldeen horjoogayaasha argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Daraawishta Galmudug oo gaaray deegaano katirsan Gobolkaas iyaga oo baadi goobya haraadiga Maleeshiyaadka Al shabaab

0
Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maanta howlgalo Lagu baadi goobaayo haraadiga Maleeshiyaadka Al shabaab ka sameeyay Deegaanno ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay madaxa hey’ada TIS-3 ee Soomaaliya, iyagoo kawada hadlay horumarinta Caasimadda

0
Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay madaxa hey’ada TIS-3 ee Soomaaliya Mr. Iftikhar Ahmed, iyada oo ay shirkan goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka.

[DAAWO]Dhallinyarada gobolka Mudug oo deeq raashin ah gaarsiiyay ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee ku sugan magaalada Qeydaro

0

Dhalinyarada Gobolka Mudug ayaa deeq Raashina gaarsiiyay Ciidamada Deegaanka ee ku sugan Magaalada Qeydaro ee Gobolka Galgaduud.

Tirada dhimashada Xanuunka EBOLA ee gudaha Uganda oo korortay  

0

Wasaaradda caafimaadka ee Uganda ayaa sheegtay in saddex bukaan oo kale oo Ebola ah ay dhinteen taas oo tirada guud ka dhigaysa afar ruux, tan iyo markii lagu dhawaaqay in uu cudurka dillaacay horraantii toddobaadkan.

Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA)

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

Madaxweynaha JFS Oo Lakulmay Xoghyaha Guud Ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.