Ciidanka Qaranka Oo Howl-galo ka sameeyay Deegaano Al-Shabaab dhawaan laga Qabsaday, (SAWIRO)

Date:

Cutubyadan oo isugu jira ciidamada guutada 15-aad, qaybta 21-aad ee xoogga dalka iyo xooggaga kacdoonka Shacabka ee macawiisleyda deegaanka ayaa maanta isku fidiyay deegaanada iyo tuulooyinka u dhexeeya Ceeldheere iyo Ceel-lahelay oo Argagaxisadu dhowr jeer kasoo abaabushay weeraro arbushaad ah oo ay ku waxyeeleen dad shacab ah.

Howlhalada ciidamada isgarabsnayaa ka bilaabeen aagaasi ayaa qayb ka ah safafka balaaran ee ciidamada deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ay ku doonayaan in khawaarijta looga dul qaado dadka Shacabka ah ee ay gumeysiga ku geysteen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafey

Saciid Cali shire gudoomiyaha deegaanka Ceeldheere oo hoggaan uu ah Shacabka is abaabuley ee garab jooga ciidamada ayaa sheegey in ay kujirayaan halganka inta laga guuleysanayo nabad diidka duurka kujira.

Abdullah abdirixman raage oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka Dhuusamareeb iyo xildhibaan Mursal xeefoow oo kamid ah gollaha baarlamaanka Galmudug oo aagaga howgaladu ka socdaan kusoo boqoday ciidankan ayaa ku biirey shaqada ay durbaba ka qabteen meelaha ay isku fidiyeen.

G/le Xirsi Cali Quuri, taliye kuxigeenka guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ayaa ugu dambeyn ka waramey sida ciidamadu uu fahansan yihiin dhagarta cadawga naflacaariga ah, oo ay uga soo aruurtey in ay wajiga ka dadbaa ciidamada weerarka ku ah balse ay isku soo xiraan qaraxyo ujeedkoodu yahay in Shacabka lagu baaba’sho.

Howlgalada ka socda Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafey lagu doo gacan galiyey deegaano muhiim ah sida wabxo waxaana sidoo kale ciidamadu ay kaabiga ku hayaan fariisimo Argagaxisadu joogto sida xiindheere oo ay dul fadhiyaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka ee ka dhaqaaqey qaayib.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...