Ciidanka Qaranka Oo Howl-galo ka sameeyay Deegaano Al-Shabaab dhawaan laga Qabsaday, (SAWIRO)

Date:

Cutubyadan oo isugu jira ciidamada guutada 15-aad, qaybta 21-aad ee xoogga dalka iyo xooggaga kacdoonka Shacabka ee macawiisleyda deegaanka ayaa maanta isku fidiyay deegaanada iyo tuulooyinka u dhexeeya Ceeldheere iyo Ceel-lahelay oo Argagaxisadu dhowr jeer kasoo abaabushay weeraro arbushaad ah oo ay ku waxyeeleen dad shacab ah.

Howlhalada ciidamada isgarabsnayaa ka bilaabeen aagaasi ayaa qayb ka ah safafka balaaran ee ciidamada deegaanka iyo kuwa xoogga dalka ay ku doonayaan in khawaarijta looga dul qaado dadka Shacabka ah ee ay gumeysiga ku geysteen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafey

Saciid Cali shire gudoomiyaha deegaanka Ceeldheere oo hoggaan uu ah Shacabka is abaabuley ee garab jooga ciidamada ayaa sheegey in ay kujirayaan halganka inta laga guuleysanayo nabad diidka duurka kujira.

Abdullah abdirixman raage oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka Dhuusamareeb iyo xildhibaan Mursal xeefoow oo kamid ah gollaha baarlamaanka Galmudug oo aagaga howgaladu ka socdaan kusoo boqoday ciidankan ayaa ku biirey shaqada ay durbaba ka qabteen meelaha ay isku fidiyeen.

G/le Xirsi Cali Quuri, taliye kuxigeenka guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ayaa ugu dambeyn ka waramey sida ciidamadu uu fahansan yihiin dhagarta cadawga naflacaariga ah, oo ay uga soo aruurtey in ay wajiga ka dadbaa ciidamada weerarka ku ah balse ay isku soo xiraan qaraxyo ujeedkoodu yahay in Shacabka lagu baaba’sho.

Howlgalada ka socda Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafey lagu doo gacan galiyey deegaano muhiim ah sida wabxo waxaana sidoo kale ciidamadu ay kaabiga ku hayaan fariisimo Argagaxisadu joogto sida xiindheere oo ay dul fadhiyaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka ee ka dhaqaaqey qaayib.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...