Maareeye Cabdinaasir Maxamuud Gureey oo ay wehlinayeen Maareeye Ku Xigeenka Maamulka Guud & Amniga Garoonka Aadan Cabdulle iyo Taliyaha Saldhigga Airport-ka ayaa kulan kula qaatay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre gudaha xafiiska Maamulka ee Airport-ka Caalamiga ah.
Guddiga KMG ee Miisaaniyadda Labada Aqal BJFS ayaa Maanta la kulmay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya.
Muqdisho-Juun-18-6-2022:Guddiga KMG ee Miisaaniyadda Labada Aqal BJFS ayaa Maanta Markii 3aad la kulamay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya u kaga qeybgalay Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol.
Muqdisho-Juun-18-6-2022:Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa gaaray Magaaladda Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirweynaha Booliiska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika kaas oo ka dhici doona Magaaladda Adis-Ababa.
Maamulka Gaalkacyo oo la kulmay Gudiyada kaamamka barakacyaasha ee Magaalada Gaalkacyo.
MUQDISHO-JUUN-2022:Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Oo ay wehliyaan agaasimaha Waaxda arimaha bulshada,Madaxa qeybta barakacyaasha Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa Maantay la kulmay Gudiyada kaamamka barakacyaasha ee Magaalada Gaalkacyo.
SAWIRRO:Maamulka Dhuusamareeb oo gurmad gaarsiyey Degmada Baxdo.
MUQDISHO-JUUN-2022:Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed”Geedaqorow”oo ay wehliyaan gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo wasiiro kamida xukumada Galmudug ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo shalay uu kadhacay dagaal ay kooxda khawaarijta Alshabaab kusoo qaaday dadka deegaanka Baxdo.
Gudoomiye Geedaqorow iyo madaxda kale ee maanta gaaray Baxdo ayaa gaarsiiyay dadka baxdo iyo ciidanka qalabka ee Galmudug iyo kuwa xoogga deeq iskugu jirta nuucyada cuntada iyo Geel loogu talo galay in ciidanka qalabka sida loo qalo taa oo ay kuwareejiyeen maamulka Degmada Baxdo,saraakiisha ciidanka iyo culumada degaanka.

Maamulka Baxdo oo soo bandhigay meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan iyo maxaabiis nool.
MUQDISHO-JUUN18-6-2022:Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan oo laga furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.
Magaalada Baxdo oo shalay lagu laayey Argagixisada Al-Shabaab oo maanta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare looga Fariistay..
Muqdisho-Juun-18-6-2022:Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa maanta loo fariistay imtixaanka kama dambeysta ah ee Dugsiyada Sare, waxana tirada ardeyda u fariisatay ay dhanyihiin 35,000 (Shan iyo Soddon Kun) oo Arday.
Kormeerihii imtixaanada Gobolka Shabeelaha Hoose uqaabilsanaa wasaaradda waxbarashada Koonfur-galbeed oo lagu dilay Afgooye.
MUQDISHO-JUUN18-6-2022-:Kormeerihii Waxbarashada Gobolka Sh/Hoose Cali shanloow ayaa lagu Dilay Maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
DHAGEYSO:16 arday oo kaliya oo maanta gobolka Bakool u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare.
MUQDISHO-JUUN-18-6-20022-:16 arday ayaa sanad dugsiyeedka 2021-2022 ee gobolka Bakool uga qeyb gashay imtixaanka shahaadiga Ah ee fasalka 12-aad kumanaan kun oo Arday oo maanta u fariisatay guud ahaan dalka soomaaliya .
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.
MUQDISHO-JUUN-18-6-2022-:Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.
