Home Blog Page 575

Ciidanka Xooga Dalka Oo Alshabaab ka Saaray Deegaano Cusub oo ka Tirsan Galgaduud. (SAWIRO).

Maalinimadii shalay ayay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed si buuxda ula wareegeen degaanka Sino dhaqo.

Howlgal qorsheysan oo Ururada 6aad iyo 3aad ee Kumaandooska Gor-gor Xds ka sameeyeen degaanka Sino dhaqo oo 25 km u jiro degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Howlgankaan ayaa lagu qaarajiyey 10 ka tirsan xaharaadi Al-shabab iyadoo dhamaan la bur buriyey meelihii gabaadka u ahaa nabadiidka ee degaanada Sino dhaqo , Labi-dule, Ceel- guusar, iyo tuulooyin koox Argagaxisa ay ku dhibaanteyn jireen Shacabka Aoomaliyeed.

Taliyaha guutada 17aa ee Kumaandooska Gor-gor Xds Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabsule Warbaahinta C.Q.S u sheegay in ay guulo waa weyn ka gareen howlgalka.

Sidoo kole Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgalo ka wada gobolada Mudug iyo Hiiraan.

127 ka mid Ah Alshabaab oo lagu Dilay Gobolka Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in argagixisada laga saaray degaannada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan intooda badan soona afjareen ciidamadu, sidoo kalena ay socdaan howlgallada degaannada gobolka Galgaduud ay ùga saarayaan argagixisada.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay howlgaladii ka socda gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan 127 dagaalame oo katirsan Maleeshiyada Al-Shabaab, isaga oo u mahad celiyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo guula la taaban karo ka gaaray howlgaladii argagixisada looga saaray degaanno badan oo katirsan gobolka Hiiraan

Howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab aya dhawanaha ka socday degaanada cadawga uu gacanta ku hayay ee katirsan gobolka Hiiraan,iyadoona degaladaasi ciidamada dowladda ay ka gaareen guulo

Taliya ‘Biixi’ ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’antahay in meelaha kale maleeshiyada argagixisada dalka ka joogto laga xoreeyo si ay shacabku u helaan nabad iyo xasilooni.

Howlgalo ka Bilowday Deegaanka Booco oo Shalay Alshabaab laga Saaray. (SAWIRO)

Deegaanka booco oo shalay Ciidamada Dowlada iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ay kala wareegeen Maleesshiyaadka Argagixisda Al-shabaab waxa ay saaka kawadaan howlgalo lagu xaqiijinayo gudaha xaafadaha deegaankaasi

Deegaanka booco oo Argagixisad in mudo ah ay maamuli jireen ayaa waxa ku yiilay Maxkamad beenaadyo ay dadka shacabka ay ku dhibaatayn jireen iyagoo sidoo kale lacago baad ah uga qaadi jiray

Ururka 6-aad ee guutada 16-aad kumaandoska Danab iyo ururka 8-aad ee guutada 18-aad ee gor gor ayaa si wadajir ah holwgalkaasii lagu xaqiijinayo Amniga saaka kawada nawaaxiga deegaanka booco

Madaxweyne Xasan sheekh oo ka qeybgalay Furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Xubno ka socday Guddiga shaqaalaha Rayidka oo kulan la qaatay wasiiro katirsan XFS

0

MUQDISHO: 19:09:2022, Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Wasiiradda ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Xubno socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay dowrka Haweenka ee adeeg bixinta, tayaynta, kordhinta, kobcinta aqoonta & xirfadda Haweenka ku jira Shaqaalaha Rayidka.

Xubnaha ka socday Guddiga ayaa warbixin ka siiyey haweenka ku jira Shaqaalaha Rayidka & dowrkooda ku aaddan adeeg bixinta. Sidoo kale, wafdiga ayaa la wadaagay qorshaha Guddiga ee Horumarinta haweenka ku jira Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiiradda ayaa sidoo kale warbixin ka siisay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadda haweenka maaddaama ay dumarku laf dhabar u yihiin Bulshada Soomaaliyeed.

Geba-gebadii, labada dhinac ayaaa hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in la iska kaashado arrimaha sare ku xusan.

Ugu dambayn, Wasiiradda iyo musuuliyiinta kale ayaa Guddiga ku ammaanay sida ay markasta u ilaaliyaan xuquuqda Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo fursad siinta haweenka Soomaaliyeed.

 

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaala iyo Xillibaan Saabir Nuur Shuuriye oo gaaray degmada Baxdo kula kulmay saraakiisha ciidanka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab

0

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaala iyo Xillibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa degmada Baxdo kula kulmay saraakiisha ciidanka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Mursal Boorow. Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sawirro: Wasiirka dhalinyarada ee XFS oo balan-qaad ka soo saaray kulamo uu la yeeshay qaar ka mid ah dhalinta Soomaaliyeed

0

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waday kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee Caasimadda Muqdishu ku nool.

Wasiirka ayaa dhalinyarada ka dhegaysanayay waxyaabaha muhiimadda u leh ee ay xukuumadda Dan-Qaran ka doonayaan inay dhalinyarada u qabato.

Dhalinyarada oo isugu jira kooxo kala duwan oo qayb walba ay goonideeda u abaabulan tahay ayaa isku mid ka ahaa inta badan baahiyaha dhalinyarada haysta oo ay shaqo la’aanta iyo duufsiga kooxaha xagjirka ahi ugu horeeyaan.

Kooxaha dhalinyarada ah ee wasiirku la kulmay waxaa ka mid ahaa dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba oo iyaguna soo gudbiyay baahiyaha ay la wadaagaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa iyaga khaaska u ah ee ay ka rabaan xukuumadda Dan-Qaran inay ahmiyad gaar ah siiso.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa dhalinyarada uga sheekeeyay qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee Raisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre uu hogaamiyo ay ku doonayso in lagu jiheeyo si waxtar lehna looga faa’iidaysto awoodda dhalinyarada iyo in kor loo qaado ka qayb-galkooda siyaasadda iyo dib u dhiska dalkeenna.

Wasiirka ayaa balan qaaday inuu xukuumadda hor-gayn doono qorsheyaal lagu hormarinayo dhalinyarada Soomaaliyeed wuxuuna dhalinyarada ku baraarujiyay halganka dib u xoraynta ah ee dalka ka socda iyo sida loogu xisaabtami awoodda dhalinyarada.

Dhalinyarada ayaa wasiirka iyo xukuumadda Dan-Qaran u balan qaaday garab istaag buuxa iyo inay diyaar uyihiin sidii ay usoo ceshan lahaayeen magacooda sida xun looga faa’iidaystay.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa galabta jab culus gaarsiiyay Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa galabta jab culus gaarsiiyay Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Camal iyo Xalaaleey oo ku dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Shacabka ayaa ka furtay Maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al Shabaab hub farabadan ayaga oo goobta uga cararay rag dhintay.

Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa gacanta ku haaya deegaanada dirirta ka dhacday galabta waxaana ay sii daba joogaan firxad ka Argagixisada.

 

 

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobalka Mudug ee Galmudug oo maanta kulankoodii ugu horeeyay la qaatay Qaar ka mida Bulshada Galkacyo

0

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay la qaatay Qaar ka mida Bulshada Gaalkacyo.