Home Blog Page 545

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay dhiggiisa Uganda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xasan Maxamed Gacaliye ayaa kulan maanta magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda kula qaatay Wasiirka Gaashaandiga dalka Uganda mudane Vincent Bamulangaki Ssempijja.

Kulan oo goobjoog uu ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa waxa labada wasiir ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada wasaaradood, ugu dambeyntiina qalinka ku duugay qodobadii (Minutes) laga wada hadlay

Sidoo kale wafdiga oo wasiirka Gaashaan dhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa kulan la qaateen Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Uganda iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga military ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Wafdigan ayaa ku jooga booqasho rasmi ah dalka Uganda ayaa la filayaa in hishiisyo is afgarad ah dhawaan ku kala saxiixdaan dalka Uganda.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Bahda Saxaafadda Uga Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Cali Muuse

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Abdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyey ehellada, bahda saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid suxufi Cali Muuse Cabdi oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka in uu ahaa tiir ka baxay saxaafadda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxuna allah u waydiiyey naxariistiisa janno in uu ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan naga siiyo.
Marxuum Cali Muuse ayaa ahaa suxufi ruug caddaa ah oo muddo dheer ka shaqeynayay warbaahinta gudaha iyo dibedda.

Shiinaha Oo Go’doon Galiyay Taiwan.

Dowladda Shiinaha ayaa Saaka qaaday Tallaabo horay Khubaraddu u saadaalisay oo ahayd in ay Taiwan galin doonta xaalad go’doon ah.

Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday inay dhoollatus Militeri oo weyn ka sameyn doonto Hawada iyo Badda ku dhow Taiwan, si jawaab loogaga dhigo booqashadii ay halkaas ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareyknaka, Nancy Pelocy.

Tallaabada Shiinaha ayaa u muuqata qorshe Dagaal oo uu ku doonayo in uu Taiwan ku galiyo xaalad go’doon ah si ay u joogsato tageerada Dalalka reer Galbeedka oo Mareykanku ugu horeeyo.

In ka badan 50 Duullimaad oo iskugu jira kuwo caalami ah iyo kuwa Jaziirada ah ayaa maanta oo Khamiis ah baaqday sababo la xidhiidha howlgalka iyo dhoollatuska Militeri ee Shiinuhu ka bilaabay Hawadda iyo Badda ku dhow Taiwan.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Ismaamulka Taiwan oo war soo saaray waxay sheegtay in ay heegan galiyeen Hubkooda difaaca Hawada si ay uga jawaabaan Gantaallaha Shiinuhu Saaka ku tuuray Taiwan.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Mareykanka war ay soo saareen goor sii horaysay waxay sheegeen in Maraakiibta Dagaalka gaar ahaan Markabka Xambaaraha ah ee loo yaqaan USS Ronald Reagan uu ku wajahan yahay Badda Koonfur Bari ee Taiwan, taas oo cabsida sii kordhisay in kasta oo xeel dheerayashu qabaan in xiligan aysan u badneyn in Dagaal ay isku fara-saraan Shiinaha iyo Mareykanku balse taas ay ka dhowdahay in Shiinuhu go’doomiyo Taiwan.

Dalalka reer Galbeedka ayaa ku caan baxay inay xiisado ku furaan Dowladdaha yaryar ee aqoonsi raadiska ah si Quwadaha dalalka ay ka go’ayeen tallaabo uga qaadaan.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xili Dunidu wali ku jirto Dagaalka caalamiga ah ee Ukraine kaas oo bilaabmay kadib doonistii Ukraine ee NATO inay ku biirto halka jawaabtii ka dhalatayna ay noqotay Dagaalka Ruushku ku qaaday kaas oo sababay Masiibo caalami ah.

Ukraine ayaa markii hore isku helaysay Dalalka reer Galbeedka oo Mareykanku ugu horeeyo balse markii ay xaaladu faraha ka baxday Ukraine may helin taageeradii ay ka filaysay reer Galbeedka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, oo marar badan hadlay iyadoo xaaladu ku adag tahay wuxuu sheegay in Dalalka reer Galbeedku ay hayaan tageero hadal ah balse aan qalbiga ahayn.

Si kasta ha ahaatee Tallaabada iyo Xiisada ka cusub Taiwan oo isku helaynaysa reer Galbeedka waxay u muuqataa mid u eg tii Ukraine ka dhacday, haddii Shiinuhu duqeeyo Jaziirada.

Haweenaydii xiisadan hadda taagan ee culus abuurtay ayaa ka baxday Taiwan waxayna hadda ku sugan tahay Kuuriyada Koonfureed iyadoo kulamo la leh Madaxda Dalkaasi.

Qaramada Midoobay Oo Lacag Ugu Deeqay Soomaliya.

0

War kasoo baxay Hay’adda OCHA ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha bini’aadantinimada xafiiskeeda Muqdisho ayaa lagu sheegay in khatarta macluusha Soomaaliya iyo dadka ku barakacaya ay aad kor ugu kacday.

Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo ka hadlay xaaladda abaaraha ayaa sheegtay inay OCHA bixisay 9.5 milyan oo dollarka Maraykanka ah, si gargaar degdeg ah loogu fidiyo bulshooyinka ku dhaqan meelaha khatarta ugu badan ay ka jirto.

Danjire; Adam Abdelmoula ayaa sheegay in qoondada cusub ee Sanduuqa gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF) ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto sidii kor loogu qaadi lahaa wax ka qabashada baahiyaha bulshooyinka ay sida daran u saameeyeen ee gobollada Baay iyo Bakool.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay musiibo bini’aadantinimo, haddana waxaa loo baahan yahay gargaar, si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya, si looga hortago natiijooyinka ugu xun ee ka dhasha abaaraha,” ayuu yidhi, Adam Abdelmoula.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in khatarta macluusha ee Soomaaliya ay sii korodhay , taas oo saameeysay in ka badan 7 milyan oo qof, ayna ku barakaceen dad kor u dhaafaya 900,000 oo qof , iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq, kuwaas oo u badan Haween iyo carruur.

DAAWO: Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka Warbixiyay Howlgal qorsheysan oo ay qaadeen ciidanka xooga dalka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan Ayaa Sheegay in Argagixasadu Tahay “Dilaha Diinta, Dilaha Aqoonta, Dilaha Garashada iyo Dilaha Garashada”.

 

HOOS KA DAAWO

 

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

0

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa kulan ay manta yesheeyn ku ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, iyada oo Xildhibaannada cod gacan taag ah ay ku ansxiyeen Golaha Wasiirada.

 

.Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka ayaa sheegay indhamaan  xildhibaannada ay cod wada ogol ah ay ugu codeeyeen xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

 

Gudoomiyaasha Gobolka Mudug oo Fuliyay Howlgal Wadajir ah.(SAWIRO).

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed xuseen Shire Bukhaari oo wehlinayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Galmudug Eng. Maxamed Cabdi Cilmi iyo Saraakiisha Booliiska Gobolka ee Labada dhinac ayaa maantay kormeer ku tagay Degaanada Bardo dheere, Bohosha iyo Maxjarka oo dad ay ka wadeen degaamayn cusub oo maamulku aysan waxba ka ogayn.

Kormeerkaan ayaa salka ku hayay kadib dhaqan galinta qodobada shalay laga soo saaray Shirka amniga oo Gaalkacyo ay ku yeesheen maamulada iyo laamaha amniga.

Socdaalkaan waxaa Qeyb ka ahaa Laamaha Amaanka kuwaa Horey ugu Heshiiyay Iskaashiga amni ee Gobolka.

Dhawaan ayay ahayd markii Gudoomiyaha Gobolka Galmudug Ahmed Shire Bukhari iyo Dhiggiisa Puntland Feysal Sheikh Cali aay Heshiis Ku Gaareen Iskaashiga Amniga Gobolka iyo Horumarka Labada Maamul.

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo la wareegtay maamulka Isbitaalka Guud ee gobolka Galgaduud

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowlad gobaleedka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa ka qayb galey munaasabadan oo wasaraddu ay kula wareegeysay shaqada isbitaalka guud ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen wasiirro, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed iyo gudoomiyaasha gobolka iyo kan magaalada  Dhuusamareeb, ayaa lagu amaanay shaqadii isbitaalka uu bulshada u hayay, sidokale dhamaan dadka madasha ka hadley ayaa ka dhawaajiyay in loo baahanaa isbadalkan si loo laba jibaarro shaqada isbitaalka.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa balan qaaday in Wasaraddiisa awoodeeda isugu geyn doonto sidii Isbitaalkan uu noqon lahaa mid laga helo adeeg caafimaad oo aad u tayo sare leh.

Mas’uuliyiinta munaasabadan ka qayb gashay ayaa Wadajir u kormeeray qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sida qeybha Jiifka, Dawada, Tallaalka iyo Dhismayaasha kale ee Isbitaalka.

 

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud oo kulan soodhaweyn ah la qaatay Golaha cusub ee wasiirada XFS

0

Muqdisho, Ogoosto 02, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

 

Ra’iisulwasaare Hamse oo magacaabay Xukuumadiisa Cusub

0

DEG DEG:-Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaw shaaciyay liiska Golahiisa Wasiiradda oo ah 56 xubnood ka kooban 25 Wasiir iyo 26 Wasiir ku xigeen.

Xukuumadda Cusub ayaa waxaa ka mid noqday xubno muddo siyaasadda ku soo jiray, kuwo ku cusub iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda ayaa waxaa kamid noqday Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo afar sano ah Xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho, isaga oo 2018 laga soo xiray magaalada Baydhabo

Mukhtaar Roobow ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Liiska Wasiirada

Liiska Wasiirada

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda

 

Sawir qaadaha: Xasan Kaafi