Home Blog Page 546

Kulan looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa nabada galkacyo oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin katirsan galmudug iyo puntland oo ka dhacay Galkacyo

0

Masuuliyiinta maamulada Degmada Gaalkacyo ayaa maanta ka qeyb galay madasha wadahadalka Bulshada taas oo looga dooday sidii ay ku timid nabadda iyo xasiloonida ka jirta Gaalkacyo sanadihii u danbeeyay iyo sida loo sii xoojin karo Nabadda.

Madaxweyne Dani oo ka qeybgalay xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland

0

Muqdisho-02 August 2022. Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xafladda xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland, taasi oo caawa dhawaale loogu ururiyey dadka Abaartu saameysay.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga ah caawa, ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu Aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’ideen, Soomaaliya oo dhana wax tar u noqday.

“Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa 1-da August , oo sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay, sidoo kale waxaan idinku hambalyeeynaya sanadka cusub ee Hijriyada ee Sabtidii dhashay.

Munaasabadda qaabka aan u xusnay wuu ka duwanyahay sidoo hore, oo waxaa aynu hambalyo kadib Lacag ugu ururineynaa gurmadka aynu u sameynayno dadkeenna Abaartu saameysay, waxaan ku baaqaya in la isu wada taago oo laga wada qeyb qaato gurmadka. ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dadka reer Puntland illaashadaan midnimada iyo Dowladnimada, isagoo ku baaqay in loo wada istaago oo laga wada qeyb qaato gurmadka Abaaraha oo Dowladdu hore ugu bilowday $1 Million, waxaana intaasi kadib munaasabadda oo ka duweyneyd Kuwii hore laga sameeyay lacag ururin loogu gurmadayo dadka Abaartu saameysay, Iyadoo qof walbo ka qeyb qaatay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga Abaaraha ee Puntland, Culimaa’udiinka, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Madaxweyne Dani oo maanta Xariga ka jaray 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah

0

Muqdisho- 01 August 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo ah 1-da August, oo loo dabaaldegayo sanad guuradii 24-aad ee aasaaska Puntland, wuxuu Garoowe ka daah-furay 4 mashruuc oo isugu jira Wadooyin  Laamiyo ah iyo qorsheyaasha Cagaarinta, Iftiiminta iyo nashaqdeynta magaalada.

Madaxweyne Qoor-qoor oo furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo guddoomiyey Shirka Amniga Maamulkaas oo Bishiiba Mar la qabto

0

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Maamulkaas ku shir gudoomiyay Shirka Amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar la qabto,kaas oo ay goobjoog ka haayeen Laamaha Amniga.

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed oo howlgalo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka sameeyey xafadaha Baydhabo

0

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed  ayaa howgal qorsheysan ka sameeyey qaar kamid Xafadaha Magaalada Baydhabo Gaaar ahaan Wadajir, Xanaana2,barwaaqo iyo kuwo kale.

[DAAWO] Nabadoon Cumar Axmed Cartan” Qof xanuunsan hadaan hal kaniini ugu baahano, waxaan u lugeyneynaa 45 km, si aan u helno”

Bulshada ku nool Deegaano u dhaxeeya Magaaloyinka Cadaado iyoDhusamareeb oo sheegay in ay wajahayaan Biyo la,aan daran,xarun cafimaadna ugu dhawdahay 45 km goob u jirta iyaga oo dalbaday in dowladda dhexe iyo Galmudugba gargaar  la soo gaarto.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo ka ‘carooday’ dad ay ciidamadiisa laayeen

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga carooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ta ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay rasaas ku fureen deegaan ku yaalla xudduudka oo ay dadka isaga gudbaan.

Akhriso:- Magacyada Golaha Wasiirada uu Magacaabay Madaxweynaha Hir-Shabeelle

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay  magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 80 xubnood oo isugu jira 27 Wasiir, 27 Wasiir Kuxigeen iyo 26 Wasiiru Dowle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Wasiiro katirsan Maamulada Jubnbaland iyo KGS

Muqdisho, Luulyo 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur iyo Wasiir Maxamed Warsame Darwiish.