Madaxweynaha JFS ” Muqdisho dadka ku noolow Khawaarijta marada ka hurgufta, iska bixiya guntigiinay ku jiraane”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Alshabaab ayaa xusay gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna.

“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Alshabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...