Madaxweyne Xasan Sheikh oo qaabilay Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada isagoo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka.

Dhankooda, Wasiirada ayaa soo dhaweeyay howlgalada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Waxaa kulanka ka soo qeybgalay, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka mudane Elmi Maxmuud Nuur, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda K. Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...