Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay oo xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed
Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.
Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle oo xilalkii u kala warejiyey qaar kamid ah Wasiirada Cusub iyo kuwii hore ee maamulkas
Muqdisho: 06, Agoosto, 2022: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Cadaalada, Haweenka Qorsheynta, Gaadiidka, Gargaarka, Boostada iyo Dib u Heshiisiinta.
Golaha Shacabka BFS oo Berri codka kalsonida u qadayo Golaha Cusub ee Wasirada
Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa shaaciyay In maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo Bogaadiyey Doorashada golaha deegaanka ee Cadaado ka bilabatay
Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay doorashada Golaha Deegaanka ee ka soconaysa degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoona u rajeeyay in ay dhawaan si habsami leh kusoo dhamaato.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dhiirogaliyay degmooyinka kale ee isku diyaarinaya doorashada Golaha Deegaanka in ay dar-dar galiyaan doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.
Ugu danbayn madaxweynaha ayaa xusay in xukuumadda Galmudug ay ku howlan tahay sidii Galmudug ay uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah, iyadoona ay ka dhigantahay doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Galmudug in ay dhabbaha u xaarayso xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliska Booliska Somaliyeed ku amray adkeynta Amniga Caasimada
Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.
Shir looga hadlayey Hormarinta Mashaariicda,iyo Xoojinta Amniga deganada KGS oo Baydhabo lagu qabtay
MUQDISHO-6-8-2022-;Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta,Amniga,Arimaha,Gargaarka,Cadaalada,Haweenka iyo Sarakiil ka socday Madaxtooyada ayaa maanta Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madax ka socotay Hay,adda UNDP oo Baydhabo gaaray.
[DHAGEYSO] Soomalida Ku nool Canada oo soodhaweeyey mamnuucista Hubka oo ay ku dhawaaqday Dowladda Canada
MUQDISHO-6-8-2022-:Dowladda Canada ayaa si Deg –Deg ah u dhaqangalineysa mamnuucista Hubka oo ay ku dhawaaqday laba bilood ka hor iyadoo soomaalida ku nool Dalkaas ay arintaan soodhaweyeen.
Israel oo duqaysay Gaza iyo Islamic Jihad oo iyadna gantaalo ku ridday dhanka Israel.
Xoogagga Falastiiniyiinta ee ka tirsan garabka Islamic Jihad ayaa tobonnaan gantaal ku tuuray Israa’iil taasi oo jawaab u ahayd duqeymaha Israa’iil ee marinka Qaza ee lagu dilay taliye ka tirsan kooxdaasi , iyo sidoo kale 9 qof oo kale.
Ciidamada DDS oo sheegay in 800 oo katirsan Kooxda Al-shabaab ku dileen dagaalo ka dhacay Gobolka Afdheer
MUQDISHO-6-8-2022-:Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Ciidamada Amaanka DDS ayaa shaaca ka qaaday in la dilay in ka badan 800 oo Maleeshiyada kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaa oo 24 ka mid ah ay ahayeen horjoogayaasha Al-Shabaab ee lagu dilay hawlgalada ay qaadeen Ciidamada ammaanku.
