Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, xilkaas oo mddooyinkii la so dhaafay banaanaa.
Maamulka Degmada Gaalkacyo oo wadada Astaan Golol ku bilaabay Saarista Laamiga
Duqa Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, Ku xigeenkiisa Eng Maxamed Cabdi Cilmi, Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, Agaasimayaal iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Horumar iyo Wadajir ayaa goobjoog ka ahaa bilowga dhismaha wajiga ugu dambeeya ee wadada Astaan Golol oo saarista laamiga maanta lagu bilaabay muddo koobanna lagu dhameystirayo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsanaa tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka deg degga ah
Muqdisho 14 November 2022: Tababarka tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka degdegga ah oo ka qeyb galeen 30 suxufiyiin oo kala socday Warbaahinta waxaa uu seddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha hayadda Maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle oo kulan la qaatay wakiilka Ururka iskaashiga islaamka u qaabilsan Soomaaliya
Gudoomiyaha hayadda Maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Ururka iskaashiga islaamka u qaabilsan Soomaaliya H.E Amb: Mohamed Bamba Mohamed Boba.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
Xafiiskii Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Wasaaradda Waxbarashada XFS oo si KMG ah loogu raray dugsigii hore ee Sheekh Xasan Barsane si aysan hakad u galin bixinta shahaadada dugsiga sare
Ciidamada Amniga ayaa soo xiray Mustafa Cali Caanood oo ah shaqsi faafiya Fikirka khawaarijta.
Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa maanta soo xiray Mustafa Cali Caanood oo fikirka kooxaha xagjiriinta ah Ku faafiya dalka.
Guddoomiyaha Barlamaanka Jubbaland oo Muqdisho soo Gaaray
Habdhowraha golaha Aqalka Sare ee BFS Samsam Ibraahin Cali oo ay weliyaan qaar ka mid ah Sanatarrada Aqalka Sare ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Koofurgalbeed Maxamed Nuur Macalin.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey Dilka Macanlin Sanweyne
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay isagoo Salaada Subax Madaajidka ka soo baxay gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Muqdisho.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay gacan ka xaqdaran Ku dishay isagoo salaada subax kasoo baxay misaajid Ku yaala magaalada Muqdisho.”
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Marxuumka oo ahaa Ganacsade iyo Oday dhaqameed waqti badan qeyb ka ahaa dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay inuu janadiisa Firdooso ka waraabiyo, qoyskiisana samir iyo iimaanna Alle ka siiyo.
Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga XFS
Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac ).
