Ciidamada Puntland oo dilay Madaxii howl-galada ee khawaarijta Daacishta Soomaaliya

Date:

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Khawaarijta Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani.

War ka soo baxay taliska Boliiska ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay  weerar Khawaarijtu ku qaadday Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12kii Bishaan January.

“Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo xilkaan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 xilligaas oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.

Dhagar qabe Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu Ethiopian badan ku qasbay in ay Khawaarijta Daacish ku biiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...