Guddiga Gaadiidka, Garoomada, Dekedaha, Waddooyinka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BFS ayaa maanta kulan wadatashi la qaatay oo kusaabsan Hindese-sharciyeedka Korantada Qaranka shirkadaha adeegyada korantada bixiya ee Muqdisho iyo kuwa ka yimid Maamul Goboleedyada dalka.
[DAAWO+SAWIRRO] Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo safar shaqa dalka uga maqnaa oo maanta si deg deg ah ugu soo laabtay Muqdisho
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg deg ah ugu soo laabtay dalka, kadib safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kuwait, ayaa kormeeray qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo kasoo gaartay Weerarkii Khawaarijta ay shalay kusoo qaaday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxa uuna u rajeeyay in uu ilaaheey caafimaad deg deg siiyo.
Maxaa Looga hadlayaa Shirweynaha Culimada ee Ka Furmay Muqdisho?
Muqdisho waxaa tis toos ah oga Furmay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo isaga kala Yimid dalka iyo dibadda.
Sheekh Cabdiqani Qorane oo ka mid culimada soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirkan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa is dul taagay ahmiyadda uu leeyahay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka furmay Maanta.
Sheekh Cabdiqani Qorane Ayaa sheegay in shirweynahaas ahmidyad gaar ah lagu siin doono dagaalka dowlada iyo shacabka soomaaliyeed kula jiraan khawaarijhjta iyo doorka culimadu ka qaadan karaan maadaama khawaarijtu ka been abuuranayaan deenteena Suuban.
Sheekh Cabdiqani Qorane ayaa sidoo kole xusay in shirweynahaan looga hadli doono Diinta iyo Dowladnimada, iyo xiriirka ka dhaxeeye, “Diinta yaa ka masuul ah”?
Sheekh Cabdiqani Qorane “Shirweynaha waxaa ku dhisanaynaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Matalaysa Qeybaha kala duwan ee culimada oo Dastuuri ah, marjiciyadda Diiniga, Fataawaadka iyo Nawaasisha loogu soo laabto” Ayuu yiri Sheekh Cabdiqani Qorane.
Sidoo kole Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diintaa ayaa sheegay In Muqdisho aay isugu keeneen ku dhawaad 300 oo Ergo, iyadoo Ujeedku yahay in Go’aamo waaweyn ay ka soo baxaan.
Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmay
waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xoghaya guud ee Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed Aweys Cabdi Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirku uu yahay mid uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS ujeedka shirkuna yahay in Culimada Soomaliyeed ay caddeyaan waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in lala dagaalamo khawaarijta iyo xukun kooda.
Shirka ayaa looga hadli doonaa doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qotadheer u dul istaagayaa saddex Qodob oo kala:-
1-Sharciyad Ka Qaadista al-Shabaab: Sixida Fahamak Saxda ah ee Diinta Islaamka,
2-Sharciyad Siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah.
3. Dhisida Golaha Saree ee Culimada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furo Shirweynaha iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda.
[DAAWO] Ciidamada ammaanka oo soo gebagabeeyay Weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijtu ku qaadday xarunta gobolka Banaadir
Laamaha Ammaanka ayaa Caawa shaaciyay in la soo afjaray weerarkii lagu qaaday Xarunta Gobolka Benaadir ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta oo booqday dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada ka soo gaartay daagalkii Baydhabo
Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Yuusuf Wadani iyo guddiga odayaasha dhaqanka ayaa maanta waxay kormeereen dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada kasoo gaartey 23-kii December weerarkii ka dhacay hoygii u kireysnaa Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti.
Guddiga oo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan odoroska dhacadadii ayaa waxa ay booqdeen dhaawacyadii ku wax yeeloobay shaqaaqadii ka dhacday guriga oo meelo kala duwan yaaalaan iyo ispitaalka guud ee Gobolka Bay, u jeedada booqashooyinka oo aheyd in ay qiimeeyn ballaaran ku sameeyaan khasaarihii isugu jira dhimashada dhaawaca iyo bur burka hantida shacabka si xal loogu gaaro.
Sidoo kale kormeerka waxaa ku wehliyey Guddiga Odyaasha Dhaqanka ee loo xilsaaray qiimeynta qasaarihii ka dhashay shaqaaqadii.

Ciidamada Amniga ayaa soo gabagabeeyay weerar koox Khawaarij ah ay kusoo qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir
Maanta ayaa koox ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah waxay soo weerareen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir
Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.
Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.
Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan.
Dowladdu waxay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.
Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.

[DAAWO] Guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga golaha Shacabka oo kulan isla xisaabtan ah la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga dalka
Guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga golaha Shacabka ayaa kulan isla xisaabtan ah la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga dalka.
Guddiga Warfaafinta iyo isgaarsiinta golaha Shacabka oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda
Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Hay’adda IHH ee dalka Turkiga
Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday Hay’adda IHH ee dalka Turkiga.
