[DAAWO+SAWIRRO] Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo safar shaqa dalka uga maqnaa oo maanta si deg deg ah ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg deg ah ugu soo laabtay dalka, kadib safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kuwait, ayaa kormeeray qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo kasoo gaartay Weerarkii Khawaarijta ay shalay kusoo qaaday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxa uuna u rajeeyay in uu ilaaheey caafimaad deg deg siiyo.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho ayaa u kuurgalay xaalada Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona halkaasi shir kula qaatay Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Laamaha Amniga, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan Agaasimeyaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Tacsi u diray Ehelada Shuhadadii ku shahiiday weerarkii shalay, Waxa uuna ka Mahad-celiyay gurmadkii ay geysteen Laamaha Amaanka, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo cid weliba oo gacan ka geysatay soo afjarida weerarka iyo bad-baadinta maatida.

Ugu danbeyn waxa uu sheegay in aysan marnaba Maamulka Gobolka Banaadir ka gaabin doonin u adeegida shacabka Soomaaliyeed, ayna baqdin gelin doonin weerarada ay geysanayaan Khawaarijta, Waxaa uuna ugu baaqay bulshada in ay ka feejignaadaan dhagaraha Khawaarijta, loona midoobo dagaalka ka dhanka ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...