Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmay

Date:

waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoghaya guud ee Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed Aweys Cabdi Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirku uu yahay mid uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS ujeedka shirkuna yahay in Culimada Soomaliyeed ay caddeyaan waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in lala dagaalamo khawaarijta iyo xukun kooda.

Shirka ayaa looga hadli doonaa doorka Culimada ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda, waxa uuna si qotadheer u dul istaagayaa saddex Qodob oo kala:-

1-Sharciyad Ka Qaadista al-Shabaab: Sixida Fahamak Saxda ah ee Diinta Islaamka,

2-Sharciyad Siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga ah.

3. Dhisida Golaha Saree ee Culimada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furo Shirweynaha iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...