Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer indha indheyn ah ku tagay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee magaalada Boosaaso, Dekedda iyo xarunta Suuqa Kalluunka Magaalaadaasi.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Shirka Madasha Caalamiga ee Cunnada iyo Beeraha
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS Md. Ahmed Madobe Nunow ayaa ka qeyb galey Shirka Madasha Caalamiga ee Cunnada iyo Beeraha (Global Forum for Food & Agriculture) oo ay isugu yimaadeen 70 wasiir iyo in ka badan 2000 oo wafuud oo ka kala socdey hay’adaha, deeq-bixiyaasha iyo daneeyayashaasha arimaha waxsoo saarka beeraha.
[DAAWO+SAWIRRO] Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo kormeer ku tagay fariisamaha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay fariisamaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere.
Gobolka Banaadir oo kaashanaya gamacsatada Suuqa Bakaaraha oo ku guuleystay daminta dab khasaare geystay oo xalay ka kacay suuqa
Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qasaaraha ka dhashay Dab xalay fiid hore qabsaday qeyb ka mid ah Suuqaweyn ee Bakaaraha.
Sheekh Aadan Madoobe oo kulan wadajir ah la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka iyo guddiga farsamada shirka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kulan wadajir ah la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed.
Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab oo dhawaan degamadaas laga xoreeyey.
Taliyaha CXD oo Deeq Xoola ah u diray Shacabka D.Maxaas
Deeq Xoolaha ah oo ka timid Taliyaha Ciidanka xoogga dalka jeneraal Odawaa Yuusuf Raage,ayaa soo dhiibay 300 Neef oo Ari ah,oo loogu talagalay dadkii ay dhawaan khawaarijta ka gowraceen xoolaha.Waxaana lagu wareejiyay Odayaasha deegaanka Ceel-xeero oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Khawaarijta,ayaa u laayeen Xoolaha dadka deegaanka ay lahaayeen, Sababo la xariira jabka khawarijta kasoo gaaray howlgalka looga saaray inta badan Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane iuo Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Tawane Axmed Maxamed oo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka u wakiishay wareejinta deeqdaasi loogu talagalay dadka cadowga Xoola la’aanta dhigay.Odayaasha deegaanka iyo Dadkii xoolaha laga xasuuqay, ayaa u mahadceliyay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta looga dooday labo Hindisi Sharciyeed
Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa;
1) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya
2) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shir looga hadlay dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada Koonfur-galbeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed kaasi oo lagaga arrinsaday dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed.
