Home Blog Page 536

Madaxweynaha Hirshabeelle oo garoon diyaradeed ka dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan

0

Muqdisho 22, Agoosto, 2022: Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga hirgalinayo Degmada Matabaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar, kalana hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka

0

Muqdisho, August 21, 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay maanta oo Axad ahayd Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee aan walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim, oo booqasho sharafeed ugu yimid, iyadoo intii lagu guda-jiray kulanka lagaga wadahadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga.

Billowga kulanka, ayaa Safiirka Qatar ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo u rajeeyay guul waarta oo uu ka gaaro howlaha loo igmaday, xusayna kaalinta dalkiisa ee garab istaagga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horu u dhaqaajinta geeddi-socodka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah iyo fursadaha badan ee lagu ballaarin karo heerarka, korna loogu qaadi karo iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac weliba leh.

XFS oo shaacisay qasaaraha ka dhashay qarixii Hotel Hayaat

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Mudane Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in tirada guud ee geerida ay gaareyso Weerarkii Hotel Hayaat uu garayo 21 ruux ilaa iyo hadda oo ku saleysan xogta laga keenay xarumaha caafimaadka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayna qayb ka yihiin Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Maamulkaas ayaa maanta soo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa soo dhoweeyay Maamulka Degmadda Matabaan oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye, ku xigeenkiisa Abdikafi Shire Colaad, xoghayaha Degmada Cawil Nuur, Odayaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha Bulshadda.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhawanahaan waxa uu booqasho ku joogay deegaano iyo degmooyin katirsan gobalka Hiiraan kuwaas oo dhawaan laga xoreeyey Argagixisada Al-shabaab.

[DHAGEYSO]Taliyaha Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay in la soo afjaray weerarkii Hotelka Xayaat

0

Taliska Booliska Soomaaliya  ayaa sheegay in la soo afjaray  xubnihii katirsanaa Argagixisada  Al-Shabaab ee weerarka Bahalnimada ah ku qaaday Hoteelka Hayaat ee  ku yaalla caasimadda, kadib dagaal dhiig badan ku daatay oo halkaas ka dhacay.

[DHAGEYSO] Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

0

Qarax bambaano oo xalay lagu weeraray guri ku yaal magalada ksimaayo oo uu daganaa sarkaal katirsan jubbland waxaa ku geeriyooday sadax caruur ah oo uu dhalay halka ay ku dhawacmeen sadax kale ,saakayna ayaana la aasayaa caruurtaas.

Isku duwaha guud ee Xafiiska Ergeyga gaarka ah oo maanta 40 Konteenar oo ay jirto deeq gargaar ah ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

0

M???????, ?? ??????? , ????:- Isku duwaha guud ee Xafiiska Ergeyga gaarka ah Abdusalam Salwe oo uu wehliyo Kaaliyaha gaarka ah ee Ergeyga Dalmar Xasan Yuusuf, ayaa 40 Konteenar oo ay jirto deeq gargaar ah (Raashin) ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS

Isku duwaha ayaa Wasiiru Dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Ilyaas Cali Xasan ku waeejiyay deeqdaan oo ah gargaar ay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, taas oo gaareysa 1,070 tan oo Dowladda Soomaaliya guddoontay 13 Agoosto 2022.

Macawinadaan ayaa ah raashin isku dhaf ah oo ka kooban cunnooyinka asaasiga u ah nolosha bani’aadanka, waxaana loogu tala-galay in wax looga qabto xaaladda nololeed ee dadka abaaruhu saameeyeen sida ay u kala daran yihiin.

Ugu danbayn, Isku duwaha oo saxaafadda la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in diiradda la saaro garab istaagga dadkeenna abaarahu ceyrteeyeen.

Kulan looga hadlayay dardar galinta shaqada iyo horumarinta oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay Weheliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa Kulan isla Xisaabtan iyo isxog waraysi isugu jiray la qaatay Gudoomiyaasha Xaafadaha , Ku Xigeenadooda , Xoghayaasha , Agaasimayaasha, lataliyaasha, madax qeybeedyada iyo shaqaalaha Maamulka Degmada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa warbixin guud oo waxqabadka iyo halka shaqadu marayso la xiriirta looga dhageystay Gudoomiyaasha shanta Xaafadood ee Wadajir , Howlwadaag, Garsoor , Horumar iyo Horseed iyo Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Dowladda Hoose si loo dardar geliyo shaqada hortaala Mamulka Degmada, Meeshana looga saaro wixii gaabis ah oo jira.

Ugu dambeyn Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaasha Xaafadaha, Agaasimayaasha iyo Dhamaan hawlwadeenada Dowladda hoose in ay dardar geliyaan shaqada hortaala sida nadaafadda, iftiiminta iyo bilic soo celinta Magaalada , Amniga , canshuur aruurinta iyo horumarinta Wadooyinka dhismahoodu socdaan, isagoo sheegay in masuul kasta lagula xisaabtamayo shaqada loo igmaday, qofkii kasoo bixi waaya hawshiisana talaabada ku haboon laga qaadi doono.

Wasiirka Gaashaandigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo boggaadiyay Howlgallada Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Gobalka Hiiraan

0

MUQDISHO, 20.08.2022:- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku boggaadiyay howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Hiiraan oo ka tirsan Mamulka Hir-Shabelle.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee JFS Waxa ay bogaadineysaa howlgallada Ciidanka Xooga Dalka oo kaashanayo ciidamada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle , ATMIS iyo saaxiibada kale ee Caalamka ka fulinayaan deegaannada Gobollada Hiiraan”.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka Gobalkaasi ka qaateen sidii cadowga shacabka looga sifeyn lahaa Hiiraan “Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadka deegaanka oo si mug leh ugu soo baxay in ay ka qeyb qaataan ciribtirka argagixisada si toos ahna uga garab dagaallamayo ciidamada qaranka”.

Sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Wasiirka Difaaca argagaxisada ayaa laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan “Waxaa mahad ilIlaahay ah in illaa iyo hadda laga xoreeyay cadawga deegaannada Teedaan, Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees iyo Deegaannada ku xeeran”.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn cadawga argagixisada ah”.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo argagixisada dhiigmiiradka ah ee caqabadda ku noqday horusocodka, horumarka iyo guud ahaan danaha qaranka”.

“Dhammaan geesiyaasha ciidamada kala duwan ee sida nafhurnimada leh ula dagaallamayo cadwga waxa ay baal dahab ah ka galayaan taariikhda qaran dhiska Soomaaliyeed”.

 

Madaxweyne Guudlaawe oo maanta Degmada Maxaas ka dhagax dhigay Elaboor diyaaradeed oo dhawaan halkaasi laga dhisi doono

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta Degmada Maxaas ka dhagax dhigay Elaboor diyaaradeed oo dhawaan halkaasi laga dhisi doono.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa horay u balan qaaday dhismaha Garoonka maadaama uu muhiim u yahay bulshada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaado.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha balan qaaday in wax badan laga qaban doono adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo hormarka bulshada.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa halkaasi kala kulmay soo dhaweyn ay u sameeyeen dadka Degmada Maxaas iyo deegaanada u dhaw dhaw.