Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.
Dowladda Federaalka waxay ku boorineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka iyo Kooxo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftaagreen)
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay hobollada Qaranka Waabari ee ku su nool Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Agaasimaha ayaa Hobollada Qaranka kula dardaarmay in ay xoogga saaran isla markaana ka qaataan door muhiim ah wacyi galinta Bulshada iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka ka socda..
Mogadishu, 22nd December 2022: The Federal Government of Somalia wishes to announce that the repatriation of Somali troops who underwent training in Eritrea which kicked off yesterday will continue for the coming few weeks until all of them are back home.
Around 5,000 Somali soldiers have undergone military training in the last three years, thanks to the brotherly country of Eritrea which imparted to them much-needed, high-level skills.
The President of the Federal Republic of Somalia Dr. Hassan Sheikh Mohamud who put efforts to ensure the safe return of the troops has indicated that the forces will play a major role in the ongoing fight against the terrorist Khawarijite group of Al Shabab.
‘’ The arrival of the first batch of Somali forces trained in Eritrea has given fresh impetus to the heroes of the Somali National Forces who are determined to rid the country of the Al Shabaab menace once and for all.”
The Federal Government of Somalia expresses its heartfelt gratitude to the President and people of Eritrea for their generosity in hosting such a big number of Somali forces in their country, despite the challenges presented by such a big mission.
The Government maintains that fighting terror is its foremost priority even as its charts the course towards recovery, development and normalization of the lives of citizens who have endured more than a decade of terror and destruction visited by Khawarijite Al Shabab terrorists.
Finally, the Federal Government of Somalia and its people hail the unwavering support received from neighbouring countries and the rest of the world in this crucial period of fighting an enemy who is not only a threat to Somalia but to the region and to the rest of the world.
Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lix ka tirsan Ciidanka Jabuuti oo ay haysteen maleeshiyaadka FRUD, sida ay baahisay warbaahinta Fana (FBC).
War-saxaafadeed uu Arbacadii shalay soo saaray, Ambassador Fesseha Shawel, oo ah Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay ku guuleysatay in ay si nabad ah ku sii deyso lixdan askari.
Askartan ayaa la afduubay 6-dii October xilli ay rag hubaysan weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taal bariga Jabuuti, halkaas oo ay ku dileen 7 askari afar kalena ay ku dhaawaceen.
Kooxda hubaysan ee FRUD, oo xiriir la leh qoomiyada Canfarta, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Kooxdan hubaysan ayaa sannadkii la aasaasay 1991-kii, waxayna ku bilaabatay kacdoon ka dhan ah dawladda Jabuuti, iyagoo ku andacoonaya inay difaacayaan danaha shacabka Canfarta.
Biden waxa uu Zelensky u sheegay in marnaba uu keli noqon doonin oo uu garab taagan yahay isagoo sidoo kalana u xaqiijiyay inuu siin doono Ukraine gargaar milatari oo dheeraad ah kaas oo u uku kacayo laba bilyan oo doolar.
Dhanka kale madaxweynaha Ukriane ayaa uga mahad celiyay mareykanka sida uu garab istaagay tan iyo markii uu bilwoday weerarka uu Ruusjhka ku qaaday dalkiisa.
Volodymyr Zelensky, ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Congress-ka Mareykanka ka sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid lagu raadinayo xorriyadda adduunka.
Qudbad xamaasad leh oo uu jeediyay ayaa waxa uu uga mahad celiyay taageerada dhaqaale iyo midda ciidanba ee Mareykanka u fidiyay dalkiisa.
Zelensky oo marki ugu horreysay booqasho ku tagay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrrimiyo tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Ukraine ayaa wuxuu siyaasiyiinta u sheegay in dadka reer Ukraine ay u dabaaldegi doonaan ciidda Christmas-ka iyadoo ay socdaan weerarada joogtada ah ee Ruushku ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkiisa.
Iyadoo ay jirto walaac laga qabo in xulafada qaar ay dareemaan culeyska iyo dhibaatada ka dhalatay iskahorimaadka iyo carqaladeynta cuntada iyo tamarta adduunka, ayuu madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” midnimada iyo taageerada Ukraine.
Mr Biden waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “uusan wax niyad ah u haynin joojinta dagaalkan naxariis darrada ah”.
Wakiilo ka kala socda dhinacyada isku haya Itoobiya- ee Dowladda Federaalka iyo Xoogaga Tigreega ee ayaa ku shiraya caasimadda Kenya ee Nairobi si ay uga wadahadlaan dhaqangelinta heshiiskii bishii hore lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo laba sano socday.
Kulanka ayaa la filayaa in uu u gogol xaaro u noqdo in Midowga Afrika uu si dhaw ula socdo qodobbada heshiiska- oo ay ku jiraan in la qaado xayiraadaha lana dardar galiyo dadaallada gargaarka bina’aadanimada iyo hub ka dhigista ciidamada Tigrayga.
Tobanaan kun oo qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalka halka malaayiin qaof ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Kulanka oo looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Marwo Anita Kiki waxay si buuxda u taageertay dadaalada uu hormuud-ka u yahay Guddoomiyaha, muujisayna inay tahay wadada ugu wanaagsan ee xalka uu kujiro si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen si loo gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo. Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Khawaariijta Al-Shabaab. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan.
Wasiirada ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedka muddeysan ee sanadka cusub 2023 iyo qaababka kala duwan ee loo fulinayo, kuwaasi oo su’aalo muhiim ah ay ka weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Salah Jama
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe in laga mira dhaliyo ballanqaadka waxqabad iyo qorshooyinka ay soo bandhigeen maanta, isaga oo dhinaca kale ku boorriyay in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo la taaban karo looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda #DanQaran.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa hambalyo u diray maamulka iyo shacabka Reer Hirshabeelle ee maanta iyaga oo iskaashanaya degmadii ugu dambeysay ka xoreeyay Khawaarijta.
“Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda,Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood,
Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg-deg ay uga xoreysan doonaan, Waxaana ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa” ayuu yiri Guuleed.