Guddiga Warfaafinta iyo isgaarsiinta golaha Shacabka oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda

Date:

Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxda Wasaaradda ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Daa’uud Aweys, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo masuuliyiin kale.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka kala warqaadasho.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay diyaarinayaan, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.

Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan Shaqada Wasaaradda iyo xaalada guud ee wariyaasha Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...