Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta oo booqday dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada ka soo gaartay daagalkii Baydhabo

Date:

Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed  oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Yuusuf Wadani iyo guddiga odayaasha dhaqanka ayaa maanta waxay kormeereen dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada kasoo gaartey 23-kii December weerarkii ka dhacay hoygii u kireysnaa Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti.

Guddiga oo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan odoroska dhacadadii ayaa waxa ay  booqdeen dhaawacyadii ku wax yeeloobay shaqaaqadii ka  dhacday guriga oo meelo kala duwan yaaalaan iyo ispitaalka guud ee Gobolka Bay, u jeedada booqashooyinka oo aheyd in ay qiimeeyn ballaaran ku sameeyaan khasaarihii isugu jira dhimashada dhaawaca iyo bur burka hantida shacabka si xal loogu gaaro.

 

Sidoo kale kormeerka waxaa ku wehliyey Guddiga Odyaasha Dhaqanka ee loo xilsaaray qiimeynta qasaarihii ka dhashay shaqaaqadii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...