Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta oo booqday dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada ka soo gaartay daagalkii Baydhabo

Date:

Guddiga Farsamada ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed  oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Mudane Yuusuf Wadani iyo guddiga odayaasha dhaqanka ayaa maanta waxay kormeereen dhammaan goobihii iyo guryihii wax yeelada kasoo gaartey 23-kii December weerarkii ka dhacay hoygii u kireysnaa Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti.

Guddiga oo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan odoroska dhacadadii ayaa waxa ay  booqdeen dhaawacyadii ku wax yeeloobay shaqaaqadii ka  dhacday guriga oo meelo kala duwan yaaalaan iyo ispitaalka guud ee Gobolka Bay, u jeedada booqashooyinka oo aheyd in ay qiimeeyn ballaaran ku sameeyaan khasaarihii isugu jira dhimashada dhaawaca iyo bur burka hantida shacabka si xal loogu gaaro.

 

Sidoo kale kormeerka waxaa ku wehliyey Guddiga Odyaasha Dhaqanka ee loo xilsaaray qiimeynta qasaarihii ka dhashay shaqaaqadii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...