Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac oo uu wehliyo madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa ka hadlay guulaha dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac oo uu wehliyo madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa ka hadlay guulaha dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
[DAAWO] Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay xoreynta aagga degmada Xarardheere
Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirka Turkiga oo sii koradhay
Madaxwaynaha Turkiga Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in 10 gobol oo ah kuwa uu dhul-gariirka ku dhuftay lagu soo rogay xaalad degdeg ah muddo 3 bilood ah.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamze Adan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.
Xoghayaha Joogtada ah iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada Diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.
Mudane Xamze Adan Xaadoow iyo danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar, iyadoo safiirku uu xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Kulankan labada masuul waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda Mudane Mustaf Aadan Dagaal, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Marwo Sasirit Tangulrat oo ah Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya.
Gudoomiye madaale oo dhagax dhigay wadada isku xirta kaxda iyo Ex-control.
Guddoomiye Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.
Waddadan oo aad u burbursan islamarkaana isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay ayaa waxaa ka mahadceliyay dhagax dhigga mashruucan qaar kamid ah bulshada ku nool degmooyinka Kaxda, Dharkeenley, Wadajir, Deyniile iyo Hodan ee gobalka Banaadir.

Khasaaraha dhulgariirka Turkiga iyo Syria oo kor u dhaafay 3,700 oo dhimasho ah
Waxaa sare u kacay khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Syria, subaxnimadii hore ee Isniintii, dhulgariirkaas oo cabbirkiisu gaadhayey illaa 7.8.
Madaxweyne Xasan Sheekh warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.
Booliska Soomaliya oo Muqdisho xalay ku dilay dhagarqabe katirsanaa Argagixisada Al-Shabaab
Ciidanka booliska qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa xalay toogtay nin la sheegay inuu ka tirsanaa Argagaxisada Al-Shabaab, kadib markii isaga iyo labo nin oo kale ay weerar ku qaadeen Bar-control oo ciidan ka tirsan booliska ay ku leeyihiin degmada Heliwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.
Duqa magaalada oo tababar aqoon korosi ah usoo xiray 111-qof
Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tababar aqoon korosi ah usoo xiray 111-qof oo kamid ah dhallinyaro ka socotay degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka, Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa daah furay tababar ku saabsan habka oogista Dacwadaha Madaniga ah.
Munasaabadan oo ka dhacday xarunta dhaxe ee Dhallinyarada Gobolka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga Iyo Siyaasada Gobolka Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).


