Home Blog Page 497

Wasiirka amniga Galmudug oo Cadaado Tababar ugu soo xiray 200 Boolis ah.

Wasiirka amniga Galmudug, saraakiisha Booliska Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa ka qaybgalay xiritaanka tababarka ciidankan Booliska ah oo muddo 3-bilood ah lagu tababarayey duleedka degmada Cadaado.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe madaxa tababarada iyo qorshaynta Booliska Galmudug ayaa xusay ciidaankan oo 200 oo askari ka kooban ay qaateen koorsooyinka jireed ee ciidanka iyo sharciyada Boolisku ku shaqeeyo sida dambi baarista, la dhaqanka shacabka, xuquuqul insaanka iyo xeerarka madaniga ah ee dalka.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in ka degmo ahaan ay ku faraxsanyihiin ciidankan tababarka dhammaystay, kuwaas oo ka qayb qaadan doona xoojinta ammaanka deegaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliyaha Booliska Galmudug gaashaanle sare Khaliif Cabdulle maalin ayaa u mahadceliyey saraakiisha dugsiga tababarka, waxaana ay faray askarta tababarka dhammaysatay inay si ficil ah uga muuqato cilmigii la baray mudadii sadexda bilood ahayd ee ay dugsgan ku jireen.

Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aaden Gaboobe ayaa xusay in ciidankan tababarka dhammaystay ay ku soo aaday waqti xasaasi ah oo Galmudug ay ku jirto dagaal ka dhan ah argagixisada.

Waa dufcadii 1-aad oo ka soo baxa dugsiga tababarka Booliska Galmudug ee degmada Cadaado, waxaana ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan xasilinta deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Shirka Madaxda Qaranka Iyo Maamulada oo Xamar ka Furmay.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen,Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkaan ayaa si gaar ah Diiradda Waxaa Loogu saari Doonaa Arrimaha Amniga, La dagaalanka Argagixisada oo hada ka socda Qaybo ka mid ah Gobolada Dalka, iyo Kheyraadka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb gelaya shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray  Dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta.

 

wasiirka ayaa Waxaa soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Mudane Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Mudane Cabdulwahab Mocalim Maxamed.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa inta uu socdo shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta Waxaa uu kusoo Bandhigi Doonaa Horumaada maaliyadeed ee laga hirgaliyay Soomaaliya iyo fursadaha maal gashi ee ka jira Dalkeena

 

Wasiirka Gaadiidka XFS oo Lakulantay Safiirada Ingiriiska iyo Imaaraadka.

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulamo gaar-gaar ah ku qaabbishay safiirrada waddamada Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa Amb. Kate Foster, Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Safiirka Imaaraadka Carabta , Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi waxaa ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho Kusoo Dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

0
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Madaxweyne Laftagareen oo u yimid kaqeybgalka madasha wadatashiga qaran ayaa hadal kooban oo uu soo dhoweynta kadib jeediyey sheegay sida ay maamulkiisa uga go’antahay ladagaalanka Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed helaan adeegyo dowladeed.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hortabinaneeda ka mid tahay ladagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha xasillinta.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shacabka Xudur oo Hubka U Qaatay Iska Xoreynta Alshabaab. (SAWIRO)

kacdoon ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka bilaabmey magaalada Xudur lagana doonaayo in bulshada ay iska dulqaadaan dhibaatooyinka Cadowga qeybna ka aba Baraarug bulsho oo kasocda gobolada dalka.
Howlgalkaan oo ujeedkiisu yahey in Shacabka kunool magaalada Xudur iyo deegaanada u dhow laga qaado, lagana xureeyo haraadiga Argagaxisada ee sida dhuumaaleysiga ah u dhibaateeya Bulshada, waana hadafka koowaad ee maamulka Degmada Xudur uu muhiimad gooni ah u siinaayo la dagaalanka Argagaxisada, si bulshada mudada dheer kujirtey dhibaatooyinka ay uga noolaadaan nabadgelyo.
Kacdoonka shacabka ee kaashanaya Ciidamada Qaranka ayaa ka Socday Qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka, Waxayna Tani Noqon doonta Ciribtirka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Al-shabaab oo lagala Wareegay Deegaano ka Tirsan Hiiraan (SAWIRO).

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya xoogaga dib u xuraynta deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa lawareegay deegaanada Tardo iyo Mabaax.
ciidanka aya la wareegay deegaanadaan kadib markii Maleeshiyaadka Argagixidada Alshabaab ay isaga carareen waxana Ciidamada is garabsanaya ay haatan kaabiga ku hayaan Degmada Aadan yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,
Degmada Aadan yabaal ayaa ah Fariisinka ugu weyn ee alshabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeelaha dhexe. waxaaana socdal Howlgalo cir iyo dhul ah oo ku wajahan halkaasi.
Warbixintan waxaa qoray: Abdulkadir Isse
deegaanada Tardo iyo Mabaax

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka wada degaanno hoostaga Aadanyabaal.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa Maanta waxaa ay howlgallo ka sameyeen degaanka Qooxle oo u dhow Aadanyabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen maleeshiyaad haraadi ah oo ka soo firxaday degaanno dhawr ah oo laga fara maroojiyay.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa waxaa ka go’an  in guud ahaan gobolada dalka laga saaro maleeshiyaadka Khwaajirta Al-Shabaab ee cadeeystay daadinta dhiiga dadka marista iyo boobka hantidooda.

Howlgaladan ay ciidamada ka sameyeen degaanka Qooxle ayaa qeyb ka ah balaarinta fariisimada ciidamada, si gabi ahaanba gobalada dalka looga sifeeyo maleeshiyaadka argagixisada ee xasiloonida u diiday shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Magaalada Kampala kaga qayb galay shirka khilaafaadka dhulka.

0

[DAAWO+SAWIRRO] Madaxweynaha JFS oo maanta qaabilay Xoghaya guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Mudane Dr. Peter Mathuki.

Madaxweynaha oo Xoghayaha la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhammeystirka dhammaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay Dalladdan ayaa faray in 12 bilood ee soo socda lagu soo gabagabeeyo qorshahan, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

 

“Waan ku faraxsanahay in halkan aan soo gaarno, waxa aan rabaa in muddo ku siman 12 bilood lagu soo afmeero howshan, si dadkeennu dhaqsi uga faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee ka jira dalalka ku bahoobay isbaheysigaan. Waan ku kalsoonahay in dadkeyga hibada ganacsi u leh ay wax weyn kusoo kordhin doonaan kobaca dhaqaale iyo horumarka Bariga Afrika.”

Dhankiisa, Xoghayaha guud ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki oo Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalka xoogan ee ay u gashay in ay ka gudubto habraacyada ku xusan wejiga koowaad ee qorshahan ayaa tilmaamay in dhammaan xubnaha Dalladdu ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xoojinaya hannaanka ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta horumarineed ee ay ku yeelan karaan Gobolka.