Home Blog Page 498

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaga oo kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Muqdisho’ Oktoobar 25,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo 15 cisho ah oo uu ku kala bixinaayay qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub.

Madaxweyne Hassan Sheikh oo kulan sagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan

0

Muqdisho, Oktoobar 25, 2022; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Swan doorka uu ka qaatay taageerada dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

 

Dhankiisa, Danjire James Swan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

 

Ciidamada Galmudug iyo Dadka deegaanka oo la wareegay Deegaanka Qaayib iyo Galmudug oo ka hadashay

0

Ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan macawislayda deegaanka ayaa Maanta  la wareegay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaas oo degmada Baxdo koofur ka xiga ilaa 40km.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo Xalay casho sharaf sagootin ah u sameeyay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiyay Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Xalay  casho sharaf sagootin ah u sameeyay safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiyay Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Alcusmaani.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana si gaar ah uu uga hadlay hawshii uu Safiirku ka qabtay dalka mudadii sanadaha ahayd ah ee uu fadhiggiisu ahaa Muqdisho.

 

 

Dhankiisa Danjiraha Dowladda Imaaraadka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

 

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo soo xiray tartanka xaafadaha degmada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran

0

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Bare Maxamuud, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland, Mudane Aways Maxamed Xuseen iyo Guddoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay si wadajir ah u soo xiray tartanka xaafadaha degmada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran oo shalay galinkii dambe la soo gabo gabeeyay, iyadoo koobka ay ku guuleysay Xaafadda Faanoole ee Kismaayo.

Madaxweyne Ahmed Madoobe oo hambalyo u diray Kooxda Xaafadda Faanoole oo ku guulaysatay koobka tartanka Xaafadaha Magaalada Kismaayo

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Kooxda Xaafadda Faanoole oo ku guulaysatay koobka tartanka Xaafadaha Magaalada Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada oo shalay galab lasoo gaba gabeeyay.

[DHAGEYSO] Xildhibaaan Cabdirahmaan Axmed Gureey oo kamid ah golaha shacabka oo Degmada maxaas u gaaray sidii dhiirigalin ay ugu sameeyn lahaayeen Ciidamada

0
Xildhibaaan Cabdirahmaan Axmed Gureey oo kamid ah guddiga kheyraadka ee golaha shacabka oo la Hadley warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in maxaas ay u gaareen sidii dhiirigalin ay ugu sameeyn lahaayeen Ciidamada iyo sidii loo sii adkeyn laha meelihii laga qabtey argagixisada.

Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) oo isbitaal ku yaal dalka Turkiga ku booqday xalay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu booqday xalay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrimo caafimaad u jooga Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga.

Ra’iisulwasaare Hamse oo qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan – hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan.