Home Blog Page 496

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo maanta toogatay Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka fagaaraha Iskuul Bulusiya ee Magaalada Muqdisho waxaa ay xulunkii dilka toogashada ahaa kufulisay Saddex rag ah oo katirsanaa kooxda khawaarijta Al-shabaab kuwaas oo lagu helay Qaraxyo ay ku dileen Shacab & Masuuliyiin kale.

Raggaan oo lagu kala Magacaabi jiray Xasan Macalin Cali Barre (Boy) , Abtigiis Sayid Cali Aadan Nuur (Istiimoow) iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada ay xukunka dilka toogashada ah kuriday Bishii December ee sanadkii 2019-kii.

Xasan Macalin Cali Barre (Boy)  ayaa sigaar ah loogu helay in uu wade ka ahaa Gaari qarax siday oo ku qarxay Suuqa Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 12 Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, halka Isaaq Keerow Aadan lagu helay in uu qeyb ka geystay dilal qorsheysan & weeraro ka dhacay Gobolada, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.

Nuur Ibraahim Mahad-alle oo katirsanaa Ciidamada gaarka ah ee Booliska, balse sidà maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday Hub ay dowladdu laheyd, isla markaana uu intaasi kadib kubiiray khawaarijta, isaga oo ka dambeeyay qarixii lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Amniga degmada Maxaas, waxaana xukunka dilka toogashada ah lagu riday 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019-kii.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Cuidamada Qalabka sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Warbaahinta u sheegay in saddex sano kadib dil toogasho lagu fuliyay Saddexda ragga ah ee katirssnaa kooxda khawaarijta Al-Shabaab laguna helay dilalka iyo weerarada.

 

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska,qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxyadii Magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen Isgoysaka Soobe ee Magaalada Muqdisho.

[DAAWO] Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

0

Argagixisada arxanka darran waxa ay laayeen hooyooyin kuwaas oo ay naftu ka baxday iyaga oo caruurtooda dhabta ku haya, waxaa jira hooyooyin kale oo iyaga iyo caruurtooda ay isku kor dileen si naxariis la’aan ah .

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku beegsadeen maanta dadka maatida ah, waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaalamaayo Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee maanta Shabaab ku laayeen Magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Al Shabaab oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay dabar goynta Shabaab.

(SAWIRRO) Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u Ambabaxay Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS  mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ah ayaa saaka safar indha indheyn ah  waxaa ay ugu Ambabaxeen Magalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Shir gudoonka Ururka xakamaenta Ayaxa ee dalalka bariga Africa iyo XFS oo ka hadashay

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Axmed Madoobe Nuunow ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee ururka xakameynta Ayaxa iyo dulimada hayaama ee dalalka Bariga Afrika magaciisana lagu soo gaabiyo DLCO-EA, ururkaas oo la aas-aasay sanadkii 1962 kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Shirkan oo ahaa mid heer wasiir ah oo ay kasoo qayb galeen dhammaan wasiirada beerahah dalalka bariga Afrika ayaa waxaa shir gudoonka 2022 ilaa 2023 la wareegay dowladda federaalka taasoo ugu dambeysay sida uu wasiirku sheegay in ay shir gudoomiyaan sideetameeyadii.

Soomaaliya ayaa inta badan kasoo muuqanaysay dhamaan ururka ay xubnaha ka tahay ee heer gobol iyo heer caalami intaba

 

Dowladda Maraykanka oo sheegtya in uu yahay Shiinuhu khatarta ugu sarraysa ee danaha Maraykanka

0

PENTAGON – Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amniga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine.

“[Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu] waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira [Maraykanka], marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo” ayuu yidhi xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, hase ahaatee magaciisa qariyey, ayaa sheegay in awooda Shiinuhu ay sii kordhayso, isaga oo horumariyey nidaam uu kula tartami karo Maraykanka, marka la joogo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinaca Milateriga, dhaqaalaha, farsamada casriga ah iyo diblomaasiyadda.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay, in Maraykanku uu dib u casriyeeyey hannaankiisa dagaalka, gaar ahaan dhinaca hawada sare iyo dhinaca internetka, si loogu muujiyo cid kasta oo cadow ah, “dhibaatada uga iman karta haddii ay ku gardarroodaan Maraykanka ama xulafadiisa”

Warbixinta Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo ah mid la baahiyey, ayaa ku soo aadaysa xilli Maraykanka iyo Shiinuhu ay ku kala aragti duwan yihiin xaaladaha Taiwan. Shiinaha ayaa marar kala duwan ku hanjabay inuu xoog kula wareegi doono Taiwan haddii ay lagama maarmaan noqoto, sidoo kale Ruushka ayaa isagu weerar toosa ku qaaday Ukraine bishii February, isagoo si joogto ah u duqeynaya magaalooyinka dalkaas oo uu xataa u isticmaalay diyaaro ay samaysay Iran.

Nuqul sir ah oo ka mida warbixinta ayaa loo gudbiyey Congresska horraantii sannadkan.

Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono “udub-dhexaadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta.

Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imanaya laba quwadood oo ku hubaysan hubka nukliyeerka, oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in gardarrada uu Ruushku ka wado dalka Ukraine, inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ahaa 80,000 halka uu haatan gaadhsiiyey 100,000.

 

 

 

Madaxweyne Deni oo kulan Sagootin ah la yeeshay James Swan

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo iyo dadaalada Dowlad wanaaga, wuxuuna ku maamuusay Hadyad.

Ciidamo Cusub Oo Gaaray degmada ceelberde gobolka bakool. (Sawiro).

Degmada Ceelberde Gobolka Bakool waxa ka socda diyaargarow cadowga argagaxisada alshabaab looga xureynayo deegaanada gobolka bakool oo 10 sano ka hor jid gooyo aay ku sameeyey Argagixisadu

Ceelbarde maanta waxa ka soo dagay ciidamo dhowaan tababar uga soo dhamaaday magaalada baydhabo ee caasimada ku meelgaarka dowlad goboleedka koonfur galbeed oo aad u hubeysan kana yimid magaalada waajid waxay qeyb ka noqonayaan howgalka maleeshiyaadka shabaab looga sifeynayo gobolka.

Abaanduulaha ururka 175-aad guutada sagaalaad Maxamed Cali Xasan Maanay oo isaga iyo saraakiil ka tirsan guutada 9-aad qeybta 60-aad ciidanka xooga dalka ee gobolka bakool ciidamada soo dhoweeyey ayaa ka warbixiyey ciidamada ceelberde ku soo dhoweeyeen iyo sida ugu diyaar garoobeen ladagaalanka cadowga shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol ayaa soo dhoweyn iyo dardaaran u jeediyey ciidamada ku soo biirey ciidamadii horey uga sugnaa magaalada ceelbarde.

Maamulka Galkacyo Oo Daah furay Diiwaan galinta guryaha iyo dhulalka.

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Maanta si rasmi ah u Daah furay Diiwaan galinta guryaha iyo dhulalka banaan Ee Degmada Gaalkacyo.

Munaasabaddaan Daah furka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mudug axmed shire qoodaar Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Galkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi, Xubno katirsan Gollaha Deegaanka, lataliyaha sare Dowladda Hoose, qaar ka mid ah agaasimayaasha iyo
gudoomiyaasha xaafadaha Degmada Gaalkacyo.

Diiwaan galinta Guryaha iyo dhulalka banaan ayaa bulshada Degmada Gaalkacyo ugu fadhiya faa’idooyin badan oo ka mid ah iska warqabka bulshada iyo maamulka Degmada, sugida amniga, hormarinta xaafadaha iyo hagaajinta nadaafadda Magaalada Gaalkacyo.