Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta guddoomiyeyay shir ay golahu ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Sharcigan cusub ayaa muhiimad gaar ah siinaya in muwaadin kasta ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka ayaa uga mahadcelisay guddoonka iyo senatorada aqalka sare ansixinta Hindise-Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasaaradda Arrimaha guduha, waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkan ayaa golaha shacabka meelmariyay March 1, 2023 halka golaha Aqalka Sarena ay maanta gudbiyeen, waxaana haray saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....