Madaxweyne Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan qabashada Doorashada Golaha deegaanka Maamulkaas

Date:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan qabashada Doorashada Golaha deegaanka Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland taas oo la qaban doono maalinta Khamiista ah ee 25-05-202

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...