Home Blog Page 349

Yuusuf Xasan Cusmaan oo magac afgarashada loo yaqaano (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka baydhabo.

0

Yuusuf Xasan Cusmaan oo magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ee xaruntiisa magaalada Baydhabo.

Yuusuf Diyaarsane oo muddo 15-sano ah khawariijta ku jirey gaar ahaan laga soo bilaabo midowgii Maxkamadihii isku badaley Hisbul Islaam Raaskanbooni iyo Hada uu kamid ahaa maleeshiyada Al Shabab kuna biirey 2009-kii isaga oo markaas ka raacay degaanka Buulla Fulaay.

Waxaa uu u qaabilsanaa Jabhada isagoona ka qeyb qaatey dagaalo dhowar ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bokool Mudug, Galgaduud, Hiiran, Shabeelooyinka, Jubooyinka iyo gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale kasoo dagaalamay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya.

Yuusuf isaga oo dhaawac ah ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed.

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas

0

XIGASHO ADDIS STANDARD

Isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022, ayaa la xaqiijiyay in halkaas oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay. Weeraradani waxay tusaale cad u yihiin isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

In kasta oo uu si rasmi ah u dhaqangaley heshiiskii colaad joojinta gobolka Tigra,2022-kii, haddana waxaa jira warar sheegaya in ciidammada dawladdu ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geeyeen gobollada Oromia iyo Amxaarada, tallaabadaas oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.

Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Itoobiya (ENDF), General Birhanu Jula, waxa uu qirayaa in weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn keliya loo adeegsado kooxaha dowladda ku kacsan, isagoo beeninaya in shacab lagu beegsadey. Hase yeeshee dhacdooyin dhowr ah oo la xaqiijiyay ayaa burinaya dafiraadda uu sameeyay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka degdegga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama degaanka Amxaarada, oo ay dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga lahayn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaan gelisay duqeymo badan oo siyaaradaha drones-ka loo adeegsadey , kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah. Weeraradaasi waxaa ka mid ah mid lagu qaaday goob basaska laga raaco iyo dugsi hoose, taas oo muujineysa xaqiiqada naxdinta leh ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Waxaa cad in duqeymaha ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladdu ay jebinayaan shuruucda caalamiga ah ee ilaalinaysa dadka rayidka ah xilliyada dagaalka.

Waxaase ka sii daran sida muuqata in dowladda aaney wax dan ah ka gelin inay xaal mariso dhibaneyaasha iyo qoysaskooda, iyadoo si cad loogu diido inay helaan caddaalad ama magdhow laga siiyo ehelka kaga dhintey weerarada dowladda.

Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ee lagu beegsanayo shacabka ama ciidamada dagaalka ku jira ayaa loo arkaa mid khatarteeda wadata, taas oo ay ugu wacan tahay khaladaadka dhici kara, iyo isla xisaabtan la’aanta, iyo maqnaanshaha nidaamka saxda ah marka ay dhacaan falal laga baaqsan karey.

XIGASHO ADDIS STANDARD

guddoomiye sheekh Aadan oo shir gudoomiyey kulanka guud ee golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta waxaa uu shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka ee Shrciga Lr.36, 30 April 1975 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Federaalka, waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka doodeen la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in la xoojiyo Ciidanka Badda Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa waxaa uu faahfahiyay muhiimada qaranka ay u leedahay ilaalinta xeebaha dalka iyo la dagaalanka burcad badeeda, isagoona ka jawaabay dhamman su’aalihii la weeydiiyay.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyadda Ayniga Dhir Beereedka, iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay ilaalinta waqtiga iyo in ay kooramka soo buuxiyaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo idmaday.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Gudaha Aqalka Sare ee BJFS, Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Intaas kaddib, Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo doodiisa la guda galay ayay Sanatarradu ka dhiibteen aragtidooda iyo doodaha ay ka qabeen qaar ka mid ah qodobada sharciga oo ay ka hor jeediyeen Golaha.

Madaxweyne Xasan Sheikh”Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”,

0
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin in ay difaacdaan oo uusan dhaafin dhulkooda, loona ogolaan in uu cadow gudeed iyo mid dibadeed ku soo xadgudbo.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa faray qof kasta oo Soomaali ah inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu doonayo in lagu diido damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.
” Soomaaliyeey dhulka haddii uu na dhaafo noo soo noqon maayo, maanta ayuu gacanteenna ku jiraa yaanu na dhaafin, war qof kasta oo Soomaali ahaw da’ kasta ahaw, maqaan kasta la haw, meel kasta caalamka iyo Soomaaliya gudaheeda uga noolow, waxaana maanta isku direynaa is fareynaa waxay tahay carada, dhulkeenna aan ilaashano,” ayuu yiri madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa ku sheegay in in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys: Inta ay nool yihiin taliyeyaal Suulnuug oo kale ah waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay dhulkeeda difaacan doonto”

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa-uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalayay kulan loogu duceynayay shahiid Taliye Suulnuug ayaa sheegay in uu ahaa halyeey wax badan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa, in lagu daydo mudan.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi ay ka go’neyd in dalka laga ciribtiro khawaarijta, isagoona intaa ku daray in inta sarakiil taliye Suulnuug oo kale ah ay nool yihin ay Soomaaliya difaacan doonto dhulkeeda.

“Inta ay nool yihiin Taliyeyaal Suulnuuge oo kale ah waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay dhulkeeda difaacan doonto, isagana Allaha u naxariisto” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa Marxuumka alle uga baryaay in Jannatul Fardowsa ugu bishaareyo, ummadda Soomaaliyeed aysan marnaba iloobi doonin kaalintii uu kulaha dib u xoreynta dalka.

Munaasabaddan loogu duceeynayay Alle ha u naxariistee Suulnuuge ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirro, xildhibaanno katirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo goobta ka sheegay kaalintii uu shahiid Taliya Suulnuuge kasoo qaatay howlagallada dalka looga xoreynayo khawaarijta,waxa ayna alle uga baryeen in uu naxariistiisa ugu deeqo.

Labo Badmaax oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka oo lagu waayey Xeebaha Soomaaliya

0

Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lagu la’yahay biyaha badda ee u dhow xeebaha Soomaaliya, sida maalinimadii shalay lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Illaa hadda lama hayo faahfaahin ku saabsan markabka ay badmaaxiintaasi la socdeen iyo magacyadooda,waxayna kamid ahaayeen kooxda 5-aad ee ciidamada badda ee ku sugan badda Cas.

Hawlgallo isugu jira baadigoob iyo  samatabbixinta ayaa haatan ka socda badda Cas, sida ay ka dhawaajiyeen taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka.

Maraykanka ayaa labadii bilood ee u dambeeyay maraakiib badan geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed, kadib weerarro isdaba joog ah oo xoogaga Xuutiyiinta Yemen ay ku fuliyeen  marakiibta ku safra badda ee ku socda Isra’el tan iyo bilowgii 17-kii Oct.

Mareykanka oo taageeray midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

0

Waaxda arrimaha afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo lagu daabacay barta X ee ay isticmaasho waxaa lagu yirii.

“Mareykanka waxa u taageerayaa midnimada iyo madax-bannaamideed dhuleed ee dowladda Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka bisha Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya,Itoobiya oo salka ku haya damaca Badda iyo sidoo kale xaaladda ka taagan dalka Suudaan,isagoo ku baaqay in la dardar galiyo wada hadalada,si xasiilooni loogu waarta loogu soo dabaalo gobolka.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha ka soo cusboonaday gobolka iyo xaaladda adag ee ka taagan dalka Suudaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda ka aloosan dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Hal tilaabo hadii ay soo qaado Itoobiya Saddax iyo afar tilaabo ayaan qaadaynaa”.

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa markale uga digay dowladda Itoobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho diyaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.

Mudana Xasan Sheekha ayaa cadeeyay in dowladda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheegayo ay shacab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.” Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo midnimadooda ayna muujiyaan isku duubni,cadawgana hal meel ay uga soo wada jeestaan

“Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka Itoobiya ka soo muuqday uu yahay balaayo,geeso la qabtana ay leedahay oo Soomaali meel walba ay joogta loo baahanyahay in ay iska qabato

“Soomaaliyeey dhaqanka Itoobiya maanta ka soo muuqda waa balaayo geeso la qabto ayeyna leedahay ee geesaha aan ka qabano.”sidaa ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ururka Suxufiyiinta Caalamka IFJ ayaa si aad ah u cambaareeyay falalka lagu bartilmaameedsaday Suxufiyiinta ka howlgala Somaliland

0

Ururka Suxufiyiinta Caalamka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano IFJ ayaa si aad ah u cambaareeyay falalka gurracan ee lagu bartilmaameedsaday Suxufiyiinta ka howlgala deegaannada Somaliland, kuwaas oo wali u xiran maamulka Somaliland.

Ururka IFJ ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo ah Guddoomiyaha MM Somali Tv oo fadhigiisu yahay Hargaysa iyo wariyeyaasha kale ee xiran.