Home Blog Page 349

Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)

Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii sanadkii 2022-kii waxay aheyd  xiligii  Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab ay dhaqaalihii ugu badan ay ka sameeyeen,

Magaalada Muqdisho iyo Deegaannadii ay maamuli jireen, iyagoo si kasta u boobay, sidoo kalena waxaa jira in ay ku milmeen hey’ado muhiim u ah Dowladda, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay joojinta dhaqaalaha baada ahaa ee ay helayeen

Maleeshiyaadka Al-Shabaab, lana yareeyay weeraradii ay ka gaysan jireen caasimadda Muqdisho, sidoo kalena hey’adaha dowladda ayaa laga dhex saaray shaqsiyaad gacan saar la lahaa cadowga, hadana wali shaqo badan ayaa u taala dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hey’adaha dowladda iyo falalka amni daro ee Caasimadda, waxayana Dowladdu u sameysay Sharciyo lagula dagaalamayo Argagixisada, kuwaasi oo wax weyn ka taray dabargoyntooda.

Laakiin tan iyo markii Hey’add Sirdoonka Qaranka (NISA) ay shaqadaasi toos ah u  bilowday waxaa jira saraakiil la soo shaqeeyay madaxdii dowladii hore oo Al-Shabaab u baxsaday, iyagoo ka baqdin ka qaba inay gacanta Dowladda ku dhacaan, lagana jaaseeyo wixii ay ummadda ka galeen ama ku dhibaateeyeen, qaarkood waxay ka mid ahaayeen Dadkii u fududeyn jiray in la soo galiyo Magaalada Muqdisho Qaraxyada ay ku waxyeeloobeen Shacab badan oo aan waxba galabsan.

Kala firxadkooda ayaa waxaa ka dhalatay in Magaalada Muqdisho ay hesho nabad ay ku naaloon karaan Shucuubta ku dhaqan Magaalada, Raiisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa yiri, “In galabta aan ku kulanno fagaraahan Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda”.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu uga qeybgalay Degmada Heliwaa kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hey’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqeynta hey’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabadgalyo ah lagu tagi karo, taasina ay qeyb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hey’ada amniga.

“Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah inay is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.“Waxaa intaa sii dheer oo ay heleen shantaasi sano in ay Khawaarjtu gasho kalsooni ah in dalkaba qabsan karaan.

Shacabkayagoow ogaada haddaan Khawaarijta dagaalkeeda la’aadi laheyn sanad ka hor xaaladu sidey maanta tahay ma ahaateen.

Intaas u dhaafi maayo kuwa raba inay ku faanaan ficilada Khawaarijta anagoo og inay ka xun yihiin waxa ku dhacaayo Khawaarijta. Halgankaan wuu soconayaa idanka Ilaahey Guushana Shacabkaa leh”, ayuu sii raaciyay Wasiirku hadalkiisa.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xooggan oo Dowladdu ka waddo Degmada Guricel ee Gobolka Galguduud, iyadoo lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaasoo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka Wejiga 1-aad ee looga sifeynayo Kooxda Argagixisada la qorsheeyay looga saarayo degaannada ay ka joogaan Maamul-goboleedka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo uu maalmaha foodda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan, waxaana Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada faro ku tiriska ah ay ka joogaan Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanno ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwaasi oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay u diyaar garobaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug, wararka ayaa sheegay in sidoo kale la abaabulaayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka Dhuusa mareeb ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga 1-aad ee dagaalka, halkaasoo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro dhawaan farsiinna ka dhigto magaalada Dhuusa mareeb, kana hagi doona Howlgalada, halka Magaalada Aadan Yabaal ay noqon doonto fariisinka 1-aad, waxaana la qorsheeyay inuu Madaxweynaha uu muddo 2-bilood ku negaan doono degmooyinkaasi, si loo soo dhameystiro Duulaankaasi, si loogu soo jeesto Wejiga 2-aad oo isagana ka bilaaban doono Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku si ula dagaalanto qolooyinka Qaaqlayaasha ah iyo Khawaarijta Al-shabaab, waayo waa isku Af, mar-marna waxaa la dhihi karaa waxayba u yihiin afhayeenno, oo waxay ka hadlaan waxay ay bi’iyeen ayay ku faanaan Jabka Khawaarijtana aad bay uga qeyliyaan, ama uga naxaan, marka waxaan oran karnaa Qaaqlayaasha iyo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shaab waxay noqdeen kuwo isku Af

ah.

Madaxda Galbeedka Afrika oo ku hanjabay faragelin mileteri oo ka dhan ah Niger

0

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa ku hanjabay in ay tallaabo militari ka qaadi doonaan hoggaanka Niger kadib markii ay talada dalkaasi kula wareegeen afgambi todobaadkii hore.

Hogaamiyayaashan ayaa ku baaqay in muddo 7-cisho ah dib loogu soo celiyo Madaxweyne Maxamed Bazoum oo hadda gacanta lagu hayo,waxayna intaa raaciyeen in Ecowas aysan wax dulqaad ah u lahayn afgambiga.

Hadaladaan ayaa yimid kadib markii madaxda Ecowas ee midowga wadamada Galbeedka Afrika, ay wadahadalo xasaasi ah ku yeeshay caasimadda Nigeria ee Abuja Axadii si ay uga wada hadlaan afgambigii ugu dambeeyay ee daba socda afgambiyadii ka dhacay Mali iyo Burkina Faso oo dariska la ah Niger.

“Ururka gobolku wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta nidaamka dastuuriga ah ,haddii dalabaadkooda lagu fulin waayo toddobaad gudihiis ”ayaa lagu daray bayaanka ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen .

Ciidamada milatariga ayaa horay u soo saaray  digniin ay ku sheegeen ineey iska caabin doonaan qorshe kasta oo gardaro ah oo ay wadaan quwadaha gobolka ama reer galbeedka.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Madaxda Bangiga adduunka

0

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Bangiga adduunka oo uu hoggaaminayay ku xigeenka madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya ahna maamulaha mashaariicda Mattias Mayr.
Kulanka ayaa lagaga hadlay dardar galinta mashaariicda kala duwan ee uu maalgaliyo Bangiga adduunka iyo bilowga Kuwa qorshayntoodu ay hada socoto ay kamid yihiin dhismaha wadooyinka, kaabayaasha shaqaalaha iyo hormarinta adeegyada kale ee bulshada.

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhimatey  dalka Pakistan kadib qarax ka dhacay isu soo bax siyaasadeed oo Islaami ah

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Pakistan oo uu ka socday isu soo bax uu soo qabanqaabiyay xisbi Islaami ah.

In ka badan 100 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay waqooyi-galbeed ee degmada Bajaur, halkaas oo ay shir ku lahaayeen Jamiat Culema-e-Islam-Fazl (JUI-F).

Booliska ayaa BBC-da u sheegay in ay heleen cadeymo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah.

Howlgallo samatabixin ah ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana dhammaan dadkii ku dhaawacmay la dhigay isbitaal, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saraakiisha ayaa sheegey in dhimashadu ay intaas ka sii badato, maadaama 15 qof ay ku sugan yihiin xaalad halis ah,Wali ma cadda sababta ka dambeysa weerarka.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda baaritaan la xiriira qaraxa.

Hoggaamiyaha gobolka ee JUI-F, Maulana Ziaullah, ayaa ku dhintay qaraxa, sida ay saraakiisha maxalliga ah u sheegeen BBC.

JUI-F waa xisbi diini ah oo weyn, wuxuuna qayb ka yahay isbahaysiga dawladda ee baarlamaanka Pakistan.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku eedeeyay kuwa mas’uulka ka ah inay yihiin argagaxiso “bartilmaameedsaday kuwa u hadla Islaamka, Qur’aanka iyo Pakistan” wuxuuna sheegay inay wajihi doonaan “ciqaab dhab ah”.

“Argagixisadu waxay cadaw ku yihiin Pakistan, waanu ka ciribtiri doonnaa wejiga jiritaanka,” ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku yiri hadal uu soo saaray.

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddiga Qaran ee la dagaalanka lacagta sharciga darrada iyo maalgalinta argagixisadda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Alshabaab.

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;  furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

Ciidanka xoogga oo howlgalka dhameystirka wajiga koowaad kawada degaanno katirsan Galmudug

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug halkaas oo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan.

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan,kuwaas oo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug

Dhawaan ayay ahayd markii deegaano ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga,kuwaas oo booqaday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug,iyagoo u sheegay in ay u diyaar garowaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray qaar kamid ah Xerooyinka lagu tababaro ciidanka xoogga

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  kormeer shaqo  ku tagay  Xerooyinka  General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ka   Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku kula dar Daarmay inay gacan adag kula dagaallamaan khawaarijta.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha ciidanka u sheegay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka.

Wasiirka difaaca XFS oo faahfaahiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka bariga Afrika

0

Wasiirka Gaashandhigga XFS, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkan.

 

Mudane, Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

 

Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa horay u ansixiyay heshiiska ku biirista ciidanka difaa bariga Afrika 26/1/2013, wuxuuna aqalka hoose ee baarlamaanka ka codsaday in ay meel marinaan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

 

Ciidanka heeganka bariga Afrika EASF waxaa ku mideysan toban dal oo kala ah Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda.

Muqdisho-Somalia

Masuuliyiin ka socday hay’adda duulista reyidka oo gaaray magaalada Afbarwaaqo

0

Masuuliyiin ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliya ayaa gaaray magaaladda Afbarwaaqo ee gobalka Mudug halkaas oo ay ka socoto dhismaha Garoon Diyaaradeed Oo ay Bulshada baahi weyn u qabtay.

Waa markii u horeeysay oo ay injineero ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliyeed kormeer ku tageen garoonkaa waxaana socdaalka injineerada qeyb ka ahaa la taliyaha dhanka arimaha bulshada madaxweynaha Galmudug Axmed Shire Falagle iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Masuuliyiintii ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalka ay kusoo gaareen Afbarwaaqo iyo Hanaanka uu u socda dhismaha garoonka in uu yahay mid waafaqsan sharciga dhismaha garoomada.

Muqdisho-Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu bur-buriyay Saldhig ay ku sugnaayeen Khawaarijta

0

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa maanta lagu dilay tiro badan oo khawaarij ah oo ku sugnaa sohdinta u dhaxeysa gobalada Shabeellha Dhexe iyo Gaalgaduud .

Ku dhowaad 10 gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, iyo afar Cabdibille oo ay saarnaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa la bur-buriyay,kadib howlgal qorsheysan oo u dhacay si kutalagal ah.

Sidoo kale saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa la burburiyay waxaana halkaasi khawaarijta ku gaaray jab kale.

Waxaa socda tirakoob iyo uruurin ku saabsan khasaaraha gaaray kooxaha khawaarinta ee manta la beegsaday

Goor dhow la soco faahfaahinta jabka Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan.

Muqdisho-Somalia