Home Blog Page 350

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo Deeq kutubo Diini ah kala wareegay Safiirka Dowladda Qatar Soomaaliya u fadhiya

0

 

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Xil.Saalax Shariif Sayid, Agaasimaha Guud iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda ayaa maanta kala Wareegay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Dalkeena Soomaaliya H.E. Amb. Dr. Abdalla bin Salim Alnouimi Deeq kutubo Diini ah

Deeqdan kutubada oo isugu jirtay kutubo Qur’aanka Kariimka ah iyo Kutubo kale oo laxiriira Culuumta Islaamka ayaa ku timid kadib dalab uu Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS uu u diray dhigiisa Dalka Qatar Mudane Ghanem Bin Shaheen Bin Chanem Al- Ghanem.

Wasiirka ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey deeqdan kutubada ah, isagoo sheegay in ay bilow wanaagsan u tahay maktabad cilmi ah oo ay dhawaan Wasaaraddu yagleeli doonto.

Deeqdan kutubada oo isugu jirtay kutubo Qur’aanka Kariimka ah iyo Kutubo kale oo laxiriira Culuumta Islaamka ayaa ku timid kadib dalab uu Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS uu u diray dhigiisa Dalka Qatar Mudane Ghanem Bin Shaheen Bin Chanem Al- Ghanem.

Wasiirka ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey deeqdan kutubada ah, isagoo sheegay in ay bilow wanaagsan u tahay maktabad cilmi ah oo ay dhawaan Wasaaraddu yagleeli doonto.

 

Wasiirka amniga Jubbaland oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kormeeray xerooyinka ciidamada ee degmada Afmadow.

0
Wasiirka amniga Jubbaland oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kormeeray xerooyinka ciidamada ee degmada Afmadow.
Wasiirka ayaa kula dardaarmay Ciidamada inay u diyaar garoobaan dagaalka xoreynta Jubbaland ee Cadowgu joogo kaas oo dhawaan bilaaban doona.
 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle ayaa u soo xiray tababar ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.
Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo ciribtirka Khawaariijta, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiir Kuxigeenka Safaarada Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka Mudane Ammar Ahmed B. Ali.

Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab. Iyadoona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu kaga mahadceliyay dalka Suudaan doorkooda taageerida walaaltinimo ee had iyo jeer la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay kala faa’ideysiga dhanka Aqoon iyo Xirfad ee labada Caasimadood, Mataaneenta, Tababarida iyo Maalgeshiga Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla gartay in dhawaan Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirweyne Maalgeshi oo u dhaxeeya Suudaan iyo Soomaaliya, kaasi oo diirada lagu saarayo maalgeshiga Warshadaha iyo Adeegyada Aas-aasiga ah ee Bulshada.

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac oo uu wehliyo madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa ka hadlay guulaha dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac oo uu wehliyo madaxa Hawlgalka ATMIS Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa ka hadlay guulaha dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.

[DAAWO] Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay xoreynta aagga degmada Xarardheere

0
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi  ayaa ka hadlay xoreynta aagga degmada Xarardheere ayaa sheegay inay abaal u hayaan cid kasta oo ku garab siisay dagaalka Khawaarijta.

Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirka Turkiga oo sii koradhay

Madaxwaynaha Turkiga Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in 10 gobol oo ah kuwa uu dhul-gariirka ku dhuftay lagu soo rogay xaalad degdeg ah muddo 3 bilood ah.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya

0

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamze Adan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Xoghayaha Joogtada ah iyo safiirka ayaa ka wada hadlay  xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada Diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Mudane Xamze Adan Xaadoow iyo danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi  ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar, iyadoo safiirku uu xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan labada masuul waxaa ku wehelinayay Agaasimaha  Habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda Mudane Mustaf Aadan Dagaal, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Marwo Sasirit Tangulrat  oo ah Danjiraha cusub ee dowladda Thailand u fadhin doonta dalkeenna Soomaaliya.

Gudoomiye madaale oo dhagax dhigay wadada isku xirta kaxda iyo Ex-control.

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Waddada isku xirta isgooska Kaxda iyo Ex-Control Afgooye, waxaana goob ka ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka.

Guddoomiye Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.

Waddadan oo aad u burbursan islamarkaana isticmaal keeda dhibaatooyin kala duwan lagu qabay ayaa waxaa ka mahadceliyay dhagax dhigga mashruucan qaar kamid ah bulshada ku nool degmooyinka Kaxda, Dharkeenley, Wadajir, Deyniile iyo Hodan ee gobalka Banaadir.