Home Blog Page 350

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ku dhawaaqday in la hakiyay muddo seddex cisho ah tartankii kubadda Cagta

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkadda dahabshiil group oo ka qayb qaatey qaadhaanka masaajid loo dhisaayo bulshadda soomaaliyeed ee degan kaakuma oo ku taal dalka kenya

0

Wafti ka yimi Kenya oo Hargeisa u yimi uruurinta qaadhaanka Masaajidka ayaa maanta salaadii jimce masaajid ku yaal magaalada Hargaysa ka codsaday in wixii ka dhiman loo dhamaystiro.

Gudoomiyaha shirkadda Dahabshiil Group Xaaji Mohamed Said Duale, oo ka mid ahaa dadkii ku tukanayay masaajid ka oo aan ogayn ayaa halkaa kaga dhawaaqay in dhamaan lacagta loo uruurinay ee gudidu codsatay in ay ku deeqayso shirkadda Dahabshiil.

Culimidii safarka lacag uruurinta Masaajidka la dhisayo ujoogay dhawrka bilood iyo dhamaan bulshadii kale ee ku tukanaysay masaajidka ayaa u duceeyay, ugana mahadnaqy gudoomiyaha shirkadaha Dahabshiil Group dhamaystirka wixii ka dhinaa kharashka masaajidka, Allena uga baryay inuu barakeeyo.

Hoggaanka Baarista Dambiyada ee CID iyo maamulka safaadda Soomaalida ee Kenya oo yeshay kulan muhiim ah

0

Taliyaha Hoggaanka  Baarista Dambiyada ee CID-da Gaashaanle Dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa la kulmay maamulka safaaraddaasi Danjire Mud, Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda.

Labada dhibac waxa ay ka wadahadleen arrimmo xasaasi ah oo ku saabsan in ay wadashaqeyn ka yeeshaan dhinaca amniga,gaar ahaan la socodka dokumiintiyada aasaasiga ah ee ay qaataandadka socotada ah.

Safiirka iyo Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyada ee CID-da waxay isla garteen in Xarunta Safaaradda ee Magaalada Nairobi laga Furo xafiiska laga qaato warqadaha Dambi la’aanta ee ay bixiyaan Hoggaanka Baarista Dembiyada si loola dagaalamo Dadka Dukumiintiga Been-abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka kenya.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

“Soomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxwenihii hore ayaa ku tlmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan,mana jirto ayuu yiri cid qaadaneysa damaca Itoobiya ee badda Sooamaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

 

IGAD oo 18-ka bishaan kulan ka yeelanaya damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa kubaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka Bishaan dalka Uganda ayaa daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD ay kulan ka yeeshaan damaca Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda IGAD iyo dhammaan xeerarka Caalamka ah ee la isla wada yaqaan.

Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada Boliiska Soomaaliyeed oo booqday Safaaradda JFS ee dalka Kenya.

Waxaa Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Kenya soo booqday Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada Ee CID-da, Gaashaanle Dhexe. Muxudiin Axmed Cusmaan
waxa uu kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mud, Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda oo ay ugu horeeyaan Khunsulka Safaaradda, Xoghayaha labaad ee Safaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Kenya.

Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyada Ee CID-da iyo Safiirka Safaaradda shir ay xafiiska Safiirka ku qaateen ka dib, waxa ay isla garteen in Xarunta Safaaradda ee Magaalada Nairobi laga Furo xafiiska laga qaato warqadaha Dambi la’aanta uu Hoggaanka Baarista Dembiyada bixiyo si loola dagaalamo Dadka Dukumiintiga Been-abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka kenya.

Waraaqda Dembi la’aanta isla markaana loola socdo Dadka Dembiiliyaasha iyo in adeegyada kala duwan ee Hoggaanka CID-da bixiyo loogu soo dhaweeyo Shacabka Soomaaliayeed ee ku dhaqan Dalka Kenya.

Ugu dambeyn Taliye Muxudiin Axmed Cusmaan waxa uu soo Kormeeray Xafiisyada ay Safaaradda ku shaqeyso gaar ahaan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha halkaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed adeeg u soo doonteen si uu arko howlaha baaxada leh ay qabato Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay danjiraha Hindiya

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa la kulmay H.E. Namgya Khampa, Danjiraha Hindiya u fadhiya Kenya.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo siyaabaha loo sii xoojin karo xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo India.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XAALADDA GOBOLKA KALA HADLAY ERGEYGA MIDOWGA YURUB EE GEESKA AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.
Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.
Egeyga Midwoga Yurub ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Kormeeray Wasaaradda Difaaca dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kulamo ku saabsan xoojinta amniga iyo xoreynta dalka kula qaatay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hogaanka Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey.
Madaxweynaha ayaa Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada oo guullo waxtar leh ka soo hooyay howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada naf lacaariga ah ee Al Shabaab.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh ayaa la kulmay u Qaabilsanaha Arrimaha Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey Mudane Cali Jeyte, waxaa uuna kala hadlay sidii loo mideyn lahaa howlgalada Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Difaaca Dadweynaha, si loo dardargelin dagaalka dalka looga ciribtirayo Argagixisada Al shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya xaqiijinta ahmiyadda loo mideeyay Ciidamada Difaaca Dadweynaha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku bogaadiyey U qaabilsanaha ka miro-dhalinta ujeedkii dowladda Federaalka ee ahaa in la gaaro hadaf mid ah si looga adkaado AL shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey hoggaanka Talisk Ciidanka Xoogga Dalka iyo u qaabilsanaha Macaawisleeyda in ay xoojiyaan daddaallada naf hurnimada leh ee ay ku beegsanayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha guud ee Q,M

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la Wadaagay aragtida iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.