Home Blog Page 348

Ciidanka ATMIS oo u diyaar garoobaya wajiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya

Taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan socday afar maalmood oo looga hadlay  qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha Setembar ee soo socota.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay taliyeyaasha cutubyada shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya; Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi,iyadoo uu shir guddoominayay taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding.

Kulankaan oo halku-dhiggiisu ahaa Xoojinta Wada-shaqeynta ciidanka ATMIS CONOPS,ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya loo diyaariyay 3000 oo askari , halka bishii June ee la soo dhaafay dalka ay ka baxeen 2000 oo ciidan.

Ciidamada ATMIS iyo ciidanka xoogga dalka  ayaa hadda qorsheynaya wejiga labaad ee howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ,kadib markii kooxdaasi laga xoreeyey deegaanno badan oo dhaca Hiiraan,Gaalgaduud iyo Mudug.

Kulanka taliyeyaasha qeybaha ayaa afartii biloodba mar la qabtaa si looga hadlo howlgalada  muhiimka ah ee amniga iyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya .

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga.

Warka Maamulka ka soo baxay ayaa lagu yiri” Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid Codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale u fariisanaysa dacwad ka dhan ah eedeeysanayaal loo haysto musuq

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto xatooyo xoolo dad weyne.

Xubnaha ay maanta maxkamaddu dacwaddooda dhagaysanayso ayaa waxaa ka mid ah, Abuukar Maxamed Cali  maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga dhaxe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga dhaxe qeybta dakhliga ajaanibta

Taalibaan iyo Maraykanka ayaa yeeshay wadahadaladii ugu horeeyay tan iyo markii Afgaanistaan ​​ay qabsadeen

Hogaamiyayaasha Taliban ayaa kulan kula qaatay dalka Qatar  mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka markii ugu horeysay tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen talada dalka Afgaanistaan ​​labo sano ka hor.

Af-hayeen  u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan ​​ayaa Isniintii u  sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen  tallaabooyin  lagu  xoojinayo kalsoonida  labada maalmood  ee wadahadalka, oo ay ku jiraan qaadista cunaqabateynta iyo xayiraadaha socdaalka iyo sidoo kale soo celinta hantida bangiga dhexe ee Afgaanistaan ​​ee lagu haysto dibadda.

Wafdiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay la dagaalanka maandooriyaha  iyo arrimaha xuquuqul insaanka, ayuu yiri Abdul Qahar Balkhi.

Ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday Taliban tan iyo markii ay xukunka ku soo laabteen.

Kooxda ayaa la wareegtay bishii Agoosto 2021 iyadoo dowladda Afgaanistaan ​​ay taageerto reer galbeedka ay burburtay wixii ka dambeeyay ka bixitaankii Mareykanka ee fowdada ahaa ee dalka ka dib 20 sano oo colaad ah.

Tan iyo markii ay la wareegeen Taliban, waxa ay la kulmeysay cambaareyn caalami ah, oo ay ku jiraan dhowr wadan oo Muslimiin u badan, kuwaas oo la xiriira xannibaado ay kooxdu ku soo rogtay waxbarashada haweenka. Afgaanistaan ​​ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa masiibo bini’aadantinimo,

iyadoo ku dhawaad ​​kala bar dadkeeda – 23 milyan oo qof – ay gargaar ka heleen Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) sannadkii hore.

 

 

Wasiirka cadaaladda XFS oo saxiixay siyaasadda hubinta da’da carruurta

0

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da’da carruurta oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.
Siyaasadan oo waafaqsan heshiiska xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay (HXCQM) ee ay saxiixday Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda XFS oo saxiixay Siyaasadda da’da carruurta ee Qaranka

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Hubinta Da’da carruurta ee Qaranka oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.

Siyaasadan oo waafaqsan Heshiiska Xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay (HXCQM) ee ay saxiixday DFS, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah.

.

 

Guddiga Madaxa-bannaan ee hirgalinta Dastuurka oo bilaabay kaa doodista heshiisyaddii MWQ

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Adaan Cumar oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mudane Maxamed Xasan Idiris ( Ganey) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka maalin laha ah ee guddiga oo diirada lagu saarayay sidii luuqad Dastuuriya loogu badeli lahaa Heshiisyadii Madasha Wadatashiga Qaran ay gareen oo guddigu la wareegay 26-kii bishaan Luulyo iyagoo kala wareegay Guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka KMG ah ayaa maalmahaan waday kashaqaynta iyo wax ka badelka cutubyadda 1-aad Ilaa 4-aad ee Dastuurka KMG ee JFS, isla-markaana cutubyada hore ee Dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.

 

 

Wasiir Al-Cadaala “Howlgalladii ugu dambeeyay Todobaadkaan waxay ahaayeen kuwa lagu bur-burinayay saanadda iyo hubka Khawaarijta.”

0

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Cadaala” oo ka qeybgalayay Barnaamij dood ah oo ka baxaya Twitter Space-ka ee warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka khawaarijta iyo guulaha laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay guula waaweyn ka soo hoyeen howlgallada socda,khawaarijtan looga dila tira aad u fara badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta.

Sidoo kale wasiir Al-Cadaala ayaa tilmaamay in howlgaladii todobaadyadii ugu dambeysay ciidamada ay fuliyeen uu ahàa kuwa lagu bur-burinayay saanad ciidan iyo goobaha ay khawaarijtu ay ku dhuumaaleysanayeen,guulna laga gaaray oo la bur-buriyay Gaadiid iyo Maleeshiyaad fara badan oo katirsanaa khawaarijta.

“Howlgalladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta.”ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala

Waxa uu sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay howlgalka wajiga koowaad,islamarakan ttodobaadyada soo socdo ay dhici doonaan howlgallo xoogga oo ka dhan ah kawaarijta,isagoo sheegay in la bur-buriyay isbaarooyin khawaarijta lacaga baad ah oo shacabka ay ku dhibateen jireen oo yiilay waddada xiriirisa muqdisho iyo Baydhabo,halkaa oo khawaarijtu ay ku dhibateen jirta dadka shacabka ee safarka ah.

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2023

0

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee 2023, iyadoo ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen  169 Xildhibaan,waxaa diiday 1-xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan oo kale. Sidaas ayaa lagu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dalka ee 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka

Wasiirka ayaa sidoo kale balanqaaday in miisaaniyadda 2024 la hor keeni doono Golaha xiliga sharcigu dhigayo,Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu dadaal weyn ku bixinayo sidii loo gaari lahaa isku filnaansho dhaqaale.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi

Sidoo kale waxa uu wasiiir Biixi xusay in uu gabo gabo marayo hanaanka dayn cafinta dalka oo soo socday dhowrkii sano ee la soo dhaafay,sidoo kale wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya xubin ka noqon doonto ururo caalami ah kuwaas oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo heer Gobol ah,taas oo kaalin weyn ka geysan doonta kor u kaca dhaqaalaha dalka.

xukanka kiis ka soo bilowdey tiktok

0

Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” iyo Maxamed Faarax Maxamed ayaa is gacan qaaday habeen ka hor geerida Marxuum Saciid Cabdi Cali.

Sharma’arke ayaa 29 -kii June soo watay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo kawada tirsan ilaalada shacabka NISA, waxa uu sharmaake “CR” u soo watay in ay kaalmeeyaan maadaama habeen ka hor isaga iyo Maxamed Faraxa ay isku qabteen gabar TikToker ah oo sharmaake  CR la socotay.

Qorshuhu waxa uu ahaa in Sharma’arke iyo Maxamed ay iska miirsadaan oo aan cidna soo dhex gelin laakiin Marxuum Saciid Cabdi Cali oo aan war u hayn heshiiska nimanka ayaa kala celi is lahaa, waxaana xabad afsaar ah madaxa mariyay Maxamed Abuukar Dayax, isla meeshaas oo Bosh ahayd ayuuna ku naf baxay Marxuumka.

Maxamed Cali Cusmaan oo isna NISA ka tirsan ee ay wada socdeen wax waajib ka gudasha ah ma sameyn, waxaana sabab u ahayd in ay iyaga dhan wada duulaan ahaayeen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaaday fadhigii u dambeeyay ee kiiskan 22-kii July, waxa ayna ku kala xukuntay

1- Maxamed Abuukar Dayax Dil toogasha ah,

2- Maxamed Cali Cusmaan Shan-sano oo xabsi ciidan ah

halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sanad, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida..