Home Blog Page 348

 Dadaalka diblomaasiyadeed ayaa kor u kacay si loo xaqiijiyo xabbad-joojin.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa Masar u yimid wax u muuqda in ay wada xaajood ku saabsan xabbad joojin ku sameeyaan ama ku dhimaan, iyadoo xarakadu ay sheegtay in ay “go’aansatey in la gaaro heshiis”.

Israa’iil ayaa la sheegay inay siisay Xamaas hal toddobaad inay ku heshiiyaan xabbad-joojin iyo heshiis isdhaafsi maxaabiis ah, iyadoo ku hanjabtay inay duullaan dhulka ah ku qaadi doonto Rafah haddii kale.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Israel iyo Xamaas inay gaaraan heshiis xabad joojin ah.

Wafdi ka socda Qatar ayaa ku wajahan Qaahira iyadoo la kordhinayo dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu joojinayo in Israa’iil ay sii waddo duullaanka ay ku heyso Rafah – oo ah magangalkii ugu dambeeyay ee 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah.

Madaxa hay’adda cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in waqooyiga Gaza ay hadda ka jirto ‘macaluul ba’an’.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa gaajo u dhimanaya iyadoo Israa’iil ay xaddidday qulqulka gargaarka bini’aadannimo ee Gaza.

Ugu yaraan 34,622 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,867 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

 

 

Baqdin ka taagan magaalada Suudaan ee go’doonsan

waxaan Khatarta duullaanka ayaa mugdi gelinaysa halganka nolol maalmeedka ah ee El Fasher, magaalada ugu weyn ee gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan iyo xaruntii ugu dambeysay ee magaalo ee wali ku hoos jirta gacanta ciidamada.

“Dhammaanteen ku noolnahay cabsi buuxda iyo walwal joogto ah oo ku saabsan waxa na sugaya maalmaha soo socda,” ayuu yiri Cismaan Mohammed, oo ah 31 jir bare Ingiriis ah.

Dagaalka sokeeye ee arxan darada ah ee Suudaan ayaa billowday sanad ka hor, ka dib markii labadii nin ee hoggaaminayay militariga dalkaas oo si wada jir ah afgambi u qabsaday

– mid ka mid ah madaxii ciidamada qalabka sida, kan kale oo ahaa madaxa RSF – ay isku dhaceen mustaqbalka dalka.

Ilaa hadda El Fasher waa laga badbaadiyay rabshadihii iyo dilalkii ugu xumaa ee ka dhacay Daarfuur, oo ah xarunta ay ku xooggan tahay RSF.

Hase yeeshee tan iyo bartamihii bishii hore, ciidamada millatari waxay go’doomiyeen Ceel Fasher, oo ah xarun bini’aadantinimo oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah, oo ay ku jiraan kuwa ka soo cararay degaannada kale ee ay kooxda la wareegtay.

Ilaa hadda, duqeymo iyo iska horimaadyo ayaa lagu dilay 43 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Markay dadku sugayaan inay arkaan in RSF ay weerar baaxad leh ku qaadday magaalada, waxay diiradda saarayaan dagaalka badbaadada.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Turkiga ayaa kulan doceed la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa daba socday Shirka 5-aad ee Madasha Baarlamaanda Qudus oo shalay ka furmay Istanbul, kulanka ayaa diirada lagu saaray Iskaashiga labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxay xoojiyeen sidii loo bilaabi lahaa wada-shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxayna ku dheeraadeen xorriyadda Falastiin iyo sidii xal loogu gaari lahaa.

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

0

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Shirka oo ay ku kulmi doonaan madaxda Baarlamaannda waddamada Islaamka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu gaari lahaa arrinta walaalaha reer Falastiin, waxaana goobjoog ahaa madax kala duwan oo ka kala timid , Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Yurub, waxana dhamman madaxda ay aragtidooda ku cabireen qadiyadda Falastiiniyiinta oo ay taageero buuxda u muujiyeen.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhiira-gelinaysaa dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, Kuwa ka dhaga-adeyga in ay ka faaiidaystaan fursaddaan waxa ay wajihi doonaan Cadaaladda waxa ayna mari doonaan jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay ee ku baxay Gacmaha Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

0

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo labada Dal ay heshiisyo kala saxiixan doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wafdiga Madaxweynaha ka mid ah ayaa faahfaahin ka bixiyey Kulanka labada Madaxweyne.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in labada Madaxweyne kala saxeexan doonaa heshiisyo kala duwan,sidoo kale labada dal waxay iska kaashan doonaan dhanka horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga Tanzania ayaa ka qeyb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaasi kala qayb galay munaasabadba maalinta midnimada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajir dalka isaga oo dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga.

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeyb galay shirweynaha Connected Africa

0

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa ujeedadiisu ahayd in hoosta looga xariiqo kaalinta muhimka ah ee ICT ama Tiknalojiyaddu ku leedahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka mid ahaa madaxdii iyo aqoonyahanadii khudbadaha ka jeediyay kulankaas,Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Tiknaloojiyadda.

Waxa uuna soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinaayo Tiknaloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta qaranka.

Sidoo kale waxaauu diiradda saaray adeegyada ganacsiga sida e-commerce & e-education.

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo wali wada dadaaladii looga hortagi lahaa saameynta taban ee roobabka xiliga gu’ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda nugul ayaa maanta qabatay kulan ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka gu’ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hay’adda iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.

Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa.

Ugu danbeyn waxaa la isla gartay in lahelo xog  hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.

NCRI
NCRI

NCRI

Gudoomiyaha NCRI
GUDOOMIYAHA NCRI

Wasiirka Cusub ee Wasaradda Arimaha Gudaha oo Booqasho ku tagay Xafiisyada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka (NCRI)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada iyi agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Caydaruus Macalim ayaa kormeer shaqo  ku tagay     Xafiisyada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka (NCRI)

Wafdiga Wasiirka Waxaa xarunta hay’adda kusoo dhaweysay Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka iyo howlwadeenada kale ee hay’adda.

Morwo Safiya Xasan Maxamed Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa wasiirka la wadaagtay xogta shaqooyinka la qabtay iyo kuwa loo madlan yahay ee Barakacyaasha, Soo laabtayaasha iyo Qaxootiga sida sharciga ah ku jooga dalkeena.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Boggaadiyay shaqada qaran ee ay hayso Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka, wuxuu intaasi raaciyay inay si weyn Maamulka Hay’adda u garab istaagayaan si dadkeena barakaca u nugul nolal loogu abuuri lahaa kuwa barakacayna loogu dhamays tiri lahaa xaquuqdooda aas aasiga ah.

 

NCRI