Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Date:

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah kala wareegay sii hayaha xilka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad)

“Wasaaradda arrimaha dibadda oo ah hoggaanka diplomaasiyadda Soomaaliya waxaan ku raja weynahay in hawshii iyo daddaaladii socday aan sii laba jibaari doono, dalkeena iyo masaalixdiisana aan sida ugu wacan u matali doono Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuuud iyo raysulwasaraaha xukuumadda Md. Xamse Cabdi Barre oo kalsooni igu qabaan xilkaan iigu wakiishay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa, Diblomaasiyiinta wasaaradda iyo dadka Soomaaliyeed codsanayaa in ay ku garabsiiyaan gudashada hawshaas qaran, la iskuna bahaysto difaaca danaha dalkeena iyo wadajirkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...