Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Date:

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah kala wareegay sii hayaha xilka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad)

“Wasaaradda arrimaha dibadda oo ah hoggaanka diplomaasiyadda Soomaaliya waxaan ku raja weynahay in hawshii iyo daddaaladii socday aan sii laba jibaari doono, dalkeena iyo masaalixdiisana aan sida ugu wacan u matali doono Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuuud iyo raysulwasaraaha xukuumadda Md. Xamse Cabdi Barre oo kalsooni igu qabaan xilkaan iigu wakiishay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa, Diblomaasiyiinta wasaaradda iyo dadka Soomaaliyeed codsanayaa in ay ku garabsiiyaan gudashada hawshaas qaran, la iskuna bahaysto difaaca danaha dalkeena iyo wadajirkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...