Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

Date:

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.
Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa sida ay Kooxda G7 sida ay u qirireen horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. “Waxaa naga go’an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey’adaheena. Sida habsamida leh ee mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan. Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Dhinca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa maamulka ka arrimiya Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” ka soo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, sida lagu shegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. “Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu xusay bayaanka ka soo baxay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay u heellan tahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlan tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale”, ayaa lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
War-saxaafadeedka Soomaaliya ay soo saartay ayaa lagu yiri, “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.”

Hadalka dowladda Soomaaliaya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykanka iyo Ergeyga Midowga Yurub oo horayba walaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada, waxay kaloo bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii socoshada rabshadaha ka dhacaya Ethiopia gaar ahaan xadguduyada la xiriira xuquuqda aadanaha ee ka socda dalkaasi. “Waxaa ka walaacsan nahay xadgudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ku baahaya qeybo ka mid ah dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa jira dhibaato dhaqaale oo adag oo keentay in cuni yaro bahsan ka dilaacdo Ethiopia” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Sidoo kale, Wadamada G7 waxay sheegeen in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda rayidka ah, isla markaana la sameeyo wada xaajood siyaasadeed, si loo xaliyo dhibaatada ka jirta Ethiopia, iyadoo uu ugu dambeyn Dalalka G7 ayaa Waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka dhacaya Ethiopia, kuwaasi oo halis ugu jiro inay u dhintaan maacluusha ka jirta dalkaasi ay colaadaha ka socdaan.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarida dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale Wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan horumarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka Wadanka.

Dowladahaan iyo kuwa kale iyo Ururada Caalamiga ayaa horey ugu muujiyay Soomaaliya taageero badan oo ku aadan in Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan yihiin madax banaanidda dhulka iyo Badda Soomaaliyeed, ayna tahay mid muqadas ah in la dhowro, sida ku cad xeerarka Caalamka. Muranka ayaa yimid kadib markii ay Maamulka Addis Ababa ay Is-afgarad beeneed la galeen Muusi Biixi, 1dii bishii Janaayo ee sanadkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowr mar ku celcelisay hannaanka loo marayo wadahadal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ah in nmarka hore uu Abiy Axmed uu la laabto Is-afgarad beenaadka la sheegay, taasi oo loo micneyn karo, kadib ayay isugu imaan karaan wadahadal dhex mara labada Dowladood, taasi oo uu ka meermeerayo Maamulka Addis Ababa.
By. C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...