Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

Date:

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay ka hadlay munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga taas oo lagu xusayay 64-sanno guurada ka soo wareegtay dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo ayaa Hambalyo u diray Dhammaan Ciidanka Xoogga,xasaaskooda,Carruurtooda iyo Saraakiishooda kala duwan.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Hadh iyo habeen difaacyada iyo furimaha Dagaalka ugu jiraan Difaaca dalka iyo sidii nabad ugu ledi lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga u diyaar yihiin dhammaan difaacida Xuduudaha Dalka sida Dhulka,Cirka iyo Badda oo marna aanay suurogal ahayn in taako dhulkeena ka mid ah la qaato.

Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo dowladdaha kale ee Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...