Home Blog Page 320

Wasiirka Caafimaadka XFS oo New York kaga qayb galay kulan looga hadlayay nafaqo-darrada Carruurtada

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo ka qeybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ayaa ka qeyb-galay kulan doceed heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loola dagaallami lahaa nafaqo-xumada ba’an ee ka jirta dalal badan oo dhaca gobolka oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo jihaynta istiraatijiyad dhammaystiran muddada dhow ee xalka looga heli lahaa Nafaqo darada iyadoo barnaamijka lacag-gudbinta ee loogu magac daray ‘Baxnaano uu ka socdo Soomaaliya taas oo lagu taageerayo qoysaska nugul ee Caruurtoodu haleeshay Nafaqo darada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaakka Soomaaliya ayaa shir-duceedka ka jeediyey warbixin uu ku faahfaahinayey caqabadaha maalgelinta xaddidaya iyo wadashaqeynta lala yeeshay la-hawlgalayaasha Qaramada Midoobay ee gargaarka cuntada, oo ay ku jiraan cuntooyinka daweynta u diyaarsan (RUTF), taas oo lagu guuleystay in laga hirgeliyo 37 degmo oo looga hortagayo macluusha.

Waxaa sidoo kale uu soo hadal qaadey Wasiirka Mustaqbalka fog, taageerada ganacsiyada yaryar, beeraha, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee lama huraanka u ah bulshooyinka ay saamaysay Macluusha taas oo sabab u noqon karta maalgelinta joogtada ahi in ay dhaafto awoodda dawladda, waxayna Soomaaliya mudnaan siisaa maalgelinta cimilada taas oo ay ugu wacan tahay saameynta degdega ah ee isbedelka cimilada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay la dagaalanka Argagixisada

0

Wasiirka amniga ee XFS Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sacuudiga, Amiir Cabdul Casiis bin Sacuud bin Naa’if.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo laba jibbaari lahaa xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha amniga guda iyo la dagaalanka Argagixisada.

Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa kulanka ka dib booqasho ku tagay Jaamacadda Sayniska iyo amniga ee Naa’if iyo xarunta la dagaallanka fekerka xagjirnimada iyo goobo kale.

 

Shabaabka oo shartooda dhexmariya Dumarka (WARBIXIN)

0

Beryahaan waxaa soo badanayay Dumar badan oo ka soo dhex muuqday Maxkamadaha Dalka, kuwaasi oo loo heysto eedeeymo la xariira la shaqeynta Kooxda Khawarijta ah ee Al-shabaab, taasi oo ay Kooxdu ogaatay inay si sahal ah ugu kala gooshim karaan ama ugu fulin karaan Magaalooyinka, islamarkaana si fudud wax ku kala gudbin kara, sidaasi awgeed ayay u adeegsadaan dhinacyo badan, sida:- keydinta hubka iyo kala gudbintiisa, soo ururinta xogaha, dejinta Guryaha, shirqoolidda IWM, si guud haddaan u dhahno, Haweenka ayaa kooxda Al-Shabaab u adeegsataa keydinta iyo gudbinta hubka iyo walxaha qarxa, iyo gabbaadsiinta Shabakadaha shirqoollada damacsan iyo soo Basaasidda Ragga markaa la doonayo in la dilo.

Haddaan ka bilowno, 1. Safiya Ciise Arwaax waa 28 jir Al-Shabaab ku biirtay 2018-dii. October, 2019-kii ayay hey’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka (DF) soo qabatay. Safiya Ciise waxay sheegtay inay soo martay laba guur oo fashil ku dhammaaday, deedna ay qulub iyo duruuf nololeed ay dhexda ka gashay oo sidaa ugu biirtay ururka, waxayna u qaabilsaneyd kaydinta hubka, kala gudbintiisa iyo hoy-dajinta. Tusaale ahaan waxay keydin jirtay, siina gudbin jirtay; Bistooladaha, Bam gacmeedka, Qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada. Safiya waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

  1. Deeqa Maxamed Sabriye waa 43 jir la soo qabtay bishii December, 2020-kii. Hey’adaha ammaanka ee DF ayaa ku soo eedeeyay la shaqaynta kooxda Al-Shabaab, waxayna ururka kaga biirtay Shabeellaha Hoose, 2016-kii. Bishii waxay qaadan jirtay lacag dhan $150, iyadoo u qaabilsaneyd kaydinta iyo gudbinta agabka ciidanka ee loo adeegsado dilalka qorshaysan iyo weerarrada hoteellada, sida dharka ciidanka, hubkooda iyo guud ahaan wixii astaan u ah askari Soomaaliyeed, waxayna sheegtay xilliga ugu badan ee hubka loo keeni jiray, dagaalamayaasha ururka ay martigelin jirtay ay ahayd bisha ramadaan. Deeqa Maxamed oo hooyonimo, marna Oori ku jilaysay Guri ay Xamar ka deganeyd ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.
  2. Faadumo Maxamed Xuseen waa 28 jir ku dhalatay magaalada Camaara ee Gobolka Mudug. Billowga sannadkii 2022-kii ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Kaaraan, waxaa laga helay Gurigeeda bam gacmeed f1 ah iyo Bistoolado ay rasaasi ku jirto. iyadoo Al-Shabaab ku jirtay muddo labo sano ah, waxaana ku tashkiiliyay Ninkeeda oo ay kala tageen, waxayna u qaabilsaneyd kaydinta hubka iyo Basaasidda Askarta. Howlgalkii ugu dambeeyay oo ay ku Basaastay Askari Boolis ahaa oo la dilay ayaa lagu soo qabtay. Faadumo Maxamed waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.
  3. Basra Maxamed Cali waa 32 jir lagu soo qabtay suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa markii ay ahayd taariikhdu August, 2018-kii. Liibaan Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) oo Ninkeeda ahaa ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa, waxa uuna ku dhintay qarax uu meel u waday. Geerida ninkeeda kadib nin Khaalid lagu magacaabo ayaa Basra ku tashkiiliyay ku biirista Al-Shabaab, waxayna u qaabilsaneyd kaydinta Hubka iyo gudbintooda. Basra waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah.
  4. Basiira Cabdi Maxamed waxay aheyd 26 jir aragga la’ oo ka shaqeyneysay Xafiiska Xiriiriyaha Arrimaha Dadka Naafada ah ee Gobolka Banaadir, waxaa xilkan u magacaabay Eng Yariisow kolka ay Taariikhdu aheyd May, 2018-kii, waana seddex bilood iyo lix maalin kadib kolka Madaxweyne Farmaajo uu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow). Basiira waxay aheyd basaasad ka tirsan Al-Shabaab oo aan la aqoon xilliga ay kooxda ku biirtay. July, 2019-kii ayaa Basiiraloo maleynayaa inay isku qarxisay hoolka Gobolka Banaadir oo uu shir ka socday, waxaana ka mid ahaa dadkii ku dhintay Eng Yariisow.
  5. Xaawo Cismaan Cabdi oo dhawaan la soo taagay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida(MCQ) ayaaugu dambeysay Haweenka ka soo muuqday Maxkamadda, waxaana lagu soo eedeeyay la shaqeynta kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxayna u qaabilsaneyd maalgelinta ururka, faafinta fekerka iyo muuqaalada Alkataa’ib, keydinta hubka, gabbaadsiinta dagaallamayaasha iyo Basaasidda hawlwadeennada Dawladda siiba Ragga, iyadoo ku soo jiidaneyda quruxdeeda uu eebbe siiyay, ayay ku shirqooshay askari ka tirsan Ciidanka Asluubta, kaasi oo la dily, walow aan xukun lagu ridin wali oo ay socoto dhageysiga dacwadeeda.
  6. Waxaa kaloo jirta Haweeneey kale oo iyada xukunkeedu ka dhacay Dalka Dibaddiisa, waana Farxiya Xasan waa hooyo 38 jir ah oo heysatay lix carruur ah. Billowga sannadkii 2022-kii ayay qabteen hey’adaha ammaanka ee wadanka Netherland ama Holland. Waxaa lagu soo eedeeyay inay xiriir la leedahay ururka Al-shabaab. August ayaa loo soo gudbiyay maxkamadda degmada Alexandria ee carriga Maraykanka, waxaa la sheegay inay ka mid aheyd shan iyo toban haween ah oo xiriir la leh Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Muddo saddex sano ah ayay u dirtay lacag lagu qiyaasay $3000, waxaana lagu xukumay seddex sano oo xarig ah.Haweenkaasi ayaa Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab u adeegsataa keydinta iyo kala gudbinta hubka iyo walxaha qarxa, iyo gabbaadsiinta Shabakadaha shirqoollada damacsan iyo soo Basaasidda Ragga markaa la doonayo in la dilo, balse laamaha amnigu aad ayay u fahmeen hadba dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegaan, si ay u dhibaateeyay Amniga Dalka.

W/D: Aw Dacar.

Madaxweynaha Iiraan oo Mareykanka ku eedeeyay hurinta dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Iiraan Ibraahim Ra’iisi, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hurinayo dagaalka Ukraine, isagoo carabka ku adkeeyay in Dehraan ay taageerso in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Ra’iisi oo hadal ka jeedinayay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa yiri: “Maraykanku waxa uu sii hurinayaa dagaalka ka socda Ukraine si loo wiiqo awooda tamarta dalalka Yurub, taana waa Nasiib darro iyo qorshe guracan oo ay Whatshington damacsantahay, anaga waxaan taageersanahay hindise kasta oo lagu joojinayo colaadaha taagan.”

Xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ayaa aad u ksii xumanayay sanadahii danbe, iyadoo Mareykanka marba marka ka danbeeya uu cunaqabatayno hor leh ku soo rogay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Mareykanka ayaa dhowr jeer Xukuumadda Dehraan ku eedayay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka iibisay Moscow, si ay ugu adeegsato dagaalka ka socda Ukraine, Balse Madaxweyne Ra’iisi waxa uu qiray in uu dhexdhexaad ka yahay dagaalka Ukraine.

 

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Beeraha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika

0

Kulan aqoon-isweydaarsi ah oo loogu magacdaray iskaashiga Beeraha Shiinaha iyo Geeska Afrika, kaas oo ay ka qeyb galeen wafdi ka socda safiirrada Geeska Afrika oo uu hoggaaminayay Danjiraha Sooomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa lagu qabtay magaalada Yanglin ee gobolka Shaanxi ee dalka Shiinaha.

Aqoon-isweydaarsigan muhiimka ah ee ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa waxay ujeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca Beeraha iyo kobcinta wax-soo-saar guuleysta oo dhexmara labada gobol.

Danjire, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan dalalka Geeska Afrika ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, isagoo xoogga saaray sida ay Shiinaha uga go’an tahay xoojinta xiriirka dalalka Geeska Afrika, iyadoo loo marayo iskaashiga dhinaca beeraha.

Danjire Cawaale Kullane, oo hoggaaminayay wafdiga safiirrada Geeska Afrika ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinaca beeraha ee Geeska Afrika iyo Shiinaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo kordhinta is-weydaarsiga u dhexeeya ergada dalalka Geeska Afrika ee Shiinaha iyo wakiillo ka socda Xarunta Wadajirka ah ee Shiinaha iyo Afrika ee Isweydaarsiga Tignoolajiyada Casriga ah, Bandhigga iyo Tababarrada.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee khubarada iskaashiga beeraha ee dalalka Afrika.

Ugu dambeyn, madasha ayaa waxaa ka hadlay oo soo xiray aqoon-kororsigan, Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika,Mr.Xue Bing ayaa ku celiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay taageerto horumarinta Geeraha gobolka Geeska Afrika, wuxuuna dhiirri-geliyay wada-shaqeyn joogta ah oo dhexmarta dhammaan ka qaybgalayaasha.

 

Howlgallada ka socda Jubbaland oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

0

Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaannada Jubbaland jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta, deegaanno badanna laga xoreeyay.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada yar yar ee ay qaldeen Khawaarijta in ay ka faa’ideystaan fursadda iskuna soo dhiibaan Dowladdooda si ay u helaan nolol ka wanaagsan midda ay ku jiraan oo ah mid aan sax ahayn.

” Waxaan rabnaa Khawaarijta fursad bey haystaan maanta ay kaga faa’ideysan karaan dhallinyarada yar yar ee la qalday in ay deegaankooda iyo dalkoodii dib ugu soo laabtaan, waxaan leeyahay shacabka Jubbaland ha loo diyaargaroowbo nimankan waqtigooda wuu dhammaday waqti yar baa u haray,” ayuu yiri taliye Aar.

Sidoo kale, taliyaha ayaa tilmaamay in guulo wax ku ool ah ay ciidamada oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in ay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka Khawaarijta nabadda iyo horumarka u diidan ummaddeenna.

“Ciidamada Jubbaland waxay soo hoyiyeen guulo la taaban karo habeen iyo maalinna waxaa loo taagan yahay in cadowgaas dalka laga saaro,”.

Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiisha Jubbaland oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay deegaannada fara ku tiriska ah ee ay Khawaarijta kaga harsan yihiin Jubbooyinka, waxaana howlgalladaas laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Khawaarijta ayaa howlgalladaas ku waayay tiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal muddo 15-sanno ka badan shacabka ku dhibaateyn jiray deegaannadaas gaartay gacanta ciidamada qaranka iyo kuwa geesiyaasha Jubbaland.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka Xarardheere

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faarax Fiidow oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka degmada Xarardheere oo adeeg Caafimaad oo bilaash ah ay ka hirgelisay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka degmada Xarardheere, sida qaybaha Hooyada iyo dhallaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta maareynta Qaaxada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyagoo sidoo kale warbixinno ka dhagaystay maamulka Isbitaalka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka degmada Xarardheere iyo sidoo kale waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada ku dhaqan degmada Xarardheere, iyagoo uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dib u howlgelinta Isbitaalka.

 

Duqa Muqdisho: Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal dadweyne ah iyo Ciidamada Difaaca Shacabka kula hadlay Deegaanka Nuur-Dugle ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Duqa Muqdisho oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u jooga dar-dargelinta Howlgallada Sifeynta Khawaarijta, ayaa shacabka Nuur-Dugle iyo Ciidamada Difaaca ku amaanay sida ay u garab istaageen Ciidamada Qaranka iyo doorka ay ka qaateen in ay iska dulqaadaan Kooxaha Khawaarijta.

“Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco, sidoo kale waxaa la idin ka rabaa in Ciidamada Qaranka iyo Shacabka kale lagu garab siiyo sidii haraadiga Khawaarijta loogu sifeyn lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolka iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xusay in deegaanada laga sifeeyay Cadowga Khawaarijta sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gaarsiin doonno adeegyadda aasaasiga, si bulshada ay u helaan Caafimaad, Waxbarasho iyo adeegyada kale ee Muhiimka ah.

Hay’adda SoDMA oo Dowladda Qatar kala wareegtay Gargaar mucaawino ah

0

Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah.

Goobta deeqdaan lagula kala wareegayey waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Qatar u Fadhiya Soomaaliya, mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi,Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda.

Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah,waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray.

Xubno ka mid ah Booliska Asarbayjaan oo qarax Miino lagu dilay

Dowladda Azerbaijan ayaa maanta sheegtay in Afar kamid ah Ciidamada Boolis iyo laba qof oo rayid ah lagu dilay qarax miino oo ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Azerbaijan, ayaa mas’uuliyadda Qaraxan ku eedaysay gooni u goosadka Armenia, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Laamaha amaanka Asarbayjaan ayaa sheegay in afartan askari ay geeriyoodeen kadib markii Baabuurkii ay wateen uu qabsaday qaraxday miino, xilli ay ku sii socdeen magaalo u dhaw Nagorno-Karabakh.