Home Blog Page 320

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddomiyay kulan ay isugu yimaadeen labada heer ee DFS iyo deeq bixiyeyaasha caalamka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen labada heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Nairobi, 11 June 2024: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyeyaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-Goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan la qaatay Wasiirka xajka iyo cumrada Dowladda Sacuudiga

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga mudane Towfiiq Binu Fowsaan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya.
Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed oo hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol taas oo ka dhigan in sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed in ay tahay 12 Malyan.
“Waxaan u sheegay Wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka Badan tahay inaas balse aan Tira koob lagu sameyn waqti dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.
Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku amaanay dadaalka ay ku bixisay hagaajinta xajka isagoo ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonto sidii loo sii hor Mari lahaa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS ayaa furay sihirka warbixinta Daadankii El-Niño ee sanadkii hore

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shir lagu soo bandhigayo warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay Fatahaadihii iyo Daadadkii El-Niño ee Sanadkii hore.
Shirkaan waxaa soo agaasintay DFS, waxaana ka qeybgalaya Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Tamarta,Xanaanada Xoolaha, Qorsheynta, Wasiiru dowlayasha Waxbarashada, Beeraha, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Sidoo kale shirkaan waxaa qeyb ka ah Safiiro, wakiilo ka socda Qaramada Midoobey, Bankiga lacagta adduunka iyo Midowga Yurub.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA YEESHAY RA’IISUL WASAARAHA NORWAY

Oslo, 11 June 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre.
Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah

35,307 arday oo dhigata 656 iskuul ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

0

-Ku simaha Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen 35,307.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 (wiil) iyo 15,541 (Gabdhood) ,

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir gudoomiyey kulan u dhaxeeyey guddiyada joogtada ee golaha shacabka iyo golaha wakiilada dowlad goboleedka Jubaland

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ku dhex maray Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedka Jubaland, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cuna qabateyntii hubka ee dalka saarneyd, ku biiristii Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiilada Jubaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac Iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa balan qaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada.

 

Xubnaha guddiga Maalmaha Xorriyadda oo kawada hadlay qorshaha u diyaar garowga todobaadka Xorriyadda

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran iyada oo kulankan ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay geerida Farxiya Samaan

0

TACSI:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Farxiyo Maxamed Samaan oo ka mid aheyd shaqaalaha wasaaradda oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Marxuumad Farxiyo Samaan waxa ay muddo dheer ka mid aheyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, ayadoo horeyna usoo noqotay Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda.

Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Wasiir Roobow: Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma ahan

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo magaalada Makkah Almukaramah kula kulmay Ma’suuliyiinta shirkadaha adeegga Xajka iyo xubnaha guddigga Bicisada ee wasaaradda Awqaafta ayaa si weyn uga hadlay sidii loo gudan lahaa waajibaadka shaqo ee ka saaran u adeegista xujeyda Soomaaliyeed.

Wuxuu soo hadal qaaday adeeggi xajka ee sanadkii tagay 2023, isagoo sheegay in loo baahanyahay in casharo laga barto qaladaadkii dhacay sanadkii hore, wixii wanaagsanaa iyana la xoojiyo.

Wasiir Roobow ayaa ku adkeeyey madaxda shirkadaha iyo guddiga bicisada iyo si wada jir ah ay ugu dadaalaan sidii hufnaan loogu gudan lahaa waajibka saaran, isbedel dhab ahna la yimaadaan.

Dhanka Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa nasiib darro ku tilmaamay dad uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa adeegga loo sameynayo xujeyda Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib darro ah in ay jiraan dad dhahaayo xajkaan fashilinaynaa,subxaana Allah, xajku waa rugni min arkaanul islaam ilaahay baa iska leh, xajka qofka dhahaayo waan fashilinaynaa ilaahay huu la dirirayaa, xagee buu ku dagaalamayaa baytulaahi Xaram, yuu fashilinayaa duyuufu raxmaan, war xageed u socotaa, war dantaada iyo waxay umaddu leedahay kala saar, dadka nuucaas ah ilaahay haka baqaano. Ayuu yiri wasiir Roobow.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wixii dhaliil iyo sixitaan ah diyaar u yihiin, balse wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in baraha bulshada lagu faafiyo dacaayadaha been abuurka ah.

Ugu dambeyn wuxuu guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliya ee jooga Xajka ay yihiin muraayad ka tarjumaysa dalkooda, isagaa intaasi ku daray in uu jiro isbedel ay kula jaanqaadi karaan dowladaha kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ugu ambabaxay dalka Norway

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.