Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...