Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis lagu sameyn doonno

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Degmada Xamarweyne oo dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameyn doonno.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay horumarinta xarumaha loogu adeego bulshada, asigoo xusay in casriyeynta lagu sameenayo dhismaha xarunta Degmada Xamarweyne ay qeyb ka tahay ka dhabeynta Qorshaha Degmo Tusaale ah, maadaama Degmada ay tahay mid fac weyn oo qadiimi ah.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maamulka Degmada Xamarweyne, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Xamarweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...