Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay Geerida Agaasimihii hore Ee SONNA 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Agaasimihii hore ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Marxuum Maxamed Isaaq Mursal oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Mursal waxa uu mudo dheer ka mid ahaa hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya isaga oo xilal kala duwanna kasoo qabtay waxaana uu waqti badan ahaa Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Qoraal ay daabacday wasaaradda ayaa lagu yiri: “Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii uu ka tagteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin”

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...