Home Blog Page 321

Wasiirka Cadaaladda XFS oo dahfuray bilaabidda la tashiyada Dadweyne ee cutubyada 5-aad iyo 9-aad Dastuurka KMG

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa daahfuray bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee hadda lagu sameeynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay wasiirada Dastuurka Galmudug,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Agaaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada doorkooda wanaagsan ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka iyo wadashaqaynta Wanaagsan ee kala dhaxaysa

Wasaaradda Caddaaldda iyo
Arrimaha Dastuurka XFS. ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda la-tashiyada dastuurka ay u leeyihin isagoo sheegay in bulshada ay leeyihiin dastuurka ayna muhiim tahay in laga qeyb galiyo, oo ay helaan fursad ay ku dhiibtaan aragtidooda.

Dhanka kale,Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada Federaalka ayaa dhankooda bogaadiyay doorka Wasaaradda iyo labada Guddi ee dastuurka ee ku aadan dhammaystirka dastuurka iyagoo sheegay in ay ka mahadcelinyaan daahfurka uu wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurku u sameeyay maanta latashida ballaadhanee dhawaan bilaaban.

Wasiirada kasoo qeyb galay kulanka waxay isku raaceen dhammantood in latashida dadweynaha laga fuliyo goobo cusub oo aan horay loo gaarin si fursad u helaan bulshada ku dhaqan dhammaan magaalooyinkaas kala gadisan ee dalka ee an horay u helin fursadda ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka ayada oo ay dhawaan bilaabanayaan latashiyo ballaaran oo lagu dardar galinaayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Xasan Macallim oo kulan soo xiray ayaa ku bogaadiyay wasiirada dastuurka in ay daajiyaan la tashiyada dastuurka islamarkaana ay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha kadibnaay u soo gudbiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee heer federaal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kismaayo kusoo xiray Shirka Guddiga jootada ah

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Kismaayo ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay uga hadlayeen ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Inta kulanka uu socdaa ayaa waxaa lagu ansixiyay laba qeybood oo kala ah ajendayaasha guud ee kalfadhiga shanaad iyo qeybta labaad oo ah in hoos loo daadago islamarkaana loo wajaho sida ay ajendayaasha horutabinta u kala leeyihiin.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka hadlay in kalfadhiga shanaad lagu sii amba qaado islamarkaana lagu dhameystiro inta ka hartay ajendayaashii kalfadhigii afaraad ay xukuumadda soo gudbisay Iyo kuwo cusub oo ay kalfadhiga shanaad soo gudbisay kuwaas oo hada Golaha horyaala.

Shirka Guddiga Joogtada oo maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay isku raaceen in kalfadhiga shanaad xoogaa lagu saaro ajendayaasha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay maalmihii shirka uu socday dadaalkii Iyo howlkarnimadii ay muujiyeen, waxaa uuna dhanka kale u mahadceliyay madaxda Iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubaland soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

 

 

Qaramada Midoobay oo mar kale ku baaqday in la joojiyo waxyeelleynta dadka rayidka ee Gaza

0

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii walaac ka muujiyay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo ay ku dhinteen 210 qof,ayna ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo kalena.

“Sawirrada dhimashada iyo burburka ee ka dhashay hawlgalkii milateri ee Israa’iil ee Gaza ayaa caddaynaya in maalin kasta oo dagaalkani uu sii socdo uu sii kordhayo argagaxa,” Martin Griffiths ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

“Maanta, xerada qoxootiga ee Nuseirat waa xudunta dhibaatada ee dadka rayidka ah,mana jiraan meel nabdoon oo ku taalla Gaza”ayuu yiri Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay.

Xafiiska warbaahinta ee Xamaas ayaa sheegay in ugu yaraan 210 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ba’an oo diyaaradaha Israa’iil ay la beegsadeen xerada qaxootiga ee Nuseyrat, deegaanada bariga Deir al-Balah iyo xerooyinka al-Bureij iyo al-Maghazi ee bartamaha Gaza.

Israa’iil ayaa sheegtay inay badhtamaha Qaza ka soo furteen afar la hayste oo Israa’iili ah, ka dib hawlgal milateri oo dhulka iyo cirka ah.

Israa’iil ayaa sii waday weerarka naxariis darada ah ee ay ka waddo Gaza,inkastoo Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu dalbanayo xabbad joojin degdeg ah.

In ka badan 36,700 oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza,halka lagu dhaawacay 83,500 oo kale mudada siddeeda bilood ah ee uu socday dagaalka Xamaas iyo Israel.

Mas’uuliyiin katirsan Galmudug oo gaaray Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

0

:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka howlaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe oo ay wehliyaan maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saakay gaaray goobihii uu shalay ka dhacay dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta.

Masuuliyiinta ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee shalay fashiliyay dhagartii ay khawaarijtu la damacsaneyd shacabka degmada Ceeldheer, iyagoo ku amaanay sida naf hurnimada leh oo ay dalkooda iyo dadkooda uga difaacayaan cadowga Khawaarijta ah.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS iyo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha xasilinta oo ka wada hadlay joojinta colaada ka taagan Galmudug

0

-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag iyo Ergeyga gaarka ah ee xasilinta iyo ilaalinta rayidka Madaxweynaha Cumar Xaashi ayaa ka wada hadlay xasilinta nabad gelyada iyo deganaanta guud ahaan dalka, gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha soo laa-laabtay ee ka taagan qaar kamid ah deegaanada Galmudug.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa isla qaatay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha ka soo cusboonaaday deegaano u dhaxeeya degmooyinka Caabdudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmuduga oo guddi u magacaabay xal u raadinta colaadda ka jirta waqooyiga Galgaduud

0

-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Waxa hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug la faray in ay la shaqeyna xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaad ka jirta degaanada Caabudwaaq iyo Xeraal waqooyiga Gobolka Galgaduud

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS oo guddoomiyay kulanka guddiga joogta oo ka dhacay Kismaayo

0

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ku qabsoomay Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxa uu ajeedkiisu ahaa diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Ugu horreyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday qaabka xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), shuruudaha qofka baarlamaankaas ka mid noqonaya looga baahan yahay, wadamada ururkaas ka mid ah wadan walba waxa looga baahan yahay iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo inuu bixiyo iyo sidoo kale dhammaan shuruudaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ansixiyay in la dardar geliyo shuruucdii hore ee qabyada aheyd iyaga oo dhan kale ajandeeyay dhamaan hindise sharciyeedyada cusub ee ay xukuumadda soo gudbisay.

Wasiirka shaqada XFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Geneva Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.

Wasiirka ayaa ugu warbixiyey Agaasimaha Guud ee Ururka ILO guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Adduunka soo dhoweynta uu u fidiyey wafdiga saddex-geesoodka ah (Dowladda, Wakiilada Shaqaalaha iyo Loo Shaqeeyaha.

 

Dowaladda oo baaq kasoo saartay colaadda sokeeye ee ka taagan qeybo ka mid ah Galgaduud

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya degaanka Laan dheer ee u dhexeeya Caabudwaaq iyo Xeraale oo waqooyiga Galgaduud.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo baaq ka soo saartay colaadda Galgaduud ayaa beelaha ay dirirta u dhexeyso ugu baaqday in ay si deg deg ah ku joojiyaan dirirta isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada hadalka.

Halkan ka aqriso baaqa ay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya:

Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyay guulaha is-daba joogga ah ee ay gaartay dowladda FS

0

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Madaxda Qaranka ugu mahad celiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galay kulan ballaaran oo uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo howl wadeennada Maamulka Gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar ku taageerayeen uguna mahad celinayeen Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in guulahaasi ay horseed u yihiin in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda si buuxda ugu istaagto.

Kulankan mahad celinta ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaasha Degmooyinka, Aggaasimayaal, iyo kumanaan kamid howl wadeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.