Home Blog Page 321

Wasiirka shaqada XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFD, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla salem alnuaimi .

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan Wasaaradda iyo Dawladda Qatar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka uga xog-waramay dedaallada ay Wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta barashada xirfadaha  bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Safiirka ayaa isaguna dhankiisa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa uga mahad naqay Safiirka soo dhaweynta quruxda badan sido kalena ballan qaaday xoojinta xiriirka.

 

Wasiirka gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kormeeray kumaandooska Gorgor iyo danab

Wasiirka gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tagay kumaandooska Gorgor iyo Danab ee ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ciidanka ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, lana joogo waqtigii si buuxdo dalka looga xoreyn lahaa Khawaarijta, waxayna kula dardarmeen inay sii labo jibaaraan howlahooda shaqo ee ah Xoreynta dalka.

Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada sare ee Beeraha Shiinaha

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga 30-aad ee carwada farsamada sare ee Beeraha iyo teknoloojiyadda Shiinaha (Yangling Agricultural High-tech Fair (CAF) oo lagu qabtay gobolka Shaanxi.

Bandhigan oo soconaya muddo afar maalin ah (Sebtembar 19 ilaa 23) ayaa diiradda lagu saarayaa hal-abuurnimada sayniska ee kobcinta iyo horumarinta tayada Beeraha.

Waxaana Bandhigan uu ujeedkiisu yahay in lagu soo bandhigo horumarka dhanka Beeraha iyo kobcinta iskaashiga khubarada iyo hogaamiyayaasha warshadaha.

Danjiraha Soomaalliya ee Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane  oo ka qeyb galay madashan ayaa hoosta ka xariiqay in ay Soomaaliy ka go’an tahay xoojinta xiriirka Shiinaha iyo horumarinta beeraha Geeska Afrika.

CAF 2023 waxay bixisaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan horumarinta Beeraha casriga ah iyo hal-abuurka tiknoolajiyada ee kor u qaadi kara sugnaanta cuntada iyo kicinta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

 

Shiinaha oo diyaarado dagaal u diray Taiwan

Shiinaha ayaa Taiwan u diray 103 ka mida diyaaradohooda dagaalka, labadii maalin ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Taiwan.

Taiwan ayaa Bayaan ay soo saaratay shalay ugu baaqday Shiinaha inuu joojiyo tallaabooyinka keeni karo xasillooni darro iyo xaalad dagaal, iyagoo intaas ku dartay in ugu yaraan 40 ka mida diyaaradaha dagaalka ee Shiinuhu ay ka gudbeen khadka dhexe ee marin-biyoodka Taiwan, kaasoo ay sheegeen inay daliil u tahay daandaansiga Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha, hase ahaatee arrintaas waxaa in muddo ah ka biyo diidsan Taiwan, oo isku tilmaantay Dowlad Madax banaan.

 

Ra’iisul Wasaare Xamza oo la kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar

0

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa galabta ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu timid Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

Ciidanka Xasilinta Caasimadda oo ku guuleystay sugidda aminga Magaalada Muqdisho

0

Qeybaha kala duwan ee laamaha amniga oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in amniga Magaalada Muqdisho uu noqdo mid aad u sarreeyo, kaddib markii ay hawgallo joogta ah ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka Caasimadda ayaa xilligaan dareemaya jawi xasilloon markii laamaha amniga ay wax ka qabteen dhaca iyo arbushaadda laga geysan jiray Magaalada Muqdisho, iyada oo shacabka ku nool degmooyinka dhaca daafaha Magaalada ay aad ugu riyaaqeen hawgallada joogtada ah ee laamaha amniga.

Taliyaha Birmadka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Suleymaan Maxamed Axmed (Dulmi-diid) ayaa kormeer u kuur gal ah ugu tagay Ciidanka Birmadka qeybtooda Xasilinta Caasimadda, isaga oo Ciidamada kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo la hadlay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegay in ay ka reysteen tuugadii dhaci jirtay taleefanadooda, iyaga oo xusay in hadda ay dareemayaan jawi xasiloon oo ka duwan kii hore ee Muqdisho.

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay dhigiisa Dalka Sacuudiga

0

-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane  Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe)oo ku sugan Magaalada Riyaad ee Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Saud,kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga ee u dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhanka Amniga ee labada wasaarad.

Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin,iyo masuuliyiin kale kuwaa oo inta ay joogaan Sacuudiga kulama kala duwan la qaadan doonno madaxda dalkaasi

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiint XFS oo daahfuray kulan looga hadlayo adèega 5G

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan  Axmed Cismaan Diiriye ayaa daah-furay shir looga hadlayay istaraatijiyada adeega 5G,kaa oo ay ka qeyb galeen xubnno ka socoday xarumaha isgaarsiinta dalka

Wasiirka waxa uu sheegay shirkaan wadatashiga ah uu qeyb weyn ka qaadan doono suuq xor ah iyo guud ahaan amniga Qaranka

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta”  5G waxa uu ka qayb qaadan doonaa suuq xor ah iyo amniga  Qaranka”

Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mustaf Yaasiin Sheekh ayaa ka warbixiyey nuxurka adeega 5G,ayaa sheegay in adeegaan uu faa’iido badan u leyahay waxbarashada hormarka ganacsiga guud ahaan dalka,waxa uuna tilmaamay in mudda dhaw adeegaan lagu baahin doono guud ahaan dalka

Waxa uu sheegay in maalmaha shirka uu socdo looga doodi doono sidii adeeg internet ah oo tayo sare leh u  heli lahayeen bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamadda ciidamada oo Xukun Dil Toogasho ah ku fulisay Askari horay Dil u geystay

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii ee Sanadkan.

Maxkamad wareegto oo loo diray ayaa xukunkan Dilka ah kula fulisay Xarardheere,kadib markii maxkamaddu ku heyshay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gorgor uu si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee

Waana fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ay Is Dilaan.

Maxkamadd ciidamada qalabka sida ayaa sidaan oo kale horay u fulisay xukunno askar dilal u geeystay shacab iyo ciidan.

 

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS : Khawaarijta waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in khawaariijta la gaarsiiyay jab xooggan, isagoo tilmaamay in kummanaan ay soo qaadeen lagu khaarajiyay howgallada ka socda dalka.

“Khawaarijta Waxaa meel la kala geeyo la layhay dhaawacooda oo ay intooda badan dhameystiraan naftana dhaafiyaan, Waxay waayeen maal badan oo ay shacabka ka baadi jireen, waxaa lumey kalsoonidii dhexdooda ahayd oo waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan. Waxaa kaloo xaqiiqo ah tira ku kordheysa in aysan jirin”.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida oo kaashanaayo Shacabkooda ay ku jiraan dagaal lagu difaacaayo Dinteena, dalkeena iyo dadkeena dhiigooda iyo sharafkooda.

“Waxa la bixinaayo waa naf, maal iyo maskax mana jiro wax uu aadane bixin lahaa oo intaas ka qaalisan, xukuumadda dan qaran waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta, la dhameystiro halganka dalkeena lagu gaarsiinaayo amniga iyo horumarka waana taariikh qormeyso oo lagu dhigi doono Iskuulada” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in Jihaadka ka dhanka ah khawaarijta aan loo kala harin oo qof kasta qeybtiisa uu uga qeyb noqdo maal, af iyo adin.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa lumisay degmooyinka iyo deegaanno badan oo 15 wax kabadan ku jiray gacanta cadowga, iyadoo xiligin khawaarijta ku jirto xiligii ugu adkaa marka laga eego koobaha wali ku hareen iyo firxadka ay ku jiraa.