Home Blog Page 313

Shirka Xoojinta Iskaashiga dalalka EAC oo Muqdisho ka furmay

0

-Shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa looga hadlayaa sidii soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika,waxaana daahfuri doono shirka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirro,xildhibaanada labada Aqal ee BJFS,safiirada wadamada caalamka,Madaxda Jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.

Soomaaliya ayaa Ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay bishii march ee sanadkaan kana noqotay xubin buuxda.

Dowladda Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay Soo gabo gabaynta Hawlaha Xafiiska UNSOM

0

-Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas.

Kulan taariikhiga ah ayay shalay isku soo hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM,Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf – Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Boliiska Soomaaliya oo caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka lagu galayo

0

Kadib Roob xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho kaas oo saameyn ku yeeshay Ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka ay ku galayaan iyaga oo adeegsanayo gaadiidka ciidanka.

“Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada maanta waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka Dugsiga Sare”sidaa waxaa yiri Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi

Maalintii labaad ayuu Muqdisho iyo gobolada dalka ka soconayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga Sare

Taliyaha Boliiska oo ka qeyb galay Xuska Sanad guurada 47-aad ee Ciidanka Boliiska Dalka Jabuuti

0

-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka qeyb galay Munaasabada Xuska Sanad guurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska dalka aan walaalaha nahay Ee Jabuuti

Xaflada Sanadguurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska Jabuuti oo Si heer sare ah loosoo Agaasimay ayaa Ka dhacdey Akadeemiyada Boliiska ee Idiris Faarax Caabane .ee Dalka Jabuuti.

Ololaha Hooyo u Hiili qaranka oo maanta Muqdisho lagu qabtay

0

-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ahna guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa maanta Tiyaaterka qaranka uga qeybgalay “Ololaha Hooyo u hiili Qaranka”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maalmahan xoriyadda uu dalkeennu ku jiro ladagaalanka Khawaarijta, ayna jiraan damac shisheeye, waxaana uuna bogaadiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Cali Yuusuf Xoosh waxaa uu dhanka kale sheegay in hooyada Soomaaliyeed ay sharfantahay, isaga carabka ku dhuftay baahida loo qabo dhiirigelintooda iyo in ay furimaha tagaan.

Ra”iisul wasaare Xamse oo dhagax dhigay Dhismeyaal Dowladdeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

Xarumahan oo dhamaantood lagu dhisayo isku-tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, kuwaas oo laga dhisayo waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan.

 

Ceeldheer oo 33 Sanno ka dib maanta ka mid noqotay goobaha lagu gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah

0

-Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa maanta markii ugu horeysay looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii laga xorreeyey Khawaarijta arxanka daran.

33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo Khawaarijta ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.

 

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, waxbarashadu waa himillo weyn oo ay xukuumaddu u aragto mudnaan lamid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taas oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah ardayda, waxuuna kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.

Qabyo Ninkeedaa Dhameystira’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

0

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya haya  Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda, kuwaasi oo uu sheegay in ay ahaayeen qabyo uu markii uu xafiiska baneynaayay u yaalay, balse uu codsaday inuu qorshayaasha u degsan uu dhameystiro, waa tii uu halkudhiggiisu aha “ QABYO NINKIISAA DHSAMEYSTIRA”, waase lala fahmi waayay, balse hadda ayuu u soo jeestay inuu dhameystiro ‘Qabyadii’ uu markaasi sheegayay.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlaayay hadafka fog ee uu leeyahay ayaa yiri:- “ waxaan doonayaa inay Soomaaliya noqoto Wadan siyaasad ahaan deggan, nabad ah, barwaaqeysan, islamarkaana horumarsan, anigoo Shacab ahna aan si nabad ah ugu dhex noolaan karo, taasi waaye hadafkeeygu”, marka Madaxweynaha oo muddo 2- sano ah Xafiiska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya fadhiya ayaa u suurtogalshay inuu ku dhaqaaqo arrimaha soo socda :- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Halka dhinaca Siyaasadda arrimaha dibadda uu dhaqaajiyay:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM iyo tan 5-aad oo aheyd in Soomaaliya ay mar kale ka muuqato fagaarayaasha Caalamka.

Madaxweynaha iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisulwasaaraha Dalka muddada labada sanadood ah waxay ku guuleysteen inay wax ka qabtaan siyaasadda arrimaha Gudaha:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo laba sanad ah uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka, kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta, waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah ayaa waxaa lagu dilay in ka badan ( 4kun ) afar kun oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.

 

 

Madaxweynaha dalka oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.