Home Blog Page 313

Haweeney ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2023-ka (MAQAAL)

0

Abaalmarinta Nobel Prize  ah oo loo yaqaan ‘Nobelpriset;: Nobelprisen ayaa ah lix leyliska caalamiga ah ee sannadlaha ah ee loo yaqaan’ Swedish ‘iyo’  Norwegian ‘, ee lagu abaalmariyoamashaqsiyaadka gacan ka geysta  horumarinta sayniska, dhaqaalaha iyo nabadda.

Doorashada aqoonyahanka Iswiidhan oo lag magacaabo Alfred Nopel ayaa aasaasay abaalmarinnadii 1895. Abaalmarinta Kimistaanta, suugaanta, nabadda, fisigiska, jimicsiga iyo daaweynta ayaa markii ugu horraysay la siiyay 1901. Sanadkii 1968, Sveriges Riksbank (Baanka dhexe ee Iswidhan) wuxuu aasaasay abaalmarinta Sveriges Riksbank ee dhaqaalaha dhaqaalaha ee Alfred Nobel, oo loo yaqaan ‘Nobel Prize in Economics’ Abaalmarinta Nobel ayaa si weyn loo tixgeliyaa abaalmarinta ugu qiimaha badan ee suugaanta, daawada, fisikiska, kiimikada, dhaqaalaha iyo firfircoonida nabadda.

Abaalmarinta Nobel Prize ee Physics, Nobel Prize for Chemistry, iyo Sveriges Riksbank abaalmarinta dhaqaalaha dhaqaalaha ee xasuusta Alfred Nobel; Golaha Nobel ee Karolinska Institutet wuxuu abaalmarinta Nobel Prize ee Physiology ama Daawada; Akadamiyadda Iswiidhen waxay bixisaa abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta; iyo abaalmarinta Nobel Peace Prize ah oo aan abaalmarin haysan hay’ad iswiidhish ah laakiin Guddiga Nobel ee Nobel.

Haddaba Guddiga Nobel-ka Norway ayaa xaflad ka socotay magaalada Oslo ku guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda Ee Nobel Peac Prize 2023-ka  haweeneyda 51-jir ah, ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha iyo la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Dalka Iran Ms Narges Mohammadi. Ms Narges Mohammadi, waxay dhalatay Sanadkii 1972-kii, waxaana la guddoonsiiyay abaal-marin nabadeed, iyo waxyaabo kale, oo ay ku mutaysatay u doodida xuquuqda haweenka ee wadaadada Iran.

Ms Narges Mohammadi waa khabiir dhinaca physicist ah oo tababaran saxafi ah muddo badanna ku soo shaqeeysay xirfadeeda saxafinimo balse hada waxay ku xirantahay xabsiga Evin ee ku yaala magaalada Tehran ee Dalka Iiran sida la sheegayna waxaa loo xiray aragtideeda, balse Sannadkii 2016-kii, ayaa lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay “in ay faafisay dacaayad ka dhan ah dawladda” iyo in ay xubin ka tahay “urur sharci-darro ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo amniga qaranka”. Lagama sii deyn doono xabsiga caanka ah ee Evin ee Tehran ilaa 2026.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa xaflad ka dhacday magaalada Oslo, ka sheegtay in abaal marinta qaaliga ah la siiyay Ms Narges Mohammadi ay ku mu teysatay “la dagaalanka ay kula jirto dulmiga haweenka Iran iyo dagaalka ay u gashay horumarinta xuquuqul insaanka iyo xoriyada dadka oo dhan”,

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa ku boorisay Dowladda Iran iney xabsiga ka sii deyso Ms Narges Mohammadi si ay uga qaybgasho xafladda abaal-marinta ee dhaceysa bisha December Malaayiin Iiraaniyiin ah ayaa abaal-marintan ku farxi doona iyadoo ay weheliyaan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee adduunka, maadaama abaalmarintu ay tahay aqoonsiga dhaqdhaqaaqa guud ee hoggaamiyaha cad.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Berit Reiss-Andersen waxay kaloo sheegtay in Sanadkan, 351 musharrax loo magcaabay iney heli karaan abaal marinta Nobel-ka, kuwaas oo 259 ka mid ah ay ahaayeen shakhsiyaad halka 92-kalena ay ahaayeen ururo.

Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar ee sanadkan, waxaana lagu beegay sanad-guurada dhimashadii Alfred Nobel. Balse Abaal marinta Nobel Peac Prize ayaa soo socotay tan iyo Sanadkii 1901-dii.

W/D Ustaad Omar Mohamad Kulmiye (Omar British)

Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo qaadanaya Dufcadii 3-Aad

0

Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo ah hay’ad tacliin sare oo xukuumi ah, looguna talagalay in uu soo saaro saraakiil iyo howlwadeenno leh aqoonta iyo xirfadaha sare ee looga baahan yahay hogoominta iyo horumarinta howlaha amniga qaranka soomaaliyeed waxa uu cidda daneyneysa ogeysiinayaa in uu furmay wajiga kowaad ee is diiwaangalinta barnaamijyada machadku bixiyo.

Machadku waxa uu bixinayaa xilligan afar takhasus oo kala ah:

 Dibloomada Sare ee Maamulka laamaha Amniga (Higher Diploma in Security Institutions Management)
 Dibloomada Sare ee Cilmiga Danbiyada (Higher Diploma in Criminology)
 Dibloomada Sare ee Daraasaadka Amniga (Higher Diploma in Security Studies)
 Dibloomada Sare ee Amniga Fikirka (Higher Diploma in Intellectual Security)

Sidoo kale machadku waxa uu bixinayaa koorsooyin lagu baranaayo luqadaha English-ka iyo Carabiga oo ay bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo si hufan loo soo xulay.

Hadaba si aad u hesho faahfaahinta takhasusyada uu machadku bixinaayo ku dhufo/guji linkigaan:https://bit.ly/HAGAHADIIWAANGELNTAHISS.

Si aad u marto wejiga kowaad ee is diiwaangalinta dibloomooyinka sare ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/DIPLOMAPROGRAMS

Si aad isaga diiwaangaliso koorsooyinka luqadaha English-ka ama Carabiga ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/LANGUAGEPROGRAMS

FG: Hadii aad qabto su’aal ama aad dooneyso faahfaahin dheeri ah, fadlan fariin qoraal ah ku soo dir:

WhatsApp: +252 61 1015024/+252 61 1015020
ama
Email: admission@hiss.edu.so

Guddoomiye sheekh aadan oo qaabilay Danjiraha dalka Turkiga

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marka hore Danjiraha uga tacsiyeeyay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Magalada Ankara.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen taageerada Baarlamaanka Soomaaliya, xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga. Guddoomiyaha ayaana ammaanay doorka Dowladda Turkiga ka qaadato ladagaalanka argagaxisada.

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Cumar Axmed Maxamed oo loo magacaabay Macalinka xulka 18 jirada ee Qarankeena

0

Cumar Axmed Maxamed oo ku magac dheer macalin  “Jabshe” ayaa loo magacaabay tababaraha xulka Soomaaliya ee dhallinyarada 18 jirada, kaddib markii uu soo bandhigay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Macalin cusub ee Xulka Qaranka ee 18 jirada ayaa ciyaartoy hore, sidoo kalana dhawrkii sano ee ugu  dambeeyey ku dhex jiray dhanka maamulka ayaa la filayaa in uu isbadal ku sameeyo ciyaartoyda xulka Qaranka ee 18 jirada.

Sidoo kale Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay ku xigeenka Macalin Jabshe, iyada oo caawiye u noqon doona Mustafa Faransa oo ka mid ah Ciyaartoyda ugu magac dheer ciyaartoydii dalka soo maray.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18 jirada ayaa bisha na soo aadan ka qeyb gali doonaan koobka bariga iyo bartamaha AFRICA CECAFA U18, kaas oo ka furmi doona dalka Kenya, inta u dhaxeysa 25-ka November illaa 5-ta December ee sanadkaan.

Wasiir Al-caddaala: Dagaalka sanad jirsaday ee lagula jira khawaarijta wuxuu keenay in uu burburo gebi ahaanba nidaamkii argagixisada

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galayay Barnaamij looga hadlayay sanad kadib maxaa ka qabsoomay dagaalka lagula jiro khawaarijta oo ka baxayay Warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in guula waa weyn dowladda iyo shacbka oo is garabsanayo ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, ayna burbureen awooddii cadaowgu uu lahaa sanad ka hor.

Dagaalka sanad jirsaday ee dowladda iyo shacabku ku qaadeen Khawaarijta waxaa uu keenay in gabi ahaan uu burburo nidaamkii dhisnaa ee kooxda dhan walba” Wasiir Al-caddaala.

Wasiirka Al-caddaala ayaa sheegay in gebi ahaanba uu baaba’ay nidaamkii maamul iyo midkii dhaqaale, sirdoon iyo ciidan ee khawaarijtu ay dadka ku dhibateyn jireen shacabka

Waxa uu sidoo kale tilmaamay wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala in baraarugga dadka shacabka ah ee dhagarta khawaarijta oo markii hore u dulmaana hadda ay shacabka Soomaaliyeed marayaan in ay dilaan oo ay la dagaallamaan, taas oo uu ku sheegay marka laga tago awoodda ciidan ee dowladda midda keentay guusha in laga adkaado argagixisada.

Dagaalka dalka looga saarayo khawaarijta ayaa sanad jirsaday, iyadoo degaanno badan oo dalka ah laga saaray khawaarijta, waxaana weli degaannada qaar ka soconayo sifeynta khawaarijta.

Madaxweynaha Ethiopia oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoontay Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia

0

Madaxweynaha Dawladda Ethiopia, Sahle Work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoontay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane, Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Munaasabad hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Ethiopia ee Addis Ababa ayaa lagu qaabbilay Danjire Warfaa iyo qaar kamid ah Diplomaasiyiinta safaaradda, waxaana Madaxweyne Zewde iyo Danjire Warfaa oo wada yeeshay kulan muhiim ah ay isku afgarteen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xildhibaan Marwa Cabdi oo la kulantay  Xoghayaha guud ee midowga Baarlamaanka Adduunka

0

Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan kula  yeelatay magaaladda  Geneva Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaanka Aduunka Mr. Martin Chungong.

Marwa Cabdi Bashiir  iyo Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaanka Aduunka  ayaa ka wada hadlay  xoojinta iskaashiga wadajirka ah  gaar ahaan doorasharad Guddoonka Midowga Baarlamaanka Adduunka oo lagu wado in ay ka dhacdo bishaan October, dalka Angola.

Xoghayaha Guud Mr. Martin Chungong  ayaa   Marwa Cabdi Bashiir uga warbixiyay  halka ay marayaan diyaar garowga iyo dib u eegista qorshaha shaqo ee howlaha mustaqbalka ee Midowga Baarlamaannada Adduunka.

xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka ayaa waxa  u sharaxan afar dowladood oo Afirka oo  kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku guda jira hoggaaminta dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab ee ka socda gobollada dhexe.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siyaasiyiin ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

3- Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum cali ugaas Cabdulle.

4- Gudddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley aaska Duqii Hore ee Muqdisho Danjire Cali Ugaas Cabdulle.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjira dalka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu horkacayo oo booqday magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta hawlgalada dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe.

7- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqdey xukunka 11 xubnood oo ku eedeysanaa musuqmaasuq.

8- Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa oo Baydhabo kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

9- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dowladda ay ku guuleysatey in dakhliga uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixio mushaaraadka iyadoo aan u baahan kab kale.

10- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika.

11- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe magaalada Nairobi ka faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.

12- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

13- Qaar ka mid ah maliishiyaadka Al Shabab oo isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida , iyagoo go’aansadey inay ka haraan fikirka xagjirka ah.

14- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayaa Ciidanka ATMIS ayaa degaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka qabsadey Khawaarijta Al Shabab.

16- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka furay shirka wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarsahada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.

18- Wasiirka Dhalinyarad iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirka diyaarinta qorshe hawleedka hirgelinta istaraatiijiyadda qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta.

20- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino ee dhanka cimilada.

21- Ciidanka ammaanka ee degmada Doolow oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

22- Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas.

23- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
24- Ciidanka Qalabka Sidao o horumar weyn ka sameynaya goobaha dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab, gaar ahaan dagaaladii dhowaan ka dhacay gobollada dhexe.

25- Ciidamada Qalabka Sidao o shaaciyay liiska ilaa labaatan horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgalada dalka ka socda.

26- Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray Ciidamada Ilaalada Degaanka ee caasimadda.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Wednesday

0

1- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Dr Hassan Sheikh Mohamud continues with efforts of leading the completion of the 1st phase of the war against the Kharijites Al Shabab in the central regions.

2- President Hassan Sheikh Mohamud meets politicians from the South West State in Dhusamareb.

3- Leaders of the Nation condoled the death of the former Mayor of Mogadishu, the late Ali Ugas Abdulle.

4- Speakers of the Federal Parliament of Somalia and Prime Minister Hamsa Abdi Barre have attended the funeral of the former mayor of Mogadishu, Ambassador Ali Ugas Abdulle.

5- Prime Minister Hamsa Abdi Barre received the Ambassador of the United Arab Emirates to Somalia in Mogadishu.

6- The Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia Mr. Salah Ahmed Jama and his delegation visited the town of Dhusamareb which is the command center of the war against the Kharijites Al Shabab in the central regions.

7- The Banadir Regional Court announced the sentence of 11 members who were accused of corruption.

8- The President of the South West Region, Mr. Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen, met with the Chairman of the Somali National Disaster Management Agency (SoDMA) in Baidoa, Mr. Mohamud Maallim Abdulle.

9- Somalia’s Minister of Finance Bihi Iman Ige said that the government has managed to increase the revenue by 25%, which means that the government has enough to pay the salaries without needing subsidy..

10- Somalia’s Finance Minister Bihi Iman Ige attended the Horn of Africa Finance Ministers Cooperation Conference in Addis Ababa.

11- The National Security and Intelligence Agency (NISA) has arrested Sufyaan Sheikh Ahmed, who has been spreading extremist ideas against the peace, stability and governance of Somalia from Nairobi, Kenya.

12- The National Intelligence and Security Agency (NISA) has captured Sakaria Kamal Sufi Abba-Sheikh (Saki) who was the most important person of the enemy of the Kharijites Al Shababj, in charge of buying weapons and explosives from abroad for the terror group.

13- Some of the militias of Al Shabab have voluntarily surrendered to the Armed Forces, having decided to stay away from the extremist ideology.

14- The Commander of the Land Forces Col. Dayah Abdi Abdulle, arrived in Ali Foldhere area under Mahaday district in the Middle Shabelle region.

15- The Somali National Army with the help of ATMIS has captured the Ali Fuldhere area in the Middle Shabelle region from the Kharijites Al Shabab.

16- The Minister of Information, Culture and Tourism of Somalia, Mr. Daud Aweis Jama, has opened the consultation meeting of the Ministries of Information of the Regional States and the Banadir region in Baidoa.

17- The Minister of Education, Heritage and Higher Education of Somalia, Farah Sheikh Abdulkadir met with the Minister of Heritage and Culture Amir Bandar bin Abdulaziz Al Saud and the Minister of Education Youssef Al-Bunyan in Riyadh, Saudi Arabia.

18- The Minister of Youth and Sports of Somalia Mohamed Barre Mohamud and a delegation he leads who are on a working visit to Egypt had a meeting with his Egyptian counterpart Dr Ashraf Subhi.

19- The Minister of Information, Culture and Tourism of Somalia, Honorable Daud Aweis Jama, concluded the meeting in Mogadishu on the preparation of the action plan for the implementation of the national strategy for media relations.

20- The National Disaster Management Agency has shared a warning message with the Somali people to be aware of the damage caused by the El-Nino weather condition.

21- The security forces of Dolow district thwarted a car filled with explosives.

22- The National Intelligence and Security Forces operating in…