Madaxweyne Xasan Sheekh: Dalkaan waxa ka dhici doona Doorasho qof iyo Cod ah

Date:

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay hanaanka doorasho ee dalka ayaa sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan..

Madaxweyne Xasan“Dalka waxaa ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa wax dooranaya, taasi waa mabda’a, Soomaaliya ma xukumi doono qof aan shacabka dooran”.

Madaxweyne Xasan ayaa markale yiri“Horaan u sheegay nin xoog badan dalkan kama talin karo, sharci xoog badan baa ka talin karo, shuruucda aan hagaajinno oo aan ku kolsoonaano”.

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale ka hadlay dhaqaalaha dalka isagoo sheegay in ku dhawaad ​​100% uu kordhay, taasina ay cadeyn u tahay mashaariicda ka socota guud ahaan gobolada dalka.

“Dalkeenu waxa uu maanta joogaa meel ka wanaagsan halkii uu shalay taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna maanta maraysa in maalgeshi loo yimaado Soomaaliya”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhawaan dalka laga hirgelin doono mashaariic waaweyn; taasoo ku timid kalsoonida caalamku ku qabo haykalka maaliyadeed ee dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...