Madaxweyne Guudlaawe: waa in aan isugu tagno galbeedka Hirshabeelle si aan khawaarijta uga xorayno

Date:

-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiiradda, Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhaweyn oo Golaha Deegaanka Jowhar ay xalay u sameeyeen Wafdigii Madaxweynaha ee safarka dheer ku soo maray deegaanada Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa magaalada Mudane Cusmaan Baareey ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa caasimada kusoo dhaweeyay.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdillaahi Xuseen Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa shacabka Hirshabeelle uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay uga qayb qaateen dagaalka dalka looga xoraynayo Khawaarijta.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in maalmaha fooda nagu soo haya wejiga xiga ee dagaalka lagu qaadayo deegaanada hirshabeelle ee Webiga ka xiga dhanka galbeedka,shacab iyo maamul na la isu kaashan doono in deegaanada laga sifeeyo kooxaha khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...