Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Gurmad Qaran

Date:

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeer ku tagay xarunta qaran ee howlgalada gurmadka deg dega ah oo hoostagta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa halkaasi kulan kula qaatay maamulka iyo howlwadeenada hay’adda oo uu guddoomiyaha hay’adaasi hogaaminayo.

Ugu horeyn maamulka xarunta Qaran ee Howlgalada Gurmadka Degdega ah ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka xaruntan mudadii ay jirtay, sida ay uga jawaabtay xaalado badan oo wadanka soo maray iyo gurmadkii ay sameysay, sidoo kale waxa ay sharaxaad ka bixiyeen waxyeeladii ka dhalatay weerarkii Khawaariijta dhowaan ku qaaday Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho iyo sida ay hay’adda uga jawaabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horeyn maamulka iyo howlwadeenada hay’adda SODMA ku amaanay howsha adag ee ay qaranka u hayaan isaga oo si gaar ah u tilmaamay howlwadeenada xarunta oo uu sheegay in ay dalkooda ay si nafhurnima ah ugu adeegayaan qarankoodana uu doorkaas qiimaha ku abaalmarin doono.

Sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dhexdooda isku gurmadaan oo ay garab istaag u muujiyaan midka tabarta daran ee caawinta u baahan, sidoo kalena garab istaag u muujiyaan geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed ee duurka ugu jira sidii Khawaariijta dalka looga ciribtiri lahaa dalka,si gurmad loo gaarsiiyo guud dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu kaalintiisa ka qaadan doono gurmad walba oo dadka Soomaaliyeed loo sameynayo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...