Home Blog Page 312

Howlgal lagu dilay 20-katirsan khawaarijta oo ka dhacay degaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug

0

Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumanaya hawdka deegaankaas, waxaana uu ku soo dhamaaday guul.

Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe.

Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan agabkii Khawaarijta ee saarnaa gaadiidkaas.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug

Muqdisho-Somalia

Kulan looga hadlayay dardar dagaalka Khawaarijta oo lagu qabtay Baydhabo

0

Taliyaha Booliska maamul goboleedka  Koonfur Galbeed  G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka  kasoo qeyb galey saraakiisha Gobalka Baay  iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo  Taliyaha Qeybta Gobalka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID .

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab  ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Maleeshiyaadka Shabaab loogu xoreynayo Goballada Baay, Bokool iyo Gobalka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar shaqo ugu ambabaxay Eretria

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in dhawaan billaaban doono wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

0

Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka qeybgalayay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ayaa sheegay in gabagaba uu marayo wajigii koowaad ee dagaalka khawaarijta dhawaana deegaannada koonfur Galbeed iyo jubbaland uu ku billaaban doonno howlgalka wajigiisa 2-Aaad.

Madaxweyne Laftagareen” Wajiga koobaad gabagabuu marayaa, waxaana bilaaban doono sida qorshaha iyo balantu aheyd wajiga labaad oo ka bilaabanayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland”.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dheeraaday sida waajibka ugu tahay dhammaan shacabka degaannada Koonfur Galbeed ka qey qaadashada dagaalka degaannada maamulkaas looga xoreynayo khawaarijta,isagoo sarakiisha iyo dhammaan ciidanka faray in ay u diyaar garowaan wajiga 2-aad howlgalka laga billaabay Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciidamada Xoogga dalka guulaha waweyn ay kasoo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo khwaarijta, islamarkaan dhibaato mudda dheer ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaan oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalab sida xubno ka socoday maamulka koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

wasiirka amniga xfs iyo taliyaha boliiska soomaaliyeed oo la kulmey safiirka safaaradda qatar

0

WASIIRKA AMNIGA XFS IYO TALIYAHA BOLIISKA SOOMAALIYEED OO LA KULMAY SAFIIRKA SAFAARADDA QATAR EE SOOMAALIYA.

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS, Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Safaarada Dowlada Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho.

Safiirka Qatar ee Muqdisho Dr. Cabdulahi Saalim Al-naciimi, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay Safaradda, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xariirka labada Boolis ee Qatar iyo Soomaaliya, masuuliyiinta ayaa ku balamay in la iska gacansiiyo la dagaalanka dembiyada abaabulan iyo Argagixisada.

wasiirka wasaaradda amniga iyo taliyaha ciidanka boliiska oo la kulmey safiirka safaaradda qatar ee mogdisho.

0

Wasiirka Wasaardda Amniga XFS, mudane. Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe)iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Safaarada Dowlada Qatar u fadhiya Magaalada Muqdisho.

Safiirka Qatar ee Muqdisho, Amb. Dr Cabdulahi Saalim Al-naciimi, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay Safaraada, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xariirka labada Boliiska ee Qatar iyo Soomaaliya.

In la iska gacansiiyo, la dagaalanka dembiyada abaabulan iyo Argagixisada, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyey Shir looga hadlayey Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka looga Saarayo Khawaarijta Alshabaab.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudoomiyey Shir looga hadlayey Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka looga Saarayo Khawaarijta Alshabaab.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, Gudoomiyaasha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiisha Ciidanka Qeybahooda kala duwan ee ka Howlgala Guud ahaan Deegnada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray Saraakiisha Ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka bilowda uu bilaabanayo Dagaalka Deeganada Koonfur Galbeed looga Saarayo Khawaarijta Alshabaab ee dhibaatada ku haya Dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan dhayalsan digniinaha la xiriira Roobabka iyo fatahaadaha la saadaalinayo.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn ku booriyey Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan.

Kooxda Xamaas oo Gantaalo ku Weerartay Israa’iil

0

Wararka ka imaanaya dhulka reer Falastiin ayaa sheegaya in kooxda Xamaas  ee maamusha marinka Gaza ee go’doonsan ay bilaabeen hawlgal loogu magac daray daadka Al-Aqsa oo lagu bartilmaameedsanaayo ciidanka Israa’iil ee xoogga ku heysta dhulka Falastiin

Waxa la soo sheegayaa in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo gaaray dadka Israa’iil,kadib markii kooxda Xamaas ay ku weeraareen kumanaan gantaallo ah.

Militariga Israa’iil ayaa ku warramaya in kooxda Xamaas ee Gaza ay gudah u galeen deegaanada ay xoogga ku heystaan Yuhuudda,waxaana jira muuqaallo muujinaya dagaalyahanada oo afduub u haysta 35 ruux oo Israa’iiliyiin ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen beegsiga Gaza, iyadoo wasiirka gaashaandhigga uu oggolaaday in loogu yeero ciidamada kaydka militariga.