Home Blog Page 312

Madaxweyne Xasan Sheekh” ma jirto meel ay idiin ku tashadeen Dad Soomaaliyeed”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

“Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

26-ka june “Curashadii Maandeeq”

0

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh, waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed) iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dadka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Xuska iyo Weyneynta Maalmaha Qaranimada waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Wasiir Roobow” Waxaan soo marnay iyadoo xujeydeenu Buundooyinka hoos daadsan tahay maanta meel fiican ayaan soo gaarnay”.

0

-Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa Magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo lagu soo gebagabeynayay mowsimkii Xajka 1445 oo shaqadiisu soo socoto laga soo bilaabo Bishii September ee sanadkii hore ee 2023.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jiddah, madaxda qaar ka mid ah shirkadaha arrimaha xajka Sacuudiga, madaxda shirkadaha iyo xamlooyinka adeegga xajka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay warbixinta dadaalkii bilaha badan qaatay ee xajka iyo guulaha laga gaaray sanadkaan adeegga xajka Soomaaliya,iyadoo casharo badan laga bartay dhacdooyinkii sanadkii tagay ee 2023.

Dr Khadar Xaaji Daahir Suleymaan Madaxa Arrimaha Xajka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey Dadaalkii loo soo galay in xujeyda Soomaaliyeed Sanadkaan Helaan Adeeg xaj oo sarreeya.”Shaqada xajka aan maanta gebagebaynay waxaa ka horeysay 9 bilood ooo shaqo ah, oo wasaaradad Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo shirkadaha oo maalinkasta, bilkas shaqo ay qabanayeen ayaa maanta inoo soo dhamaatay,26dii september ayaa wasiir Awqaafta waxaa uu iclaamiyay mowsimka Xajka, xiligaasi oo loo arkaayay in ay ahayd waqti hore, bishii Octo iyo Novermber waxaa dhacay tartamadii adeegga Xajka, 72 shirkadood ayaana ku guuleystay adeegga Xajka,shirkadda Daallo-arilines na waxay ku guuleysatay daabulidda xujeyda,xujeyda Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin wacyigelin xoogan, inta ay dalkooda joogaan, taasina waa in la iska kaashadaa”.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha iyo dhamaan dadkii kale kalintooda uga qaateen dhiirogelinta adeegyada loo qabanayo xujeyda Soomaaliyeed,isagoo soo hadal qaaday isbedeladii sanadkan jiray.

Wuxuu sheegay in shirkadihii qaabilsanaa adeegga xujeyda ay fuliyeen balantii, sida shirkadihii basaska, iyo kuwii qaabilsanaa cunooyinka xujeyda Soomaaliyeed.

“sanadkan xoogaa meel fiican baa la soo gaaray dhaliil ma dhamaanayso,sanadkii hore waqtigan oo kale qeyladu way badnayd, sanadkan waan ka roonahay intii,inta dhiman sanadka dambe meeshaas aan ka sii qaadno, meel fiican bay joogtaa, hadda waxaa inoo yaala xujeydu in ay safraan oo nabad ku tagaan dalka, Daallo waxaan ka codsanaynaa dadka waayeelada ah iyo dadka xanuunsan in ay mudnaanta siiyaan, si deegaankooda ugu laabtaan,iyadoo aan qofna la dulminaynin”.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan oo gaaray caasimadda dalkaas ee Masqad

0

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Saldanada Cumaan dannjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa gaaray magaalada Masqad ee caasimadda dalkaas, iyadoo qaybta gaarka ah (VIP) garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay agaasimaha hab-maamuuska wasaaradda arrimaha dibadda Cumaan, hormuudka safiirrada caalamka u jooga Cumaan iyo diblomaasiyiinta safaaradda JFS ee Cumaan.

Danjire Bashiir ayaa ka mahadceliyey hab-maamuska sare ee loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Masqad, isagoo ballanqaaday inuu horumarin doono iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Cumaan, wuxuu intaa ku daray inuu dardargelin doono sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsi ee labada dal ka dhaxeeya, muwaadiniinta Soomaaliyeedna ay u heli lahaayeen adeegyo gacan ka siinaya inay sare u qaadaan wadaaga ganacsi ee labada dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Cumaan, Danjire Bashiir Hassan Hajji ayaa si weyn ay usoo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Cumaan.

Taliska Booliska oo ka digay in xabado la rido waqtiga dabaaldegga xorriyadda

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga digay ciidamada qalabka sida iyo bulshada inay xabado ridaan waqtiga calan saarka maalmaha xorriyadda.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Wuxuu Ku wargilinayaa in Dhamaan ciidanka qalabka sida iyo bulshada Soomaliyeed goob kasta oo ay Joogaan inta Lagu guda Jiro Dabaaldega 26 Juun iyo 1 luulyo Marka Lagaaro Saacada Calan saarka aan Wax Rasaas ah la ridi karin marka laga reebo Buleerka ay loogu Tala galay Dabaaldega

Maamaada ay horey uga dhasheen daawacyo soo gaarey qaar ka mid ah bulshada Soomalaiyeed

Dhamaan lamaha amniga waxaa lafarayaa inay u hogaansamaan Amarkaan. Ayna talaabo ka qaadaan cidii ku xad gudubta.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay safiirka Maraykanka

0

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka FS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee dowladda Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.

Safiirka ayaa ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay qaabilaada uu u sameeyay,isaga oo sheegay Inuu ku faraxsanahay in Soomaaliya loo soo magacaabo islamarkaana uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ugu horeyn safiirka ku soo dhoweeyey Soomaaliya ayaa waxa uu warbixin kooban ka siiyay horumarada Kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneysa oo ay ka mid yihiin Amniga,dhaqaalaha Iyo ciribtirka Khawaariijta.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Garsoorka Shiinaha iyo Afrika

0

-Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qayb galay shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha, kaas oo looga hadlay sida loo xoojin lahaa iskaashiga, hormarinta garsoorka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Shirkan ayaa waxa looga wada hadlay sidii loo kobcin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada garsoorka iyo sharciga.

Dowladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in ay iska kaashadaan horumarinta caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay hindisayaasha iskaashiga Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM

0

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac ay muujiyeen iyo samaynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si loo unko xafiis Q.M ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara.

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo kormeeray goobaha Imtixaanka ee degmadda Balcad

0

:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan imtixaanka Dugsiyada sare ee Degmada Balcad.

Kormeerka Wasiirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Xildhibaan Cali Cumar (Cali Balcad) iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasiirada ayaa bogaadiyay habsami u socodka imtixaanka, iyagoo ardayda u rajeeyey natiijo ay ku farxaan.

Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amniga’ (WARBIXIN

0

Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed AUN Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay ka mid ahaayeen “Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbadallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yareyd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (scoula media) oo ku yaallay muqdisho walina jira oo hada loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin jaamacad dalka oo dhan, sidaasi darteed ayey ardayda Soomaaliyeed dibadda waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1.500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey. Balse xilligii Dowladdii Kacaanka aheyd ayaa aadugu dadaashay horumarinta Waxbarashada iyo kordhinta Dugsiyada Dalka.

Haddaba waxaa Gobolada Dalka Soomaaliya ka bilowday Maalintii Sabtyida aheyd oo ay taariikhdu ku aadaneyd 22-kii bishan Juun Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Ardeyda Dugsiyada Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee ee sanad dugsiyadeedka 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday, wuxuuna ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in Waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

“Maanta waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, Waxbarashadu waa himillo weyn oo ay Xukuumaddu u aragto mudnaan la mid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan Askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna intaasi ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taasi oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah Ardayda, isagoo kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.

Meelaha uu tilmaamay Ra’iisul-wasaaraha ayaa kala ah Degmooyinka Laascaanood oo ka tirsan Gobolka Sool iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud oo ay si hamsami ah uga socdaan howsha imtixaanaad Shahaadiga ah, taasoo laaga joogo muddo 33 sano ah kadib, iyadoo Masuuliyiinta qaadeysa Imtixaanaadka iyo waraaqaha Imtixaankaba lagu qaaday Diyaarado.

Haddaba Degmada Ceeldheer ayaa 33 Sanno ka dib ka mid noqotay goobaha lagu gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah. Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa maanta markii ugu horeysay looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii laga xorreeyey Khawaarijta arxanka daran.

33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo Khawaarijta ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.

Waxaa Baraha Bulshada ku baaay muqaal qurux badan, kaasi oo ku saabsanaa Ardeydii ka qeybgalay Imtixaanka oo ay daabulkayaan Gawaarida Ciidanka booliska Soomaaliyeed sababo la xariira Roob aad u biyo dhigay qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Muqdisho, Roobkaasi xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho, kaasi oo saameyn ku yeeshay Ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka ay ku galayaan iyaga oo adeegsanayo Gaadiidka ciidanka.

“Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada maanta waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka Dugsiga Sare”sidaa waxaa yiri Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin

Maalintii Seddexaad ayuu Muqdisho iyo gobolada dalka ka soconayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, waxaana u rajeynaynaa inuu si nabdoon ugu dhammaado, ayna ku najaxaan Imixaanaadka ay juhdi badan u soo galeen.

Waxaa Alle mahadiis ah in Imtixaanka Qaran ee Fasalka 12aad uu ka socdo 13 Gobolka oo ka mid ah 18 Gobolka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxayna Kala yihiin sida hoos ku xusan.

Gobolada uu ka socdo Imtixaanka Qaran.

1.Jubada hoose

2.Jubada Dhexe

3.Gedo

4.Bay

5.Bokool

6.Hiiraan

7.Shabeelaha dhexe

8.Shabeelaha hoose

9.Banaadir

Galgaduud
11.Mudug

Sool (Laascaanood)
13.Togdheer (Buuhoodle)

Guul baan u rajayneynaa Ardayda Soomaaliyeed.